Cabsi laga qabo xannuuno ka dillaaca mawjadaha biyo ku fatahay dalka Thailand

Thailand-(Berberanews/wararka)- Mawjadaha hirar biyo ah oo ku dhuftay dalka Thailan, ayaa waxa ka dhashay cabsi hor leh oo ku saabsan xannuuno ka dhasha fatahaada biyaha, sida ay dadka ku wacyigeliyeen hay’adaha gargaarka oo sheegay inay dadku halis ugu jiraan shuban-biyood, kanneeco iyo xumad wer wer ka taaganyahay inay maalmaha soo socda dillaacaan.

In ka badan 370 qof, ayaa ku naf waayay tan iyo intii daadadku ku dhufteen dalka Thailan, islamarkaana ay ku bara-kaceen kumanaan qoys, waxaana haatan cabsi ka taagantahay xannuuno ka dhasha biyaha fadhiya, “Biyaha midabkoodu madowga yihiin waxay sidaan khashin iyo xawayaan dhintay o our qadhmuun leh. Dukhsigu wuu ku sii fidayaa inuu ku dhalo goobahaas.” Sidaa waxa yidhi Igor Prahin oo ku sugan Bankok.

“Waxa hubaal ah inay xaalad aadanimmo ka jirto caasimadda debedeeda,sababtoo ah waxa jira dad todobaadyo ka go’doonsan cunno iyo biyo.”sidaa waxa yidhi Matthew Cochrane oo ka tirsan masuulliyiinta Hay’adda Bisha Cas.

Dalka Thailan waxa todobaadyadii u danbeeyay ku habsaday daadad saammayn ballaadhan ku yeeshay 2 milyan oo qof, islamarkaana kala xidhay isu-socodkii magaalooyinka iyo ganacsiga.

Farriinta Berberanews: Akhriste ka fogoow isticmaalka niyaha wasakhaysan si aad uga badbaado xannuuno fara badan oo ay ka mid yihiin shubanka, calluul-xannuunka, daacuunka iyo kanneecadda, adigoo iska ilaalinaya cabitaanka biyaha wasakhaysan, dabool adag u sammee biyaha gurigaaga oo ku kaydi weel nadiif ah, haddii aad ka shakido biyaha fadlan isticlaal dawooyinka sifeeyayaasha ah.

Noloshu waa Caafimaadka, Cibaadada iyo nadaafadda  

Berberanews.com

Barnaamijka Caafimaadka

Email, info@berberanews.com