Marwada Madaxweyne Silaanyo oo dhallinyaro u addeegsanaysa taageero ay xukuumadda u doonayso

Xogo ay bixiyeen qaar ka tirsan koox dhalinyaro ah oo ay marwada madaxweyne siilaanyo bari oo AXAD ah kula balansan tahay xarunta madaxtooyada Somaliland,ayaa sheegaya in ujeedada kooxdaasi oo ay marwada isku jifo yihiin ay kala hadlayso olole balaadhan oo ay doonayso inay ka fuliso qaybo ka mid ah gobolada togdheer,saaxil iyo maroodi jeex,ololahaasi oo taageero loogu raadinayo siilaanyo ayaa waxa la dooonayaa in loo sii maro kooxo dhalinyaro ah oo marwadu doonayso inay dhaqaale u adeedgsato taageerada siilaanyo ee goboladaasi aynu soo sheegnay.

guracan ee ay bilawday xarunta madaxtooyada Somaliland ayaa ah qaar u eek waji ku macaash ma dhalays ah,oo la doonayo in umadda lagu jahawareeriyo isla markaana lagu boobo hantida umadda ee ay masuulka ka yihiin,madaxtooyadu.

Tan iyo markii ay xukuumadda siilaanyo ay la wareegtay talada dalka ayaa waxay ku soo kordhisay dhaqano fool xun oo dalka u horseedaya musuq maasuq ,waxay xukuumadda siilaanyo caadaysatay inay umadda qaybo yar oo ka mid ah dhaqaalaha umada ay doonto inay ku soo jiidato iyo balan qaad been ah.

Hadaba waxa la dhawrayaa kulankan ay marwada siilaanyo bari oo AXADN ah kula balansan tahay xarunta madaxtooyada kooxda dhalinyarada ah ee la doonayo in olole dhaqaalaysan la galiyo,waxa kale oo ay arintaasi markhaati u tahay sida dadka deeganadaasi loo dirayo dhalinyarada ay quusta uga istaageen xukuumada siilaanyo ee saldhigeedu yahay qabyaalada,eexda,nin jeclaysiga,boobka hantida umadda,cadaalad darada iyo qaraabo kiilku, isla markaana waa xukuumad umadii midka ahayd ee lagu wareejiyey kala qaybiso oo maanta akhristayaal waxaynu og nahay inay xukuumada siilaanyo dalka ka bilawday inay ka rido dagaalo sokeeye oo kii ugu horeeyey wataasi ka bilawday BALI DIIRIYE ee waqooyiga maagaalada burco ,iyadoo xukuumadu u muuqata inay la safatay reerkii madaxweyne siilanayo ka soo jeeday,arintaasi oo ceebtii ugu weynd ah, isla markaana siilaanyo u horseedi karto in lagu soo oogo dani khiyaamo qaran.

By: Axmed C/risaaq Maxamed

Email:axmed-1994@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland