QUFULKII WAKHTIGA: WQ Kayd M. Cabdalla

CAMALKII QABIILKIYO MIDNIMO CALAN WADAAGAYSA WAA CALAACAL TIMO YEELATIYO CAADO KOW TIDHIYE

Salaan ka dib, markii qof waliba diiday in uu cidla is taago kuna riyooday in uu ka muuqdo bulshada inteeda kale ayaa asaga oo reer amma qabiil ku dhuumanaya mansab ka doontay dawladda amma qabiilkiisa. Markii la kala waayey jagooyinka dawladda laga qabto ayaa waxa soo baxay rag boodh iyo caano isku shubay oo markay waayeen madaxnimo dawladeed boqor qabiil sheegtay dadkana taariikhdii la dhaafay ee qabiilka ahayd dib ugu celiyey waana ayaan darro markii nin waliba amma reer waliba maanta Ugaas iyo Boqor adduunka kale caayaan kana ilbaxeen dadkeennu ayaga oo isku dayana la soo saaraan. Markii aan arko Boqor ku sheeg amma Hoggaanbeeleed waxaan soo qorayaa gabaygan lidka ku ah waxa la yidhaa QUFULKII WAKHTIGA:


Anigaa  qalaadaaya oo qaylo taag bidaye
Qabyadii sidii aan u waday layla qaban waaye
Maantana waxaan qoonsadaan soo qadimayaaye
Kolley qaadanmaysee murtida waan u qubayaaye
Qushi hayla yaabtee waxa jira waanan qarinayne
 
Taariikhdu waa soo qorrayd taniyo Qaabiile
Wixii qalinka lagu weeraree qaafka lagu sheegay
Ma qalalin halkii lagu qarradhay qaabka nololeede
Qasnadaha waxaa lagu hayaa waa qalfoof  hore e
Quraankaaba lagu sheegayaa qoonki nebi Nuuxe,
Qubuuraha kuwaa baadhayee qararka jeexaayey
Qoloftii Fircooniyo ka hele qaar horoo jiraye
Quruumii horee tegey haddaa qaar la soo fagaye
Qaaruun halkuu seexan jirey waaba qodayaane
Qalabkaynnu wada haysannee kuu qotomoy hoyga
Soo qode qabaal iyo sibraar qori fandhaalkiiye
Qorroggii waxaa loogu tegey qalanqal hoosaade
Qalabkaa gaboobiyo raggay daba qamaamayso
Waa quufla sheekada jirtiyo shay qaddiimiya e
Qarbad wuxu la noolaa SULDAAN qolo xormaysaaye
Boqorradan qardaafaaya ee qolo ku xoomayso
Qabqablaha Ugaas iyo Garaad qudhaca loo xaadho
Qaansadiyo leebkii intaan qori la soo saarin
Ee uunku wada qaawanaa laysna qalanaayey
Qarnigaa kuwii talinayaa qooqan caawana e
 
Qorraxdii dhacdaba noloshu waa qaabad gooniya  e
Qufulkii wakhtigu kugu xidhaa qoobka kuu sudhane
Qoys waliba kii uu boqraday qaaqle soo dhuranye
Nin qabyaalad maamuusayoo qolo u heesaaya
Nimankaa qalwada loo goglee qaadhka lagu haysto
Ee kala qoqobayee bulshada qaarba magacsiiyey
Adduunyada horaa loo qubee waa qarsanayaane
Qaabkaad u nooshahay nin kale quudhsay waa hore e
Qanjidhkii bukoodiyo halkay qodaxi naafaysay
Qalliin baaba lagu fiiriyaa qoonta kaa hadhine
Qoqobaha intuu kuu fadhiyo qaybiyaha  beeshu
Ee uu qalqaaliga mir kacay Qawdhan talinaayo
Qaxarkaa aduun baa ku jiri qaylo galabeede
 
Qaynuunka aadami dhigtiyo qaab kalaa jira e
 Ninkii qaban karaayaa hor kac qoon iskaashada e
Qoomiyaddu waa wada jirkoo lays qadariyaaye
Marka laysu wada qayshadaa qaro la yeeshaaye
Isma qaban karaan dawladnimo qoliyo reer reere
Hadday kala qalootoo dan guud laysla qaban waayo
Qolo waliba kay dooratiyo Quulle dabaluuddo
Waa quraarad kala daadatiyo qurbyadeediiye
Qarannimo markii lagu fikiray quuste odayaale
Qudhunkiinna huursada illayn kama qashaaftaane
 
Kayd M. Cabdalla