Dalka Iiraan oo dhakhaatiir caafimaad u soo diray Somaliland

Hargeysa (Berberanews) Dec 22,011 – Masuuliyiinta wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa maanta Madaarka diyaaradaha ee Cigaal ee Magaaladda Hargeysa ku soo dhaweeyay dhakhaatiir ka socda dalka Iiraan.
Dhakhaatiirtan oo ah 10 oo dawlada dalka Iiraan ugu deeqday Somaliland si ay hawlo caafimaad oo taburac ah uga fuliyaan cisbitaalada ku yaala Magaalooyinka Dalka oo ay ugu muhiimsan tahay Caasimadda dalka ee Hargeysa.


Dhakhaatiirtan oo aan la cayimin wakhtiga ay hawlaha caafimaad u joogi doonaan dalka, ayaa waxa ay yihiin kuwo dalka ku dedaal ay si wada jir ah ugu galeen xukuumadda iyo muwaadin reer Somaliland ah oo magaciisu yahay Ismaaciil Cabdi Xasan (Cago-weyne), kuwaas oo dawlada Iiraan ka codsaday inay u soo dirto dhakhatiir caafimaad oo caalami ah.
Ismaaciil Cabdi Xasan (Cago-weyne) oo ah Maamulada shirkada wadaniga ah ee STAR, ahna masuulka dhakhatiirtan keenay oo RAMAAS waydiisay hawlaha dhakhaatiirtani dalka u yimaadeen ayaa sheegay inay dhawaan cisbitaalada dalka, isaga oo sheegay in xukuumadda Somaliland muddo ku hawlanayd sidii dhakhaatiirtani dalka u iman lahaayeen, imikana dawlada Iiraan ogolaatay inay Somaliland yimaadeen, inkasta oo uu xusay inay hore dalka u yimaadeen wefti xaqiijinayey nabadgalyada dalka si loogu kalsoonaado “Dhakhatiirtani waa dhakhaatiir reer Iiraan ah, waana markii ugu horeysay ee ay dalka yimaadaan, waxayna u yimaadeen inay caawiyaan dadkeena buka iyo kuwo kale ee caafimaadinta u baahan, waxayna ku soo hagaageen wasaaradda Caafimaadka” ayuu yidhi Mr Cago-weyne, waxaanu intaa ku daray “Ka hor dhakhaatiirta waxa dalka hore u yimid masuuliyiin indho-indheeyay xaalada amaanka, markii ay ku qanceen nabadgalyada wadanka taala iyo baahida dhakhaatiirta loo qabbo, markaa sidaa awgeed ayay dhakhaatiirtii ugu horeysay noogu yimaadeen.”
Mr Cago-weyne ayaa xukuumadda Somaliland, gaar ahaan wasaaradda Caafimaadka uga mahad-celiyey doorkii ay ku lahaayeen in dhakhaatiirtani dalka yimaadaan si ay umadda Somaliland ugu qabtaan hawlo caafimaad oo tabaruc ah.
Waa markii ugu horeysay ee dhakhaatiir reer Iiraan ahi Somaliland u yimaadaan inay ka fuliyaan hawlo caafimaad oo tabaruc ah.
Ramaasnews