Raysal-wasaare Aan Sharci Ahayn Qalinkii: Ibraahim Yuusuf Axmed “Hawd”

Soomaalilaand waa dal leh dastuur dadkiisu doorteen oo qeexaya sida hab-dawladeedkiisu u dhisan yahay. Tiirarka ama awoodaha ay dawladnimadaasi ku taagan tahay waa gole guurti, gole wakiillo, iyo gole madaxtooyo oo ka kooban madaxweyne iyo madaxweyne xigeen. Sidaas buu dastuurku dhigayaa, sidaas buu dadweynuhu wax ku doortaa, sidaas baana lagu soo dhaqmay.
 
 
Haddaba Madaxweyne Axmed-Siilaanyo wax uu umadda horteeda af cad ku yidhi ”wasiir Xirsi waa wasiirka wasiirrada”. Wasiirka wasiirrada macnaheedu luqad ahaan iyo nuxur ahaanba waa raysalwasaare, shakina ma leh madaxweynuhu in uu sidaa u fahansan yahay. Haddaba maxaa dhacay?
 
 
Ma wax ay ka tahay xaqdhawr la’aan uu dastuurka dalka u hayo? Ma bulshada iyo hay’adaha kale ayaanu ka haybaysanayn? Ma damac xumo iyo kelitalisnimo ayaa madax martay? Ma khalkhal maskaxeed baa ku dhacay oo go’aanka iyo odhaahda waanu u meel dayin? Intuba waa suurtagal, mid kale ayaa se sii dheeraan karta.
 
 
Sida la wada og yahay, sharci ahaan wasiirradu wax ay lee yihiin awood siman. Sidaa darteed wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali sharci ahaan loo ma aqoonsana awood ka baxsan xafiiska uu ku magacaaban yahay. Iyada oo ay sidaa tahay ayuu haddana wasiirkaasi u dhaqmaa sidii raysalwasaare, isaga oo dhex orda dhammaan hawlaha qaranka hay’ad walba iyo heer walba, ilaa gobol iyo degmo. In badan ayay bulshadu arrinkaa ka hadashay.
 
 
Mar waxaa la yidhaahdaa madaxweynuhu waa hawlgab oo meesha wuu is ka fadhiyaa, sidaa darteed halkii uu xilka ka degi lahaa wax uu door biday in uu qof kale oo firfricoon kuna kalsoon yahay hawlaha u dirto. Mar kale waxaa la yidhaahdaa odaygu waa nin qabyaaladeed oo Xirsi oo haybnimo xiga ayuu ogaan awooddaa u siinayaa. Laakiin labada masalo dhab ahaantii waa is ku mid ee ka la laba ma aha. Xaal mastuur baa se arrinka la gu daayay. Waa marka la yidhaahdo ”umadda Soomaalilaand waa gob dawlad xumo dilootay”.
 
Imika haddaba, hadalkan yaabka badan ee madaxweynaha waxaa loo macnaysan karaa in uu u ga dan lee yahay wasiir Xirsi in uu wasiirrada kale iyo bulshada oo dhan u bajiyo oo u bahdilo. Haa, mar haddii uu yidhi waa wasiirkii wasiirrada, macnaheedu waa ninkaa awood badan baan siiyay ee ogaada oo ka dambeeya. Halkaa mashaqo siyaasadeed iyo mid dastuur oo wada socda ayaa ka dhacay, waana in la ga xisaabtamaa. Haddii kale wallee Siilaanyo meel fog baa laga dooni.
 
 
 
 
Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”