Cristiano Ronaldo oo ku dhawaaqay inuu ka tegay Manchester United.

Ciyaaraha-(Berberanews)-Weeraryahanka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa si degdeg ah uga tagaya Manchester United.

Go’aanka ayaa daba socda wareysi muran dhaliyay oo 37-sano jirku uu ku dhaleeceeyay kooxda oo uu ku sheegay in aanau “wax ixtiraam ah u hayn” maamule Erik ten Hag.

Labada dhinacba waxa ay sheegeen in bixitaanka Ronaldo uu ahaa “mid la isku raacay”.

“Kooxdu waxay uga mahadcelinaysaa wax-qabadkiisii ​​wacnaa ee labadii xilli ee uu ku sugnaa Old Trafford,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay Manchester United.

Waxay u rajeeyeen “isaga iyo qoyskiisa wanaag mustaqbalka” waxayna ku dareen “qof walba oo Manchester United ah wuxuu weli diirada saarayaa sii wadida horumarka kooxda ee Erik ten Hag iyo in laga wada shaqeeyo sidii guulo looga gaadhi lahaa garoonka”.

United ayaa ku jirta kaalinta shanaad ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii ugu horeysay ee Ten Hag isagoo tababare ah, iyadoo xilli ciyaareedka uu nasasho u galayo Koobka Adduunka ee Qatar.

Ronaldo ayaa kula jira Portugal tartanka, waxaana lagu wadaa inuu kabtan u noqdo kulanka furitaanka Group H ee Ghana Khamiista.

Waxa uu warbaahinta kula hadlay dalka Qatar isniintii, isaga oo sheegay in uu “ hadli doono marka uu doono”

Ronaldo, oo dhaliyay 145 gool 346 kulan oo uu u saftay United, ayaa ka tagay Juventus isagoo dib ugu biiray kooxda Old Trafford bishii Ogosto 2021 – 11 sano ka dib markii uu ka tagay kuna biiray Real Madrid.