Fadhi ku dirirka iyo Faallada Shacabka Q1AAD

Waxaa dadkoo dhami sugayaan dhawaqa hadba ka soo yeedhaya dhanka wadanka, haba u badnaadaan dadka aan ku sugnayn Caasimadda Muqdisho, oo iyagu goobjoog ah maahee Gobollada dalka iyo Qurbajoogtuba waxay had iyo jeer isha iyo dhegta ku hayaan warbaahinta, haddaba sheekada shacabka iyo maalmahan halka ay marayso iyo waxyaabaha ugu badan hadalhaynta ayaan qormadan ku eegi doonnaa.
 
Xaaji Doonbir: Malese waa baxay! Mahigena wa ku xigaa, Madax badan oo aan hore u naqaanay meesha waa ka baxayaan, kuwa madasha haddaba kama muuqdaan, dar cusubna waa soo socdaan Ilaahayoow barbarkooda san na soo xeji.
 
Xaaji Damal. Dalkii ku meel gaadh waa ka baxay! Sida nalagu yiri, aan se filayo inaysan ahayn, Dastuurkiina waa la ansixiyey, lase meelmarshay sida muuqata, walow si ku meel gaar ah loogu sii dhaqmi doono, Dowlad cusubna waa dhalanaysaa, doorashana waa socotaa, balse, kursigaa Dahabka ah tolow yaa ku dulaalidoona oo dushiisa ku fariisan doona?!
 
Xaaji Damac: Hadde dagaal oogayaashii koonfureed xilkii waa loo diiday, Dambiilayaashii wadaadada ahaana waa loo diiday, Dab huriyayaashii, dillaaliintii, dooxatadii, dabadhilifkii, beel doonayaashii reer barrigana waa lagu daray, belo, Wallee bahashii siyaasad ahayd boqol iyo bun ayaan ku qaadnay, haddii waxaan rabno la diidana wax kala soconahayaa ma jiraan, dowladnimo aanan hoggaaankeeda ahayna yeeli mahayno, aqbali mahayno, hadee waa kaas.
 
Xaaji Daacad: Waxaan aad ula yaabay ninkan Xaaji Damac ah, miyaanu is bedelayn 52 sano ee aan xorta ahayn, yeelimahayo, socon mahayso, nalagalama tashan, nama metelo, waan ka soo horjeednaa maahee miyaanu wax kale aqoon? Dalku inuu ummadda Soomaaliyeed ka dhaxeeyo, oo qof weliba xaq u leeyahay miyaanu ogayn, aan ku weydiiye Damacoow dalkeena ma inaan dumminnaan ka shaqaynaa mise inaan dib u dhisno?!
 
Xaaji damacoow dowladnimadiyo
 
Danta guudiyo, dalkanoo dego
 
Daalinimee tee doorbidaysaan?
 
Oo dantiina ah, diiday samahee
 
Dacaruun baad, daa’im laaqdaa
 
Way dillaantaye, dib usoo noqo
 
Yaadan duukhino, daw ka haadine
 
Xaaji damac: Weger war heedheh bahashani waa siyaasad, Siyaasadani daacadnimo waxba kuma laha, wax daallin la yidhaahdaa ma jiro, ee waa ninkii dooddiisa socodsiin kara ee dalka hoggaankiisa qabta ayuunbaa daacada,
 
Xaaji Daacadow, dowladnimadiyo
 
Daacadnimo waa laba kala dedan
 
Oon is daakhilin, oo dal wada degin
 
Laysku darinoo, laysla doonane
 
Waa Dab iyo Gaas, waa dad iyo bahal
 
Haysku duminoo, haysu doonine
 
Doodda iga daa, oo dantaa garo
 
Dabci aan go’in, ha ku daaline.
 
Xaaji Dowlad: dalkaan dad kalaas gacanta ugu jiraa waa is daalinaysaan, ninkii dadkaas waxay rabaan u samaynaa, dib aa loo soo doorahaa, ninkii diida ama dantooda ay ka arki waayaan, dibaddaa loo saara, taa waxaa daliil u ah, baarlamaanka dad aa loo diiday dadkii loo diiday iyo shurudihii lagu diiday, dadka qaarna waa qabteen qaarna ma qabanin, Ilaahay xaqiis miyaa yaa la gaadaa maxaa beenta laysugu sheegaa asxaabeey?
 
Xaaji Darwiish: Wallaahay fekerkaa uu qabo Xaaji Dowlad ayaan la qabaa, waxaaba kaaga daran, sawtii la yidhi maaha saxeexayaashu waxba xuli maayaan, anaga kuwayagii Faroole ayaaba looga taag waayey, weligay tanoo kale ma arag! Mahigena wuxu ku leeyahay, Faroole Odayaasha Dhaqanka ayuu ka mid yahay, marna waa madaxweyne labada dhinacba waa ku jiraa, markaanu u sheegnay ee nidhi adeer xitaa Dhaqanka waxba isuguma kaaya darsana, wuxuu ku jawaabay, Daraawiish Puntland iyo Garoowe Puntland ayaad tihiin sidaa awgeed isku mid .
 
Xaaji Damac: War heedhe Darwiishoow, iminka taasi dood uma baahna waraaqo ayaan gudbisanay anagu dalka iyo dadka Soomaaliyeed inaanu nahay 75% majooraty, Puntland oo Gedo, Baydhaba, Buurhakaba, Jubbooyinka, Sool, Sanaag, Garoowe, Bari, Mudug iyo Banaadir, aan nahay dadka ugu badan ee ku nool, markaa Mahige warqadaas ayuu haystaa waxaad ka sheekaynaysana ma yaqaan, Banaadir ayaa na la ka diiday, oo waxoogaa socon wayday maahee inta kale waa nala ka yeelay, Faroolena intaas oo Gobol isagabaa soo xulaya ergadooda iyo xildhibaanadooda, boowe ninba dhan u badi.
 
Xaaji Diini: Alaahu Akbar, waxaan aad ugu qoslay Xaaji Damac miyaanu ogayn in Soomaalidu ku maahmaahdo, Puntland beenteedu ma dhamaato, Boohin caruureedna ma dhamaato? War heedheh, 135 Oday ayaa wax xulay beelaha Soomaaliyeed iyagaa ergooyinka iyo Xildhibaannada loo keenay inay Xulaane ma Faroole ayaa Isim iyo Duub haddana noqday wallee waa yaab?!
 
Xaaji Daahir: Marka baarlamaanka la doorto, ee Madaxweynaha la doorto ayaa la kala baxayaa ama Dowlad Soomaaliyeed oo lagu qanacsan yahay ayaa dhalanaysa, ama Maxmiyaddii la sheegayey dadkii wadi lahaa ayaa iman doonaa waxba hays daalinnina, dadkan aad sheegaysaa waa dad hore loo diyaariyey oo inay dano shisheeye fuliyaan meesha u jooga, dalka oo dhan hal magaalo oo Soomaali ka arrimiso ma jiro, Bulshada Caalamka ayaa dalka ka talisa siduu Xaaji Dowlad u sheegay yaan lays daalin wax la dooranayo iyo cid wax dooranaysaa toona ma jirtee.
 
 
 
Daallinkaa madaxa
 
Daacadaa manjo ah
 
Dulligaa Sharaf ah
 
Sumcaddaa dacar ah
 
Aqoontu waa dibadda
 
Jahligaa degel leh
 
Diradiraale gob weeye
 
Isu dumiye gun weeye
 
Dal jacaylku sun weeye
 
Dillaalkaa dawo weeye
 
Dad isku dooranaya
 
Oo dan moodahaya
 
Miyaa dowlad abuuri
 
Qaran daadihin doona?!
 
 
 
Xaaji Damal: Xaaji Daahiroow in lagu dilo ka biqi maysid miyaa? Sababtoo ah, waxaa hadda laysku dilaa maxaad wax u ogaatay? Maxaad wax u fahantay? Yaa ku yidhi dareen yeelo? Miyaadan maqal maansadii Qaswade ee uu Mahige lahaa :
 
 
 
Wuxuu yidhi Qawaarkii
 
Ileen waa ma quustee:
 
Qudbad ruuxa qaban kara
 
Qolo ruuxa shirin kara
 
Qormo ruuxa qori kara
 
Qalad ruuxa sixi kara
 
Qasdi ruuxa fulin kara
 
Qaran ruuxa wadi kara
 
Quraan ruuxa marin kara
 
Qiil ruuxa heli kara
 
Qodob ruuxa sugi kara
 
Qayb ruuxa fali kara
 
Qalalaase damin kara
 
Qaswadaan u bixiyoo
 
Danbi baan ku qoraaya
 
Quful baan ku xidhayaa
 
Qabbir baan la dhigayaa
 
Qiilna waan u haysta
 
 
 
Xaaji Dayr: Aniga waxaan leeyahay, waa su’aale ninkii xun qabiilkiisa ma ka maarmaan miyaa? Waxaan saas u dhahayo, hadda dad badan ayaan ognahay oo xun xun oo Soomaalinimo, walaalnimo, dadnimo rabin, haddana, weli hebel ayaa la dhahooyaa, nin jeclaysiga laguu sheegayo saas lee waaye, haddii hadda magacyadooda sheego, liiska xildhibaanada waa ku jiraan, maamullada madax ay ka yihiin, wasaaradaha dowladdana waa joogaan, dalka ayagaa masuul ka ah ayaa lagu dhahaa, nin afkiisa wax wanaagsan ka sheegayn, weligiis wax wanaagsan qabanin, weligiis meel wanaagsan lagu arkin, sidee wax wanaagsan u samayhaa yaab maahinoo?
 
 
 
Ninkii xun xooraa, haylayska xooro
 
Xaashee dambiile, halayska xooro
 
Niman xishoonin, halayska xooro
 
Xamaasad beere, halayska xooro
 
Xinjira shubaaye, halayska xooro
 
Xoola dhacaaye, halayska xooro
 
Xadgudub sameeye, halayska xooro
 
Xabbad gamaaye, halayska xooro
 
Xisaab qaldaaye, halayska xooro
 
Shacab xadaaye, halayska xooro
 
Xidid ma dhaafe, halayska xooro
 
Xabaalo badshe, halayka xooro
 
Xulufo Xabashi, halayska xooro
 
 
 
Waddani xariir ah, hala xambaaro
 
Dalkiis xoreeye, hala xambaaro
 
Xumaate diide, hala xambaaro
 
Samaan u xayte, hala xambaaro
 
Nabad xasiliye, hala xambaaro
 
Xalaasha miirte, hala xambaaro
 
Qalinku xaale, hala xambaaro
 
Gumaysi xaaqe, hala xambaaro
 
Xabadda jooje , hala xambaaro
 
Xadkeena dhawre, hala xambaaro
 
Xeerbeegtideena, hala xambaaro
 
Diinteena xeershe, hala xambaaro
 
Xabashi diide, hala xambaaro
 
 
 
Todobaadkan halkaas ha inoo joogto qormadii Fadhi ku dirirka & Faallada Shacabka
 
 
 
La soco Qaybta labaad
 
 
 
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
 
Galayr1977@hotmail.com