HAWEENKA IYO MAAMULKA. qormadii 3-aad w/q. axmed-yaasiin cali-dheere

Bulsho waliba waxay sharaf leedahay inta ay haweenkooda sharfaan, waxay ila tahay inaynaan taas isku diiddaneyn, hadaba waa sidee sida aynu haweenkeenna u sharfi karnaa ? ma waxaynu haweenkeenna sharaf uga dhignaa sida ilaahay u sharfay, mise sida dhalanteedka ah ee dimuqraaddiga loo yaqaan, labadaas waddoba waa laba waddo oo inna hor yaal, ta aynu qaadanaynaa se waa mid aynu innagu dooran karno, BANII AADAMKUNA waxa uu dulloobaa markuu dullinimada wehel moodo.
waxa aan xasuustay meeris ku jirey gabay uu leeyahay abwaan caato waa gabaygii QAYLO-ORODKA-DHOOFKA oo markaad aragto aad is odhanayso waxa uu fasiray aayaddii quraanka ahayd ee ku jirtey suuradda RACAD meeriskaasi wuxuu odhanayaa:
”qaaddirkeen ma rogo qoom haddaan, qalad ku hoosayn e”
bal isu eeg meeriskan iyo habqanka bulshada soomaaliyeed haysta calankay doonanba ha lahaadaan e’ , bal kuwa nabadda waayey eeg, bal kuwa aqoonsi raadiska ah eeg, bal kuwa xuduudaha kale ku jira eeg, qalad intee la eg baa innagu hooseeya bay kula tahay,arrimaha hayb-sooca iyo gefafka kale ee aadka u culus markaad ka timaaddo bal meel kale adigoon deyinba waxa aad eegtaa oo keliya, dumarka soomaaliyeed ee lagu yidhi xaq baa idinka maqan ! waa run oo xaq baa ka maqan weliba xaq weyn baa ka maqan bal se xaqa dumarkeenna ka maqan, nimanka meelahaas ka nacnacleeya ee bidcada ka baayac mushtareeyaa waxay ka dhigaan mid siyaasadda xaggeeda ah illayn dad aynaan garanayn baa magac iyo maamuusba lagaga doonayaaye, goblan talo adduunyooy ! malaha arki maayaan xaq-darrooyinka ay iyagu hadda bilabayaan ee ay ka mid tahay arrintii meherka 150 mise 100 $ meelahaas ay ku sheegeen in lagu hor joogsado.
meherku waa xaqa ugu mug weyn ee ay haweenku xor u yihiin, xaqa meherku haddaan la iska ilaalin waa halis, nin ku oggolaadaba taasi waa lama taabtaan oo haddii mid cirka iyo dhulka meher u qabsata aad aragto iskaga tag waxa aad heli mid ilaahay ka cabsanaysa oo wax maan-gal ah meher u qabsata, waar odayaasha maxaa gebgebta ugu wacan, ma intaasay odhan kari waayeen, bal adba. waa quduriyo amakaag,
la soco ……………….
mecxico8@hotmail.com