Dhallinyarada Somaliland: Suureynta qarannimadooda iyo siday u rabaan koboca dalkooda

Xuska Qaran ee Maalinta Dhallinyarada Somaliland – 20 Feeberwari
Dhallinyarada Somaliland ee ku nool magaalada Landhan waxa ay kugu martiqaadayaan in aad kala soo qayb gasho xuska Maalinta Dhallinyarada Somaliland oo ku beegan Khamiista 20ka Feeberwari. Kulankani waxa uu ka dhici doonnaa daarta Oxford House ee bariga magaalada Landhan, 6da fiidnimo. Waxa lagaga hadli doonnaa ahaanshaha iyo kobcinta qaran ee Somaliland, waxa na madasha ku wada hadli doonna dhallinyaradii shalay iyo kuwa maanta. Meelo kale oo laga xusayo maalintan ayaa lala xidhiidhsiin doonnaa doodaha.
20kii Feeberwari ee 1982kii waxa ka dhacay magaalooyin kala duwan kacdoonkii kowaad ee dhallinyaradu kaga hor timi maamulkii kali taliska ahaa ee ka jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya xilligaas, kacdoonkaas oo dhagaxa ay ku tuureen uu sidey farriin ah ka dhiidhiga xumaanta, dulmiga iyo ku tumashada xuquuqda muwaadinka ee maamulkaasi si walba u baabi’iyey. Waxa ay si gaar ah dhallintaasi ay hor kacayeen ardeyda dugsiyadu maalintaa u diideen xadhiggii xaqdarrada ahaa iyo xukunkii maalintaa ku dhacay kooxdii UFFO loo yaqaannay, ee waxa ugu wayn ee lagu qoonsaday ay ahayd hagaajinta iyo nadiifinta dhakhtarka guud ee magaalada Hargeysa. Iyadoo kacdaankaa niyadda lagu hayo, 20ka Feeberwari waxa qaranka Somaliland aqoonsaday Maalinta Dhallinyarada Somaliland.
Kulankan oo haddaba loogu dabbaaldegayo Dhallinyarada maanta ee Somaliland, waxa isku soo hor-fadhiisan doona dhallinyarada ku nool Landhan ee ay ka mid yihiin ardayadda dhaqaalaha barata ee Farax Xasan, Warda Maxamed iyo dhallin kale oo ku nool Landhan, waxa na ay wadahadal la wadaagi doonaan Maxamed Baaruud Cali oo ah qoraaga buugga “The Mourning Tree:  An Autobiography and Prison Memoirs”, kana mid ahaa dhallinyaradii UFFO, iyo Cali Maxamed Yuusuf Cali “Cali Gurey” oo ah siyaasi ka tirsan Xisbiga UCID, kana mid ahaa madaxdii ururkii SNM. Waxa hadalka u qaybin doona Jaamac Muuse Jaamac, qoraaga buugga “A note on my teachers’ group: news report of an injustice”.
Kulankan oo uu martigelinayo Ururka Dhaqanka iyo Fanka ee “Kayd”, waxa ay ujeeddadiisu tahay in dhallinyarada maanta ee Somaliland ay kala hadlaan ummaddooda sida ay qaran ahaan u arkaan aayahooda iyo ahaanshohooda, kuna garnaqasadaan waddadii loo mari lahaa dhismaha waddankooda sidii ay waax uga noqon lahaayeen.
Waxa suugaan gabayo ah iyo fan kala duwan soo bandhigi doona Caasha-Luul Maxamuud iyo Nimco Deggan.
Kulanku waa bilaash, waxa aad iska diiwaan gelin kartaa halkan (guji xidhiidhiyahan https://www.eventbrite.co.uk/e/somaliland-youth-identity-and-development-tickets-10627462025), haddii aad faahfaahin dheeraad ah u baahatana la hadal teleefonka 07793096140.
Ka eeg warbixintan www.kayd.org