Wiil dhalinyara oo Ku dhintay Balli ku yaalla Duleedkamagaalada Hargeysa.

Hargeysa 17 May 2024 Alle Haw Naxariistee Wiil ayaa ku Dhintay Balli ku yaalla magaalada Hargeysa duleedka koonfureed ee Masalaha caasimada Hargeysa.

Ehelada marxuumkaas ayaa ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ku soo wargeliyay balse waxay ciidanka u soo sheegeen wakhti dambe waxaanay soo dalbadeen in Maydka laga soo saaro Balliga, kadibna Ciidanku wuxuu degdeg ugu baxay goobtaas,baadigoobna u galay soo saarista Maydka waxaana Ciidanku Baadigoobkaa iyo soo saaristaasi marxuumka oo dhoobada hoose ee Balligu ku dhagtay ku raadjoogeen Inay helaan.

Gabagabadiina waxaa Ciidanka Dabdemiska Hargeysa oo adeegsanaya Mishiinada Biyaha waxay ku guuleysteen Balliga ka soo saareen maydka marxuumkaas, kuna qaadatay muddo dhawr iyo labaatan saacadood. Waxaa iyaguna Goobjoog ahaa Quusayaal ka socday Ciidanka Ilaalada Xeebaha.

Wakhtigaa badan ee uu qaatay hawlgalkaasi waxaa sabab u ahaa biyaha balliga oo aad u badnaa iyo sidoo kale jooga hoose ee Biyaha oo aad u dheeraa.

Marxuumkan ayaa lagu magacaabi jiray Cabdilaahi Ciise Sheekh Xuseen oo 23 Jir ah.

Ugu dambayn ciidanka Dabdemisku wuxuu fariin u dirayaa markastabana shacbiweynaha Somaliland ku adkaynayaa In ay ka digtoonaadaan Balliyada,Xadhkaha laydhka iyo dhamaan wax kastoo Khatar ku ah nafta iyo maalka muwaadiniinta.

Ciidanka Dab-demisku wuxuu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku Samir iyo iimaan saadiqa ilaahay haka siiyo.