WARSHADA LAYDHKA EE BERBERA WAXAAY U BAAHANTAHAY GURMAD DEG DEG AH

Berbera-Magacaygu waa Naasir Haybe Maxamed waxaan muddo dheer ka tirsanaa, shaqaalaha Warshada laydhka ee Berbera, waxaanan ka soo qaybtay xilal kala duwan Sida waaxda fulinta iwm, intii aan joogay, hadaba waxaan manta doonayaa in aan wax yar ka hadlo xaalada ay manta ku sugantahay Warshada laydhka ee Berbera oo aan odhan karo waxay maraysaa xaaladii ugu hoosaysay ee ay abid soo marto, xataa markii ay private ka ahyd, sidan may ahayn.
Waxaan ila noqon wayday in aan ka aamuso xaalada qalafsan ee ay maanta warshada laydhka ee Berberi ku sugan tahay, aniga oo ogaa marxaladahii ay soo martay Warshadu, iyo maanta sida ay tahay, bulshada Reer Berbera way ogyihiin waanay la socdaan xaaladeeda, waxay ogyihiin kana war hayaan, dhibaatada beryahan laydhkii ka taagan, laydhku wuu bakh bakhtiyaa habeen iyo maalinba, waana dayac la dayacay mashiinadii ay wakaaladu lahayd, arinkaa waxaanu dhawr jeer kala hadalnay maamulka gobolka saaxil, si aanu ugu gudbino khibrada shaqo ee aanu u lahayn warshada, Gudoomiiyaha iyo Badhasaabka labadaba, wax natiijo ah oo nooga soo baxayna ma jiro cabashadaa aanu uga gudbinay Maamulka.
Aniga markii shaqada layga fadhiisiyey, waxaanu ahayn shaqaale badan, kuwii kale waa la soo celiyey anigana wali waxaa laygu haystaa runta aan sheegayo, malaa kuwaa qabyaalad ayaa lagu soo celiyey,
Waxaa kale oo aan doonayaa in aan ka hadlo, arimo dhawaan uu warbaahinta mariyey Masuulka isagu maamula warshada, C/shakuur Cidin, isaga oo ka hadlay arimo aan mar marsiiyo u noqon Karin xaalada xun ee maanta ay marayso wakaalada laydhka, lama odhan karo warshadu way is bixin kari wayday oo waxay u baahantahay in kab la siiyo, waxaan ogahay in hadii waxa ka soo baxa si fiican loogu maamulo ay isbixinayso, waxaa uu masuulka isagu maamula wakaalada laydhku uu sheegay in ay laydhka bilaash u siiyaan Malcaamadaha, Masaajida, Cusbitaalka, iyo meelo kale oo badan, waxaan leeyahay dhamaantood warshadu ma siiso laydh bilaash ah ee qaarna way iska bixiyaan qaarna dawlada ayaa ka bixisa.
Waxaa kale oo jirta in aan qiime isku mida loogu dhufan meheradaha ganacsiga ee magaalada, dantii la doono ha laga lahaadee.
Qofka Shaqaalaha ahi marka uu meel uu ka shaqayn jiray laga joojiyo waxa uu xaq u leeyahay in xaqiisii la siiyo, aniga iyo kuwa kale oo ila mid ahiba, warshadii aanu intaa u soo shaqaynaynay wax xaq iyo xuquuq ah oo aanu ka helnay ma jirto, taasina waxay ku tusaysaa, maamul mararsiga meesha ka jira.
Waxaa in badan dadku is waydiiyaan ana aan markhaati ka ahay, in aanay warshadu maareeya rasmiya lahayn, Xildhibaanka ina dhag carmo ee lagu sheego maareeyaha Rasmiya ah ee warshaduna, maaha ee waa Xil ku buuxin uun, warshada waxaa soo maray laba Injineer kuwaas oo iyana meesha iskaga tegay, markaa nin qudha ayaa warshada ka wada masuul ah, shaqaalahana isagaa sidii doono ka yeela, waxaana kula socda Maamulka Gobolka, waayo way ogyihiin xaalada maamul iyo shaqo ee ay warshadu ku sugan tahay.
Waxaan ku soo gunaanadayaa waa in Maamulka Gobolka arinkaa hoos u eego xaalada Shaqo iyo Shaqaale ee Warshada Laydhka ee Berbera ka jira, isla markaana loo guntado sidii loo samatabixin lahaa in ay Berberi Gasho xaalad laydh la’aaneed, sida ay hada tahay hadii aan wax laga bedelina taasi way dhicdoontaa.
Qoraalkan waxaa soo gaadhsiyey
Madaxii hore waaxda fulinta warshada laydhka berbera
Naasir Haybe Maxame
Berbera Somalliland