Reer Awdal Haloogu Dhaarto inay Sideed sanadood Xukumayeen Dalka iyo Dadka

Salaan sharafeed baan u dirayaa dhamaan dadkayga Somaliland ee aan jeclahay, waxaan qalinka u qaatay inaan xoogaa ka iftiimiyo  xaalada ka taagan Gobolka Awadal.

Gobolka Awdal wuxuu ka mid yahay Gobolada Somaliand taariikhda faca weyn ku leh  wuxuu ahaa Gobolkii lagu qabtay shirarkii aasaaska Somaliland, wuxuu ka mid ahaa goboladii lagu saxeexay Axdi qarameedka Somaliland qiimaha aan marnaba la ilaawi Karin ayuu Somaliland ugu fadhiyaa dadkeeduna waa wada ogyahay baan filayaaa.

Madaxweynenihii hore ee Daahir Riyaale Kaahin wuxuu ahaa nin kasoo jeeda Gobolka Awdal  dalka iyo dadka wuxuu u talinaayey 8-sanadood uu amarkiisu shaqaynaayey ilaa 2010-kii doorasho lagu muquuniyey ,  maanta dadka kasoo jeeda Awdal  waxa ka makhtraati kacaan  inaan horumarka ay gaadhsiisay Xukuumada Madaxweyne siilaanyo  2-sanadood gudahood aanay 8-sanadood xukuumadii riyaale gaadhsiin , Dadka Somaliland side ayey u aqbalayaan  Reer Awadal intaasi dalkasoo kasoo talinaayey hadama maanta waanu ka baxnay Somaliland.

Shalay markay iyagu hogaanka hayeen dalkan ay hogaaminayeen Madaxweynuhu ahaa nin kasoo jeeda Awdal  reer Awdal markaasi miyaanay Somaliland ahayn, se xagee jireen markaas,  Dadka reer Awadal waa dadkii Somaliland Xukunkeeda ugu mudada dheeraa  iyadoo intaasi dalka hormuud usoo ahaa markay taasi ku hadlaan dadkii kale ee Somaliland maxay odhan doonaan? Waxaanu leenahay reer Awdaloow waxaad wadaan waa idinku ceeb iyo fadeexad, inaad boorama heesaha somaliya ka qaadaan waa idinku fool xumo Somaliland idinkama geydo iyada iyo dadkeeduba.

Salaadiinta kuwa sheegtay ee leh Somaliland ayaan dagaal la gelaynaa idinka ayaa ku baa ba,aaya cidna wax ku noqonaysaa ee ku dhimanaysaa waa idinka, qaranimada Somaliland iyo rabitaanka shacabka cidna looga haybadaysan mayo Awdal waa dhul Somaliland leedahay  dadka joogaana waa Somaliland waa dadkii shalay xukunka hayey maantana haya, ninkaan ku qanacsanayn awadal iyo Somaliland  dhulku ma guuree orod oo tag halka lagaa jecelyahay oo hadhow markaad soo haraado hasoo noqon.

Dawlada Somaliland waxaanu ugu baaqaynaa  qaranimada wadajirka iyo Qadiyada Somaliland waa inaanay cidna uga haybadaysan,  Somaliland  iyadu cidna uma baahna iyadaa loo baahan yahay  iimaankiisu ninkuu ku filaan waayey  isagaa circa roob ku og, xukuumada waanu bogaadinaynaa waanu ku guubinaynaa inaanay cidna gor gortan  kala gelin  qadiyada iyo jiritaanka qaranka.

Ugbaad Jalaqsan

ubaagjalaqsan@gmail.com