Xukuumadda Somaliland Mid baa Seegtay, Halyeyga MO (Maxamed) FARAH isna Mid baa Seegtay

12-Oug-2012-Waxaan halkan Hambalyo badan iyo Bogaadin sareba uga soo dirayaa Halyeyga Orodyahanka ah ee u dhashay  Somaliland Mohamed (Mo) Farah guulihii taariikhiga ahaa ee uu ka soo hooyey Ciyaaraha Caalamiga ah Olympics-ka London 2012, taasoo uu si xarrago leh ugu guulaystay billadaha Dahabka ah ee orodka 10.000m iyo 5,000m, isla markaana uu ku yidhi Ha Na Haybsanina uguna quus gooyey Itoobiyaankii iyo Kiiniyaatigii haystay horyaalka orodkan muddo badan.

 

Sidoo kale waxaan M/weynaha JSL Mudane Ahmed Silaanyo iyo xukuumaddiisaba ku hambalyeynayaa tallaabada geesinimda iyo waayeelnimadaba leh ee uu qaaday taasoo uu nabad iyo xal waara ugu raadinayo qaybo ka mid ah gobolka Sool iyo Buuhoodle.

 

 

1.     Xukuumadda Somaliland Mid baa Seegtay

In kasta oo guusha Mo Farah ayna ahayn mid la sii hubay oo la odhan karayey 100% isagaa ku guulaysan doona, haddana wuxuu safka hore kaga jiray Orodyahanada waaweyn ee warbaahinta caalamku (siiba kuwa UK) ay sida gaar ah indha ugu hayeen. Laga bilaabo markii uu Mo Farah u qaaday dalka Ingiriiska billaddii ugu horraysay ee dahabka ah (10,000m), taasoo dalkan Ingiriisku hadda ka hor aanu weligii ku guulaysan,  Mo Farah waxa uu noqday Halyey Qaran iyo Geesi caan ah oo ay boqortooyada iyo shicibweynaha Ingiriiskuba si weyn ugu faanaan kuna dhaataan. Guud ahaanba saxaafadda iyo warbaahinta dalkan Ingiriisku nooc kasta oo ay tahayba, xitaa kuwa xag jirka ah ee ajaanibka neceb, waxay isla meel dhigeen in Mo Farah yahay Halyey Qaran iyo Geesi ay nasiib u heleen inuu dalkooda u safto.

 

Markii uu Mo Farah billaddii labaad ee dahabka uu qaadayna, farxad iyo rayn-rayn daraadeed waxaad moodaysay inuu dhul-gariir dhacay, waxana ka dhacday i gaadhsii Mo Farah halyeyga aan weli hore inoo soo marin, qof walba waxa uu ku hammiyeyaa tolow mar uun ma la kulmi doontaa Mo Farah. Sida ay tibaaxayaan khubarada ku xeel dheer arrimaha bulshaduna, inta sannadkan ka hadhay, wiilasha ku dhalan doona dalkan Ingirriska qaar badan oo ka mid ah ayaa loogu magac dari doonaa halyeygaa dhalasho ahaan ka soo jeeda Jam. Somaliland.

 

Waxa dhici karta in dad badan oo reer Somaliland ahi ay wargeysyada amaba shabakadaha wararka ka akhriyeen in Wergayska Caanka ee ka soo baxa dalkan Ingiriiska ee lagu magacaabo “The Guardian” ay weriye khaas ah u soo direen Somaliland si uu warbixin iyo faalloba uga soo qoro qoyska iyo asal ahaan halka uu ka soo jeedo Halyeyga Mo Farah. 10/08/2012 ayaa Suxufigani (David Smith) waxa uu booqday tuuladii ay degenayeen qoyska Mo Farah waxana uu faallo aad u dheer ka soo qoray nolosha qoyska uu ka soo jeedo Mo Farah, faalladiisana waxa uu cinwaan uga dhigay: “Mo Farah hooyadii iyo walaalkii waxay u lugayn doonaan ugu yaraan 4 mile Wajale oo ah meesha ugu dhaw ee laydh leh, si ay orodka 5,000m ee wiilkoodu ordayo uga daawadaan TV-ga”.

 

Haddaba waa maxay fursadda Xukuumaddeena seegtay?

 

Akhriste, bal adiguba qiyaas sharafta iyo wanaagga dalkeenna uga soo hoyan lahayaa: Haddii ay Madaxtooyadu qoyska Mo Farah  la xidhiidhi lahaayeen, haddii dabadeedna Mo Farah hooyadii ay u diyaarin lahaayeen fagaaraha xafladaha lagu qabto ee Qasriga Madaxtooyada dhexdiisa, la dhigi lahaa TV aad u weyn, oo la soo casuumi lahaa golayaasha xukuumadda, dhallinyarada, waxgaradka, haweenka iyo hay’adaha caalamiga ah ee jooga SL, dabadeedna Mo Farah hooyadii kursi loo ag dhigi lahaa marwada koowaad iyo madaxweynaha, halkaana loogu yeedho saxaafadda caalamka iyo ta dalkaba wixii kolba la heli karo, dabadeedna halkaa lagu daawan lahaa oo loogu sacab tumo guulaha uu Mo Farah soo hooyey. EESH QIYAASAK?

 

Maxay Qori lahaayeen Warbaahinta Caalamku? Miyaanay ku bilaabeen sidan oo kale: Halyeyga Mo Farah oo hooyadii ay Qasriga Madaxtooyada Somaliland dhexdiisa ka daawanaysay guulaha uu wiilkeedu gaadhay….. Halkaana waxaa si toos ah looga soo dheegan lahaa asalka iyo dhalasho ahaan halka uu Halyeyga Mo Farah ka soo jeedo, halka ay maanta warbaahinta caalamku qorayaan in Mo Farah uu ka soo jeedo Somalia, Muqdishana ku dhashay?

 

Haddaba, waxay ahayd in Xukuumaddu ay si qorshaysan ugu diyaar garowdo lana jaan-qaado guulaha iyo sharafta caalamiga ah ee aan xadka lahayn ee Halyeyga Mo Farah soo hooyey, oo u dhashay Jam. Somaliland, balse ku ordayey calanka iyo magaca dalka Ingiriiska(GB).

 

Fiiro Gaar ah:

[Waxaan shakhsi ahaan isku dayey inaan fikirkan u gudbiyo Madaxtooyada (xafiiska wasiirka iyo ka afhayeenkaba) balse nasiib darro waxaa dhawr jeer la iga qaban waayey telefoonnada gacanta ee masuuliyiinta aan is lahaa arrintan aad u gudbisid.]

 

 

2.     Halyeyga MO (Maxamed) FARAH isna Mid baa Seegtay

 

Mo Farah isaga laftiisa waxay ahayd:

a)    Inuu isku dayo si kasta oo uu calanka Somaliland ku muujin karo, taasoo uu horeba u sameeyey markii uu ku guulaystay horyaalka qaaradda Yurub (10,000m & 5,000m).

b)    Inuu si toos ah ugu caddeeyo waraysiyada ay warbaahintu la yeelatay inuu isagu yahay nin u dhashay Jam. Somaliland, balse Muqdisho ay tahay meesha uu ku dhashay.

 

 

ALLAA Mahad Leh, Wa Billaahi Tawfiiq

 

|By: Architectural-Eng.  Hussein Adan Igeh | |Hussein Deyr||UK |