SHIRKA DUBUR LAMA SIYAASADEYN XEELEDNA KUMA JIRTO EE UURKAAGA CADEE SAAXIIB CABDILAHI JOHN

Waxaan doonayaaaba inaan u cadeeyo sxbkay cabdillaahi john oo aad moodo inuu meel aan waxba ku jirin inuu wax ka raadinayo uuna is leeyahay beesha saaxil ee uu shirku ugu qabsoomay Gobolka saaxil Degmada Sheekh gaar ahaan Tuulada Dubur wax kaga sheeg shirkaasi sida waaagsan u qabsoomay ee ku dhamaaday guusha kana soo baxeen go’aamo dhaxal gal ah oo danta qaranka iyo ta beelweynta Ciise Muuseba u dan ah.
Sxbkay waxaan doonayaa inuu fahmo horta waxa loo qabsanayay shirku inuu ahaa Dan iyo Duco taasaa malaha hadaad fahanto aad ka qaadan lahayd jawaabta aad u baahan tahay ee ah maxaa shirka beeshu u qabsanaysaa? takale Cabdillaahi hadaad mooday in siyaasad lagaga hadlayo iyo kala qaybinta somaliland waa sida aad hadalka u dhigtaye xaasha Beeshu maaha mid ay ka suurto gasho waxaasi waayo Beeshu iyadaa dhistay somaliland kaagana lexejeclo badan wada jirka iyo wada noolaanshaha iyo jiritaanka somaliland.

waxaad sheegtay in shirkan laga abaabulay wadanka Ingiriika waxaan filayaa inay wax badani kaa khaldan yihiin oo loo bahan yahay inaad ka hadashid waxa adiga ku khuseeya waayo shirkani adigaba kuma khuseeyo oo maaha mid beeshaadu ay wado ama shaqo ku leedahay laakiinse waxaan filayaa inaad ka mid tahay dadka saska ka qaba hadii ay shiraan cid aan beeshiisa ahayni oo aad is leedahay malaha Siiraanyo ayay duulimaad ku yihiin anagu Siiraanyo waa Madaxweynahayga oo Somaliland oo dhan isagaa Madaxweyne u ah ee uma aha beeshiisa ee ogsoonow Beelweynta Saaxil xaq bay u leeyihiin inay shiraan dantooda iyo horumarkooda inay ka shiraan meel kasta oo ay joogaan way shirayaan waanay is abaabulayaan ee hadaad ka naxayso ka nax waxaanan kugula talin lahaa inaad taageerto shirka Dubur ee aanad moodin mid wad ku ah dawlada hada jirta oo aanu kaaga lexejeclo badanahay.

Waxaan aad ugu Qoslay ama dadku is weydiinayaan waxaa shirkii dhexda kaga soo booday axmed yuusuf yaasiin waa sidaad hadalka u dhigtaye, waa ayo axmed yuusuf yaasiin,miyaanu ahayn nin Ciise Muuse ah oo ay tahay inuu yimaado halka beeshiisu ku shirayso oo shirka Dubur miyaanu shirkii reerkiisa ahayn malaha waxaad u baahan tahay inaad fahantid cida shiraysay inay ahaayeen Ciise muuse, axmed yuusuf yaasiina uu yahay Ciise muuse.
Waxaa wax lala yaaba ah oo ta u baahan inaad garatid adigu cabdilaahi ahaan inaanay meeli kaaga banaanayn shirkan aad ku dhaleecaysaa waayo waxaa iskaga kaa qasan wax badan.ee aan ku saxo waxaad sheegtay inuu Siciid Sulub saamayn weyn ku yeeshay Shirkii Dubur waxaan ku leeyahay afkaaga xaal sii waayo siciid sulub shirka beeshayadu yeelatay wax uu saamayn ugu yeelan karo iyo meel uu ka soo gali karaaba uma banaana oo maaha nin Ciise Muuse ah,laakiinse wuu taageeri karaa oo dee umad doonaysa inay danaha deegaanadooda ka hadlaan sidii ay u hore marin lahaayeen ceeb maaha in la taageeraa adigana waxay ahayd inaad taageerto uun waxa kaliya ee kuu banaanaa taas ayay ahayd ee kuumay banaanayn dhaleecaynta iyo halka aad u malaysay inuu shirku u leexday.
markaa hadaad doonayso waxaan u jawaabay shirkii Ciise muuse oo ay qaar kaa dhagaysanayaan Sxb meeli kaagama banaana ee wax kale u sheeg kuwaasi.
Hadaad mooday in shirkii laga leexiyay Majarihii uu lahaa ama Ajandihii loogu tala galay lagama leexine sidii loogu tala galay ayuu u qabsoomay kuna dhamaaday waxaanu ku dhamaaday Guul iyo Gobonimo cid kasta oo isku dayday inay carqaladaysana way ku fashilmeen oo ceeb ayuun baa ka raacday ,cid sidaad sheegtay ka dhex tabliiqaynaysay shirkaasi oo kala goynaysay beelaha walaalaha ah ee somalilad may jirin adaa og malaha shirka Dubur ayaanad ka hadlayn ee mid kalaad ka hadlaysaa mana kala Go’ayaan dadkan walaalaha ahi cid kala goyn kartaana ma jirto ee adigu afkaaga wax aan jirin haka samaynin malaha adigay wax kaa dhex guuxayaane
Mujaahid Ibraahim Dhagaweynana waa muwaadin xaq u leh in la doorto waxna uu doorto Beesha Ciise Muuse iyo Beelaha Somaliland magac iyo karaamu ku dhex leh,waana madaxda Beesha Ciise Muuse, xisbigiisa UDHIS ee aad ka dhawaajisayna waxa uu ka mid yahay ururada siyaasada ee laga yaabo inay soo galaan tartanka siyaasada ee adigu hada waxaad ka hadashaa wixii dadka somaliland meel isugu keenaya ee ka daa waxa qalbigaaga ka guuxaya iyo saska aad ka qabtid Ciise Muuse Shirkooda Dubur ee ahaa Dan iyo Duco.
Illaahayna haku garan siiyo xaqa
Mohamed Ali Farah
Liverpool
UK