Shirkadaha Somcable iyo Bluwan Oo Ku Guulaystay Abaalmaarino Caalamiya

Hargeysa (Berberanews) — Shirkadda Somcable ee Somaliland laga leeyahay oo kaashanaysa shirkadda kale ee caalamiga ah ee Bluewan Globecomm Systems oo beryahan dambe Somaliland ka wadday hawl galo ay kaga hirgelinayso technologyada casri ah oo

sahlaya in kumanaan shacbiga Somaliland ahi inay ka faa’iidaystaan isgaadhsiinta casriga ah (Viper optic), ayaa ku guulaystay abaalmarin caalami ah oo sannad walba ay bixiso hay’adda Global Telecommunications.som cable

Shirkadda Somcable oo xarunteedu taal magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ayaa heshiis kula gashay shirkadda Bluwan iyo Globecomm Systems bishii November sanadki 2012, nidaam sahlaya inay bulshada ku dhaqan gudaha dalka Somaliland sannadka 2015 helaan isgaadhsiinta casriga ah ee Fiber Optic-ga oo wireless ah, halkii xadhkaha markii hore ay ka ahayd in guri walba lagu geliyo. ku ah dhulka oo dhan sanadka 2015.  Sidaas ayayna shirkadda Somcable ugu guulaysatay abaalmarinta loo yaqaan Wireless Network Infrastructure Innovation, waxaana abaalmarintaas lagu gudoonsiiyay munaasibad balaadhan oo uu soo qabanqaabiyay wargeyska Global Telecoms Business Innovation xaruntiisa ku taal dalka Ingiriska gaar ahaan casimaada London.


“Farxad weyn bay noo tahay Shirkad ahaan maanta inaanu ku guulaysano abaalmarintan, oo maanta sharaf bay u tahay dalka Somaliland iyo Shirkada Somcable” sidaa waxa yidhi guddoomiyaha dhinaca suuq geynta shirkada Bluwan Shayan Sanyal.

Shirkadda Bluwan waxa ay ka hirgelin doonta Somaliland tignoolajiyad cusub oo la yidhaahdo  BroadFusion Fibre Trough The Air oo ku cusub qaarada Afrika gaar ahaan gobolka Geeska Afrika oo ay Somaliland ka mid tahay, waxaanay faa’iido weyn u yeelan doontaa mushtamaca dalka oo dhan sida ardayda, ganacsatada, warbaahinta iyo guud ahaanba cidii danaysa isgaadhsiinta casri ah.

“Heshiiska saddex geesodka ah ee u dhexeeya Somcable, Bluwan iyo Globecomm Systems wuxuu saamaxayaa in kumanaan qof oo ku nool guud ahaan qaaradda Afrika ay noloshooda wax ka bedesho, waxaanay suurta gelinaysaa tignoolijiyada casriga ah ee BroadFusion inay la helaan isgaadhsiin qiimo jaban iyo tignoolajiyad cusub ku shaqaynaysa, taasina waxay keenaysaa in ummadda Somaliland iyo Afrikaba la jaan qaadaan dunida inteeda kale” ayuu yidhi Guddoomiyaha suuq geynta Mr. Sanyal.