Dhallinyaro caan ka ah Baraha Bulshada oo lagu ururiyay Xabsiga Muqdisho

Muqdisho-(Berberanews)-Taliska ciidanka Boliiska Somalia ayaa sheegay in gacanta kusooo dhigeen qaar ka mid ah dhallinyarada caanka ka ah baraha bulshada.

Qoraal kasoo baxay  Booliska ayaa lagu sheegay in ay bulshada ka dhax sameynayeen falal anshax xumo iyo kala geyn bulsho ah sida lagu sheegay qoraalka Booliska.

Qoraalka Booliska ayaa lagu yidhi :-

“Ciidanka Booliska ayaa Howl-gal Kusoo Qabtey Dhalinyaro Beryahaan dambe ka Wadey Anshax Xumo Aaladaha baraha Bulshada

Howgal qaatay muddo 24 saac ah ayeey Ciidanka Boliiska Qeybta Guud kusoo qaqabteen  dhalinyaro tiradoodu gaareyso 21 ruux kuwaas oo bulshada dhaxdeeda kawaday   Anshax xumo iyo kala qo qobida  wadajirka bulshada.

Boliiska ayaa bilaabay baaritaanka eedeysanayaasha si looga gun gaaro cida soo abaabushay falalkan ay ku kaceen dhalinyaradaan.

Waxaana la horgeydoonaa Maxkamada Awooda u leh.

Waxaa looga digayaa  shacabka Soomaaliyeed ee kunool Caasimada iyo hareeraheeda in ay ka fogaadaan falalka Anshaxumada ah, hadalada kicinaya bulshada iyo  Aflagaalada Muwaadiniinta”.