“Waxaan reer Saaxil xaal ka siinayaa weerarka deegaamaysan ee Xukuumadda Silaanyo..”Aqoonyahan Jiir

Aniga oo ah aqoonyahan jaamac cilmi jiir, waxaan reer saaxil xaal ka siinayaa weerarka deegaamaysan ee beesha aan ka soo jeeda ku soo qaadeen, iyada oo la og yahay in xitaa masaajidkii dekeda loo bixiyey siilaanyo, taasi oo meel ka dhac ku ah dadka reer saaxil waayo taai waxay muujinaysaa in siilaanyo doonayo in uu beesha ka soo raro deegaankoodii oo uu u soo raro gobolka saaxil, gaar ahaan magaalada berbera, isla markaana waxaan ogahayn dhalinyaro badan oo reerka ah la yidhi berbera ayaa shaqo la idinka siinayaa ee ka soo kaca.

Hadaba, saaxiibaal waxaa laga yaaba mark aad aragtaan amqalkan in aad is tidhaahdaa waa maxay weerarkaasi , waxaan u jeeda sida xowliga leh ee dhalinyarada beesha looga soo kaxaynayo deegaankoodii iyada oo ay ujeedadu tahay in lagu beero berbera,taasi oo kala fogeynaysa dadka walaalaha ah ee beesha Ciise Muuse iyo Beesha Habar-Jeclo kala dil kaasina uu masuul ka yahay siilaanyo iyo wasiirada beesha oo si indho la’aan ah dadkooda ugu soo raraya berbera,iyada oo aynu og nahay in berberi tahay isha ugu weyn ee dhaqaalaha somaliland ka soo xeroodo.
Hadaba, akhriste waxaan cambaareynayaa sifihii sharciga baal barsanaa ee badhasaabkii gobolka Saaxil Mr Ramaax lagu eryey taasi oo salka ku haysay nidaamka deegaamaynta ee ay beeshu doonaysay oo uu diiday Ramaax ,halka booskisii la keenay nin isagu u jajaban deegaamaynta ay wado beeshu iyo maareeyaha oo dekeda oo isna ahaa raggii dhegta u ahaa xukuumada ee ka danbeeyey xilka qaadistii Ramaax.
Saaxiibayaal runta oo la sheegaa waa sifa qofka wanaagsan beenta oo la sheegaana waa sifaha qofka xun,markaa waa waajib in aynu arimaha dalka ka socda runta ka sheegnaa,waxa kale oo jirta akhristayaal in dadka degan gobolka saaxil ay yihiin dad wanaagsan oo aan lahayn cuqdad iyo dhibaato toona balse arimaha socda marka la eego waa la kalifayaa dadka deegaanka berbera dega,iyada oo la wada ogaa sidii foosha xumeyd ee dadka reer Caynabo u galeen Gudoomiyihii Ururkii UDHIS Mujaahid Ibraahim C/laahi Xuseen(Dhegaweyne) xili uu ku jiray ololihii ururkaasi taasi oo xaal ka siiyay mujaahidka dhacdadaasi xun ee waqtigaasi lagu sameeyey isaga oo aan arintaasi geyin.

 
taariikhda somaliland marka la eego qabiilo dhawr ah ayaa soo qabtay xilalka madaxweynaha somaliland iyada oo madaxweynihii ugu horeeyey ee somaliland Marxuum C/raxmaan uu ahaa madaxweyne aan waxyaalada ku dhaqan, halka uu madaxweyne Cigaalna uu ahaa shakhsi neceb qabyaalada oo xitaa diidi jiray in lagu ag arko dad ka soo jeeda beeshiisa,isaga oo ahaa aasaasihii jamhuuriyada somaliland dhidibada u taagay.
halka uu Rayaalena xukuumadisii dadka ama beelaha wada dega somaliland ay ka wada muuqdeen.
Xukuumadan siilaanyo ilaa tan iyo markii la doortay waxay ku caan baxday qaraabo kiil iyo eex aan xad lahayn, taasoo cawaaqib xumo dheer ku reebi doonta taariikhda reerka iyo tan siilaanyo, iyada oo loo baahan yahay in xukuumada dib isku fiiriso oo ay ka fiirsato arimaha qabyaalada ee ay horseedka ka tahay.
Gabagabadii waxaan xaal siinayaa waxgaradka ,aqoon yahanka iyo dhamaan dadka miisaanka ku leh gobolka, oo aan ka raali gelinaayo wixii dhibaato ah ee ka soo gaadhay xukuumada iyo saamiga ay ku lahaayeen xukuumada ee laga qadiyey saamigii ay xaqa u lahaayeen.
Qalinka:Aqoon yahan Jaamac Cilmi (Jiir)
Hargeysa/Somaliland