Burco: Dallada Wacyigelinta iyo isku xidhka Dhalinyarada Somaliland ee SYNA oo wacyigelin Baaxad leh ka samaysay Cudurka HIV/AIDS iyo Doodii Dhalinyarada

Burco: Dallada isku xidhka iyo wacyigelinta Dhalinyarad Somaliland ee SYNA ayaa Galabta Hoolka weyn ee jaamacadda Gollis ku qabatay wacyigelin Ballaadhan oo lagaga wacyigelinayo Bulshada Cudurka HIV/AIDS islamarkaasna socon doona muddo 15maalmood ah.
Barnaamijkan Wacyigelinta ee Dallada SYNA kuq abatay Hoolka jaamacaddani ayaa dhinaca kale ay barbar socotay dood ku saabsan sida looga hortegi karo iyo saamaynta uu Bulshada ku leeyahay wakhtigan.
Iyadoo Doodaadaas ay fikiradooda iyo aragtiyahooda ka dhiibteen ku dhawaad Boqol qof oo ka soo qaybgalay Barnaamijkan.
Furitaankii Barnaamijka waxa khudbad kooban oo ka hadlaysa Waxbqadka Dallada SYNA iyo waxyaabaha loo aasaasay halkaas ka jeediyey Agaasimaha Dallada SYNA Mr. Shabac Abdi Mahed, waxa uu sheegay in SYNA ka shaqayso Wacyigelinta iyo iskuxidhka dhalinyarada Somaliland, islamarkaasna waxa ugu weyn ee Bulshadu u baahantahay in manta iska wacyigelisaana ay tahay hadba wixii cusub ee khatar ku ah Bulshada, waxaana wakhtigan SYNA dooratay aayuu yidhi in Cudurka halista ee HIV/AIDS ay ka wacyigeliso dhalinyarada somaliand si ay iyaguna u gaadhsiiyaan Bulshada Somaliland.
Waxa uu sheegay ookale in Barnaamijkan aanay jirin cid ka saacidday ama wax dhaqaale ah ka geysatay balse ay iyagu jeebkooda ka maamuuleen kuna fekereen in sidii ummada looga badbaadin lahaa cudurkan ay isticmaalaan jeebkooda.
Waxa iyaguna halkaas suugaan ka hadlaysa khataraha cudurka ka jeediyey Abwaan Layla Mahed Sicidi, iyo Abwaan Cisman oo ka mid ah dhalinyaradii Barnaamijka ka qaybgashay.
Intaas kadib waxa si toosa loo gudo galay Barnaamijkii waxana Barnaamijkan Gadhwadeen ka ahayd Barwaaqo Maxmud Xuseen oo kamid ah saraakiisha Dallada SYNA,waxay si qoto dheer uga hadashay dhibaatooyinka iyo halista Cudurkani, iyadoo Muuqaal ahaana ay projector ugu soo bandhigtay dhalinyaradii ka qaybgashay siyaabaha looga hortegi karo iyo waxyaabaha la isaga ilaalin karo cudurkan halista ah.
Maxbuub xusen oo isna ka mid ah saraakiisha Dallada SYNA ayaa khudbad dheer kaga hadlay cudurkani, waxaanu ka warramay xiliiyadii uu so bilaaabmay cudurkani iyo ilaa iminka halka uu ka marayo Somaliland Gudaheeda, waxa aayado iyo axaadiis u soo daliishaday siyaabaha looga badbaadi karo cudurkan.
Ugu danbayntii Barnaamijka ayaalagu soo xidhay su’aalo la xidhiidha cudurkan iyo dodo ay ku muujiyeen aragtiyahooda dhalinyaradii ka soo qaybgashay barnaamijkan, waxaana halkaas si buuxda la iskula qaatay in bulshada laagula noqdo oo wacyigelin intan ka ballaadhan ay dhalinyaradani ka sameeyaan Bulshada dhexdeeda
Waa markii ugu horeysay ee Dallada SYNA ay barnaamij wacyigelineed oo ku saabsan HIV/AIDS ay ku qabato Gobolkani Togdheer, iyadoo ay ka soo qaybgaleen dhalinyaro aad u tiro badan oo ah haldoorkii iyo aqoonyahankii Da’yarta