Madaxwaynaha Jabuuti Cumar Geele Waxa Xusi Doonta Taariikhda Dunidda


Jabuuti-Madaxwaynaha Jabuuti Mudane Cumar Geele, waxa lagu doortay Cod xarago leh oo Aqlabiyad ah. Waana kii ugu horeeyey ee intii ay Jabuuti jirtay sidan oo kale ku yimaada Mansabka Madaxtinimada dalka. Waxa dhab ah in uu Cumar Geeleyahay Qof u qalma in ay ummadiisu Aqlabiyad noocan oo kale ah ku doorato marka la eego Waayo-aragnimadiisa, Aqoontiisa, Horumarka  uu gaadhsiiyey dalkiisa.

 
 

Si kastaba ha ahaatee, waxa hubaal ah in uu Cumar Geele Caawa  u taagan yahay Qadiyada Dadkan iyo Dalkan, maadaama ay Shacbigu Cod aqlabiyad ah  ku muujiyeen Baahida ay u qabaan Hogaamiye ka turjuma baahidooda iyo Dareenkooda isla markaasina ay doorteen markii Afraad si xidhiidh ah.

Hadaba, Cumar Geelewaa kuma. Waa siyaasi weyn oo Ruug cadaa ah Shacbigiisuna u qiray,  waana Hogaamiye Beesha Caalamka ku xidhan.waxaanu  maamulayaa  Bulsho,isku duuban oo leh hanaan ku salaysan  Dhaqan, Dhaqaale iyo waliba haykalkii Dawladdnimo,

Cumar geele, oo ah Madaxweynihii labaad ee ay Jabuuti yeelato, Sidoo kale, waxa uu Ayaankiisu ku simay isaga oo ay Dadkiisu u qireen inuu yahay Hogaamiyaha ugu muddan ee ay Qadiyadooda iyo Duruufta ay ku jiraanba ku halayn karaan.

Waxa kale, oo mar walba ka go’an inuu kaga dhabeeyeyo Ballan qaadyadii uu Xisbigiisa Dadka u sheegay oo la odhan karo waxa ay qayb weyn ka ahaayeen Doorashadiisa,waana sababta keentay in Madaxwayne Cumar Geele loo caleema saaro guusha doorashadda  madaxtinimadda wadanka Jabuuti,markii Afraad si aqlabiyadda,taasoo ku timi Jacayl iyo kalsooni ay ka muteen ama ku qabaan shacbigiisu,sidoo kale  waxa lagu doortay oo uu kursiga Madaxtinimada ku fuulay Baahida  wayn ee ay shacbiga reer Jabuuti u qabaan. 

Waxa kaloo taa u dheer dhammaan Shucuubta reer Jabuuti xataa kuwa ka soo  horjeeda Madaxweynaha Geele waxay dhammaantood qirayaan inuu yahay Hoggaamiye Hayin ah oo Ummaddiisa u gaadiiday isla markaana dalka ka badbaadin kara duruufo kasta oo soo waajaha kuna hayn kara tubta toosan ee horumarka uu gaadhay dalka Jabuuti sannadihii u dambeeyey.

 waxaanay ka filayaan inaanu wakhti badan iska gelin inuu ka fikiro sidii uu u raali gelin lahaa siyaasiyiinta kala afkaarta duwan ee wada hoos hadhsanaya Hoggaamintiisa, balse uu culayska saaro sidii uu hantiyi lahaa una sii xejisan lahaa rabitaanka dadweynaha oo wali dhegahoodu u dihin yihiin isaga.waayo arag u noqday u hogaansanaanta daacadnimo ee dadkiisa iyo dalkiisa hooyo.

  Waana Madaxweyne aan doonayn inuu ku dhaqmo ama uu noqdo hogaamiye kaligii taliye.

Hadaba waxa iswaydiin leh guusha intaa leeg muxuu ku gaadhay madaxwaynuhu,yaa se sabab u ah xagayse ka timi maskax kasta oo fayow,caafimaad qabtaa markiiba way garanaysaa,kolkuu dib u yara milicsado tabihii iyo farsamooyinkii taariikhda lahaa ee uu kursiga madaxtinimada ku hantahay marka laga yimaado tiisa gaar ka ah,sidaa daraadeed qof kasta oo danaynaya jirtaanka qarannimada Dawladda Jabuuti,

Waxa uu odhanayaa yaa kale se waa Khadra Xayd,waayo soomaalidu hore ayay ugu maahmaaday sadex waligaa ma gaadhid Nin kaa Faras wanaagsan waligaa magaadhid,nin kaa Aduun badanna waligaa ma gaadhid,Nin kaa Gabadh wanaagsanna waligaa ma gaadhid .

Sidaas darteed,shicibweynaha Jabuuti gudo iyo debadba waxay maanta ku qanacsan yihiin,una  hanqal taagayaan,shakhsi maskax wayn,aqoon iyo cilmina xambaarsan,waayo arag ah,soona maray ama ka soo shaqeeyey oo  xilal kala duwan ka soo qabtay,sida madaxwayne nimo, xilkasna ah,kalsooni buuxdana ku qaba aqoontiisa wax qabad,hoggaamineed,go`aan qaadasho adag iyo ku dhacna leh,isla markaana xaaladaha adage e soo wajahana si fudud uga dabaalan kara,oo la`tashi iyo talo wadaagba leh,ballan qaadkiisana kaga dhabayn kara,nadiifna ka ah Qabiil,Qabyaalad,nin jeclaysi oo aan cidna u habranayn,xilka iyo mas`uuliyada lagu aaminay.

Waxaanu shaki ku jirin oo hubaal ah,xisbiyada mucaaridka iyo shakhsiyaadka xag jira,shirqool kasto ay doonayaan inay ku mijo xaabiyaan,wax guul ah kama gaadhayaan,siiba war xume tashiilku ciddi us-kageed kama dhimi karaan ,nidaamka iyo hawl maalmeedkiisa uu ku gudanayo waajibaadkiisa shaqo. Taa waxaa raaca inta aan kor ku soo xusay hadday soo hor fadhiistaan, iyagoo cadhaysan waxay ka soo baxayaan iyagoo QOSLAYA. Tallaabo kasto uu qaadona guul    mooyee,kuma guuldaraysanayo waanu ka wada buruud weyn yahay. Sidaas darted,yaan laga  cadhaysiin,yaan la qallin daarin ee ha loo daayo  Xilka loo igmaday.

Mucjisada saddexaad ee ka dahsoon Madaxweyne Cumar geele, shicibkuna aysan ku xisaabtamin,waxaa weeyaan Safarki  dheera ee uu ku tagay sida kadiska ah wadanka Soomaaliya oo Dagaal ka socdo, uu noqday masuulkii u horeeyey ee caawimo gaadhsiiya dadkii tabaalaysnaa,abaaruhu saameeyeen ee walaalahood ahaa kana  daga Magaalada Muqdisho oo aan nabadi ka jirin, Safarkan oo baal Cusub oo Taariikhiya u furay Xisbiga mucaaradka ah ee uu hogaamiyo,isla markaana uu  noqday hogaamiyihii dhammaan gobolada dalkiisa Safar noocan oo kale ah ku taga qaar ka mida Goboladda  uu dalkani ka kooban yahay. Waxaanu safarkaasi u quus gooyey,cid kasto cadow u ahayd gudo iyo debadba.Madaxwayne geele, Arrimahaas iyo kuwo kaleba,waxay kor u qaadeen sumcadi iyo sharafti uu ku lahaa ummadda uu hogaamiyaha u yahay iyo beesha Caalamkaba,kuwaasoo fikirki ay ka haysteen Jabuuti ay wax weyni iska bedeleen.

Si kastaba ha ahaatee shacbiga reer jabuuti maalinta ay waayaan labadaas yaa ka ridi waraabayaasha uu hor joogo.

 

  Axmed   M.M.Cismaan

Tel.002522-9118404,Kobciye999@gmail.com