Somaliland Youth Forum: Baaq Taageero

Somaliland Youth Forum

E-mail: syfhargeisa1@ yahoo.com   Website: syforum.org

 
 

Baaq taageero

Somaliland Youth Forum (SYF) oo ay ku bahoobeen, aqoon yahano, wax garad, iyo  dhalinyarada dalka gudihiisa iyo dibadiisaba sida ( Europe, North America, East Africa, Iyo Gulf of arab)
Waxey baaq taageero udirayaan xukuuumad Jamhuuriyada Somaliland iyo shakaba jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan dalalka Europe.
Ka dib markaanu aragney, guulaha taariikhiga ah ee xakuumada jamuuriyada Somaliland ka soo hoysey shirkii londan 23/02/2012, kaasi oo waftiga  uu madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo hogaaminayey oo iskugu jirey xukuumada, golayaasha qaranka, xisbiyada qaranka iyo saxaafada Jamhuuriyada Somaliland ay uga qeyb galeen maqaam sare ah oo udhigma ka dawladaha la aqoonsan yahay.

  • Hadaba wuxuu ururka Somaliland Youth Forum (SYF) si buuxda u raageerayaa guulihii iyo dadaladii uu  waftiga madaxweynuhu u galey ka midho dhalinta ujeedadii iyo hadafkii uu qarankani lahaa.
  • Kaasi oo aanu aamisanahay mar kasta in madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u heelan yahay baadi goobka siduu albaab kasta u qaraaci lahaa sidii dalkani u heli lahaa, Ictiraaf, dhaqaale, iyo iskaashi caalami ugana mid noqon lahaa dalkeenu

ü  Qaramada Midoobey, (United Nation)
ü  Uruka barwaaqo sooranka (Common wealth)
ü  Midowga Africa (African Union)
ü  Jaamacada Carabta (Arab legue)
ü  Ururka islaamka iyo dawlada goboleedka IGAD.

  • SYF waxey aaminsan tahay daris wanaaga, wax wadaqabsiga iyo in wixii khilaaf ahin  lagu dhameeyo wada hadal, wada xaajood, iyo walaaltinimo.

 

  • SYF waxey aaminsan tahay wax kasta oo horumarka, wada jirka, iskaashiga,  iyo maslaxada dadka iyo dalku ay ku jirto lagu taageero xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) uu hogaaminayo.

 
Hadaba waxaanu baaqayagan taageero ku soo gabagabeyneynaa in ilaahay dalkeena inoogu sii wada nabad galyada, barwaaqada iyo midnimada shacabkeena jamhuuriyada Somaliland.
 
 
Wabilaahi towfiiq,
 
Siciid Yaasiin Kaahin
 
Gudoomiyaha
Somaliland Youth Forum