Ciid Mubaarik:Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil Group Mudane Mxamed Siciid Ducaale

Ciid Mubaarak

Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil Group, Mudane Mxamed Siciid Ducaale, isaga oo ku hadlaya magaciisa, kan Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group iyo dhamaan madaxada iyo hawlwadeennada ee shirkadaha, waxa uu hambalyo kal iyo laab ah u gaadhsiinayaa dhammaan wakiillada iyo macaamiisha qaayaha badan ee shirkadda, bahda saxaafadda iyo dhammaanba ummadaha Islaamka ah dunida meel kasta oo ay ka joogaanba, isaga oo ku bogaadinaya munaasibadda Ciidal Adha iyo ayaamaha barakaysan ee tobanka ah ee malaayiin Muslin ahi guteen waajibaadka Xajka. Ilaahay camalkooda saalixa ah ha ka aqbalo, intii seegtayna Alle ha solansiiyo oo ha ku simo sannadka sannadkiisa. Aamiin. Aamiin..