Taageerayaasha Naadiga Celtic oo garab istaag weyn u muujiyay Falastiin

Kooxda weyn oo taageere u ah Celtic ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan muujinta midnimada dadka reer Falastiin oo ay calanka falastiiniyiinta ka lulayaan ciyaaraha kubbadda cagta ee soo socda, inkastoo ay dhaleeceyn kala kulmeen guddiga naadiga Scotland.

Guutada Cagaaran waxay qorsheyneysaa inay ” tusto aduunka in naadigu uu garab taagan yahay kuwa dulman, ee aanu garab istaagin dulmiga”.

“Waa inaan wax ka baranayaa  midab-takoorkii Koonfur Afrika si loo dabakho midab-takoorka Israa’iil – haddii aan dhexdhexaad ka nahay xaaladaha caddaalad-darrada, waxaan doorannay dhinaca dulmiga,” ayay yidhaahdeen taageerayaasha kooxda.

Kooxda Celtic ee fadhigeedu yahay Glasgow, mid ka mid ah labada kooxood ee waaweyn ee Scotland, ayaa taariikh dheer ku leh taageerada qadiyadda Falastiin.