Raheem Sterling oo Hoggaaminaya Laacibiinta ugu Qaalisan Ciyaartoyga Dhalinyarada ah ee Yurub

Raheem Sterling, ayaa hoggaaminaya liiska laacibiinta ugu qaalisan dhalinyarada Yurub, sidaana waxa la sheegay daraasad cusub ay samaysay shirkadda daraasaadka ee Soccerex 20 Football Value Index.

Daraasadu waxay ciyaartoyga ka qiimaysay da’da, booska uu ka ciyaaro, kooxda uu u ciyaaro, mudada heshiiskiisa, qiimaha uu suuqa ka taagan yahay, ciyaaraha caalamiga ah ee uu saftay, goolasha uu dhaliyay, dhaawacyada iyo farsamadiisa.

 

Marka arrinmahan la isku xooriyo waxa Raheem Sterling lagu qiimeeyay 35 milyan pound, halka uu kaalinta labaad ka galay Marquinhos (PSG) oo lagu qiimeeyay lacag qadarkeedu yahay 27.8 milyan pound.

Booska saddexaad waxa galay Depay (Man United) oo lagu qiimeeyay 23.9 milya pound, halka uu afraad ka galay Berardi (Sassuolo) oo qiimihiisu noqday 21.7 milyan, booska shanaadna Gimenez (Atletico Madrid) oo noqday 21.5Raheem-Str