Maalinta Suugaanta iyo Buugaagta ee Todobaadka Dhaqanka iyo Fanka Soomaalida ee London

Sabtida 27 Oktoober 2012: 14.00 – 20.00
Suugaan: 14:00 – 18.00 Buugaag: 18.30 – 22.00
Hadraawi, Kaddare, Siciid Saalax, Xasan Qowdhan, Muuse Cali Faruur,
Cabdidhuux, Basbaas, Cawdgale iyo abwaanno kale oo UK deggan ayaa waxa
ay la wadaagi doonnaan galab aad u xiise badan qoraayada Maxamed Xasan
Alto, Axmed Ismaaciil Yuusuf, Siciid Jaamac, Rashiid Gadhwayne,
Abtiddoon, Jawaahir Daahir, Cabdillaahi Cawad, Cabdicasiis Xildhibaan,
Saynab Daahir, Mustafe A Nuur, Mary Harper, Chantal Aboa iyo Xuseen
Nuur.

Abwaannadu waxay akhriyi doonaan qaybo ka mid ah suugaantooda, oo
qaarkoodna Af Ingiriisi lagu turjumay. Waxana ay innooga sheekayn
doonnaan arrimaha la xidhiidha dhaqanka, fanka iyo suugaanta ee ay
goob joog u ahaayeen. Waxay faallayn doonnaan sida suugaantu isu
beddeshay intii qoraalka Far Soomaalidu xoogga u baahday, iyo
saamaynta ay ku yeelatay curinta suugaanta.
Qoraayadu waxay innala wadaagi doonnaan buugaagtoodii u danbaysay mid
ka mid ah. Qoraa kastaana waxa uu hilaadin doonnaa waxa uu innoo soo
wado timaaddada dhow. Waxay noqon doontaa maalin aqooneed, faneed iyo
suugaaneed.
Xagga buugaagta guud ahaan: waxa lagu soo bandhigi doonnaa dhammaan
buugaagtii sannadahan u danbeeyey soo baxay, kuwaas oo aad ka heli
doonto in aad ku daalacato goobta, kaga bogato oo aad haddii aad u
bogto aad ka iibsato. Waxa sannadkan aannu martiqaadnay cid kasta oo
buug daabacday inay keento miisaska aannu u diyaarinnay, halkaas oo
aad kula kulmi doonto qoraayadii buugaagtaas oo aad waraysan karto,
ama ka reeban karto saxeex sharfa buugga aad hadiyeynayso.
Waxaannu idin sugaynaa Sabtida 27 Oktoober 2012, laga bilaabo 14.00
iyo tiyaatarka Oxford House, Benthal Green. Waxa lagu galayaa lacag
la’aan; hadalkuna waxa uu ku bixi doonnaa Af Soomaali iyo qaybo ah Af
Ingiriisi.
Faahfaahin dheeraad ah kala xidhiidh info@kayd.org amase la hadal 07903712949