Fashiladii ku dhacday Wasaarada kaluumaysiga Berbera iyo ururka ay lamaanaha yihiin ee Somfish

Dabaal deggii  18 May ayaa si lamid ah gobolada iyo degmooyinka kale ee dalka waxa si wayn oo qurux badan looga xusay magaalo xeebeeda Berbera waxaana laysugu yimid fagaaraha khayriyada ee 26 June kaas oo ay kazoo qayb galeen sadex xubnood oo ka socda golaha wasiirada xildhibano golayasha qaranka ka socda iyo madaxda laamaha kala duwan ee dawlada ee1 heer gobol iyo gebi ahaanba dadwaynaha reer Berbera caruur iyo cirroolebe,  haddaba markii xafladaas ay u qabsoontay si qurux badan iyo khudbado macaan oo masuuliyuuntu ay umada u jeediyeen waxa la soo gebo gebeeyay  abaaro 7:30 Subaxnimo maadaama ay kulayl ahayd  intaas ka dib waxa madax dii heer qaran iyo dadwaynahii reer  berbera badhkoodba loo ka xeeyay xagaas iyo xarunta FAO ee wasaarada kaluumaysiga taas oo lagu soo diyaariyay dabaal deg dhinaca badda ah oo loogu talo galay in ugu yaraan afartan laash lagu dabaal dego iyadoo markii lakeenay wasiiradii oo masuuliyiintii gobolka iyo degmadu hor kacayaan  lagu amray cidii u xilsaarnayd fulinta hawshaas in la bilaabo istaadhistii kaxayntii iyo dabaaldegii 40 ka laash  halkaas markii ay maraysay ayaa waxa la istaadhay laashash ka kooban (9) sagaal laash oo keliya  iyadoo goobtaas ay teedsanaayeen in ka badan 100 laash oo kalumaysatadu leeyihiin arintaas oo guud ahaanba maamulkii gobolka iyo gudigii qaban qaabada ku noqotay filan waa iyo waji gabax.

        Haddaba su’aasha iswaydiinta lahi waxay tahay halkee sartu ka qudhuntay ?yaa ka masuul ahaa fashilaadan  , jawaabtii waa tan akhristow kaluumaysatada reer berbera waa kaluumaysato tiro badan marka loo eego xeebaha kale ee dalka sanadba sanadka ka dambeeyana way sii kordhaan muwadininta maal gashanaysa iyo waxsoosaarkooduba  sideedabana kaluumaysatadu mahelaan wax taakulo ah ama maalgashi shisheeye oo gacan siiya balse way ku qanacsanaayeen mudo badan maaadama ay aamin sanaayeen in aan waxba laga hakranin  haddaba sanadihii ugu dambeeyey ayaa waxa soo  iftiimay san saan maalgashi ama jihayn badeed taas oo keentay in ay soo faro geliyaan qayb ka mid ah masuuliyiinta laamaha dawlada  ee heer gobol iyo heer degmoba kuwaas oo khilaaf iyo kala jebin ka dhex sameeyey kaluumaysatadii aakhirkiina samaystay NGO ay u bixiyeen Somaliland fish (Somfish) iyaga oo ku sawiray dhawr qof oo kaluumaysato ah halkaas oo ficil iyo khilaaf ka  dhex bilaabmay kaluumaysatadii  rasmiga ahayd iyo kooxii ku shuraakawday Somfish halkaas oo markii uu soo baxay mashruucii ugu horeeyay  oo  ay fund garaynayso hayadda UNDP oo ahaa mashruuc roon oo loogu talo galay kaluumaysatada rasmiga diyaarintiisana ay ka qaybqaateen kaluumaysatadu taas oo mayorku u adeegsaday awood kuna amray organizationkii hawsha fulinayay in aan Berbera laga fulin Karin haddii aan loo dhiibin mashruucaas somfish taas oo keentay khilaaf ba’an oo in badan jiitamay wasaaraduna ay waxba ka qaban kari wayday alaabtaasina ay wali u xaniban tahay khilaafkaas alaabtaas oo  taala berbera gudaheeda diyaarna ah.

Ugu dambayntii akhristow sanadkii hore dabaaldegii 18 may waxa bada ku dabaal degey Laashash ka badan 60 oo kalumaysatadu ay kharashka isu qabtay iyadoo kharashkii loogu talo galayna aan lasoo gaadhsiin ee loo dhiibay urur kalumaysto kumagacaaban balse aan kalumaysatada metelin taas oo keentay in manta aanay dabaaldega iskood uga qaybqaadan kaluumaysatadu oo lagu eegay qoladii hawsha lacaga loogu dhiibay ee ladoonayay in mashaariicda kaluumaysiga loogu xidho kooto .

Axmed cali Kaahin

Berbera