Halkee bay marayaan Ciyaaraha dalka Qadar?

Qatar-(Berberanews)-Waxaa dalka Qadar wali ka socda tartanka ciyaaraha koobka kubadda cagta adduunka ee 2022. Waxaa maanta kooxaha wada dheelay ka mid ah Sacuudiga iyo Poland.

Poland ayaa 2 iyo – 0 uga badisay xulka qaranka Sacuudiga. Xulka Sacuudiga ayaa toddobaadkan dad badan ka yaabiyay ka dib markii ay 2 iyo – 1 uga badiyeen xulka dalka argentina.

Ciyaaraha kale ee maanta dhacay waxaa ka mid ah ciyaar dhexmartay xulalka Australia iyo Tunisia waxaana guusha ay raacday Australia 1 iyo-0 uga badisay xulka Tunisia