TAAGEERO IYO GAR NAQSI UCID


Marka hore waxaan leeyahay Xisbigaygii UCID.
ü Guddoomiye Faysal Cali Waraabe
ü Guddomiye- Ku-Xigeenadiisa
ü Xoghayayaasha.
ü Guddoomiyayaasha         -Heer Qaran, Gobol,Degmo iyo Tuule Rag iyo Dumar.
ü Guddida Fulinta.
ü Guddida  Dhexe.
ü Dhamaan Taageerayaasha qaaliga ah ee Xisbiga (UCID)

              GUUL  GUUL   GUUL     iyo     HAMBALYO  HAMBALYO  HAMBALYO
Raggan soofdaran habaabay.
Aan kala qaado. (Irkad iyo Digayare) “Laba Xaq daro  ku heshiisay Xaqay ku coloobaan”.

  1. 1.     Aden Mire-Waqaf (Irkad):

–         waxaad ku fadhiday Digo Dambas huwan.
–         Waxaad ku fadhiday Beed Mas oo haddaad ka cado iyo haddaad ku sii
fadhidaba intay Kugu dilaacaan ku jaqi lahaa.
–         Waxa wax laguugu sheegay Meel badaw Habeen Madaw ee in Waagii kuu
beryay Eebe Ugu mahad naq.

  1. 2.     A/Rahmaan Ciro(Digayare)

–         Ninkii ahaa Guddoomiyaha Haya’dda Sharci deginta, waxa ayaan darro ah inuu Qoraal ka kooban 11 page amba 23 Qodob ku insaalax wareero.
–         Waxa Ceeb ah Ninkii hamigiisu ku jiray inuu isu soo taago Madaxweynaha Dalka inuu noqday ‘’Dabkii           Qiiqiisa la arkay een Olalkiisa la arag’’
–         Beri baa waxa jiray Niman Geel jire ahaa ayaa Qaalin yare oo soo racay qashay,waxa  ogaaday Nin Marti ku ahaa gartayna in Raggii Qaalinka lahaa ogaan doonaan inta aan Meesha laga tagin.Wuxuu kula taliyay inay LUQUNTA aasaan.  In yar kadib Raggii Qaalinka lahaa oo baadidoon ah ayaa u imid Nimankii oo Hilibkii cunaya, waxana lagu casuumay inay Hilibka wax ka cunaan kadib markii ay u sheegeen inayna Qaalin baadi ah arag.Raggii ayaa shakiyay oo waayay Luqunta Qaalinka  Hilibkiisii la cunayo markaasay ku yidhaaheen’’ Waar Luquntu Qaalinkani meeday’’.Ninkii wax ogaa ayaa ku yidhi ‘’Adeer Mabuu lahayn’’.
–         Waxaan uga socdaa Digayare Ninkii ku soo yidhi Xisbiga dhac umuu soo raacin halka Madaxdiisii la dhigayo jawaabteedii.
–         Waxa kale oon xusuusin lahaa ‘’ Sadkaa waa loo sahan tagaaye’’ Ragga uu kula     tartamayi lahaa halka ugu hoosaysa ee Qoysnimo waa …Cali Waran Cade iyo Dr.Gaboose iyo qaar la mid ah..
Haddaba Labadan Nin aan idhaado Gal Dad liqa Ulbaa layskaga dayaa ee ka fiirso intaanad falin.
 

  1. 3.     Xasan Codyare.

–         Waxaan Guddoomiyaha Gobolada Awdal iyo Salal u fari lahaa Dadkeenii Goboladaa  sidii Ninkii yidhi Hooyadaa Indh la’aan ma ku ogayd iyo Dad cuna way ku darsatay in Magacii Codyare  uu ku darsaday arrin yare.

  1. 4.     Daamuri.

–         Sidoo kale Guddoomiyaha Ceerigaabo waxaan fari lahaa in Wadaadkii  Mudawaca ahaa uu noqday Sawirka Jamhuuriya ku soo baxa ee isu jawaaba oo uu laba Qolaba la shaqeeyo.

  1. 5.     Ragga kale.

–         Wax badan odhan maayo oo wax Dani Raacisay iyo wax Damac kale wadayba way lahaayeen.
Taloda aan siinayo Irkad iyo Digayar.
–         In ay Xisbi furtaan hadday ku heshiiyaan anoo og in Dagaal dambe oo dhexdooda ahi u hadhsanaa hadday UCID dhacsadaa.
–         Iyo In sidii Laadhuuda Maskii wuu liqyay aanu mar labaad u dilee xagga dambe ka soo qabsadaan Salaanka XISBIGA.
Midna aan Reer S/L u iftiimiyo.
–         Waxaad maqasheen oo Saaxiibaday sheegeen inaan Saacad Xaala bixiyay.Maxayse ugu dari waayeen Kelmaddaan farta waaweyne ku dhigtay  dhawr jeerna  ku celceliyay ee dhaqan ahaan Maya iyo diidmo ka xaaraansantahay.

  1. 6.     Xisbiyadda Qaranka.

UDUB:
–         Iyagu intii ay qaban karayeen way qabteen oo ah Ergayn, Ergana amba waa la yeelaa amba waa la diidaa ee kathir aluf khayrahum.
KULMIYE:
–         Waxaanu ka filaynay Gurmad xoog leh anakoo u tirinayanay Awood Xukuumadeed.
–         Arrintoodu waxay u muuqatay ‘’ Geeriyi nimaanad garanayn iyo Geel jiray ku fiicantay’’
–         Iyagoo waliba Xanuunkani soo maray oo khibrad u leh.
Hasa yeeshee waxaan xusuusin lahaa;
–         Balaayo intay kaa maqantahay Qayrkaabay ku maqantahay.
–          Bawdyo Ragna hadba mid baa qaawan.
–         Kor waayeelna waa wada indho e ma laga yaabaa Awaw in Kaayihiinii yimaado kadib Dhallinta Reer UCID kuu qaado’’ Amaba dhamay qadhaadhkee waa inaad           dhadhamisaa.’’
 
 

  1. 7.     Xukuumadda.

–         Marka hore arrintani may ahayn wax Ugub ah oo hore ayay ugu dhacday UDUB iyo Kulmiye labada, manay gaadhsiin Dawladdii hore khilaafyadaa Maxkamad.
–         Inkastoo arrintani ahayd‘’Cudurka kaa gala Fardaha’’ oo wax badanoo isku cayn iyo bayd go’ni jiraan Dalka  sida masalan:-
–         Amarka Guddoomiyaha Maxkamadda sare soo saaray inuuu xayiray Xafiisyadii Xisbiga dhamaan Gobol,Degmo iyo Tuulaba amaan ahaan awgeed.
–         Amarkaasu muu gaadhin Ciddii u xil saarayd Amniga sida Wasiirka Daakhilga iyo Taliyaha Booliiska ee waxa Xafiiskiisa kala soo baxay Wasiirka Madaxtooyada.
–         Haddana waanu ku hamabalyaynaynaa Guddoomiha Maxkamadda Sare,Garsoorayaasha iyo Shaqaalihiisa go’aankan waxanan leeyahay HOBO.
Waxa hadaba xusuus qore iyo in hoosta laga xariiqo u baahan.
–         Masuuliyaadka Dawladda waxa ka mid ah inay dhibaato kasta oo timaadda go’aan ka gaadho marka ay daristo oo xal u helideeda ku dhiirato.
–         Umaynaan dooran in hawl maalmeedkeeda loo xil saaro mar walba ‘’Guddi ‘’
–          Dawladda Khilaafkeeda gudaha furdaaminteedu ku adkaataa waxaan is weydiiyaa baqana iga hayaa haddii Hawl intaa ka culusi  timaado Alle inaguma keeno e siday u furdaamin lahyd.
–          Bal aan eegno arrinta Madaxdeenii ay xidhatahay Putland siday ka yeesho.
–         Waxase hadal dhameeyay Xasan M. Yuusuf markuu yidhi“Xukuumaddu ha dhidhiibsato”.taas oo af soomaali iyo dhaqan ahaan meel loo dhaafaa ayna jirin.
Suugaan ahaan waxaan odhan lahaa:
–         Shicibkee dadaalee isku duubni ugu yidhi waligaa na daadihi…..
      Waxba daahi maynee Dawlisbaa u soo go’ay.
Ugu dambayn :
Waxaan Dadka Reer S/L ku boorin lahaa:
–         Guddah: inay ilaashadaan Nabadooda iyo Jiritaankooda Qarannimo oo qof
kastaaba isu xil saaro kuna ilaawin Ciddii loo igmaday ood moodo inay   wax kale kaga mashquuleen arrintan.
–         Debedda: Inay u kacaan sidii sumcaddii iyo Qarannimaddii S/L dib loogu soo celin
Lahaa oo aad mooddo in Adduunka ka galay madmadoow.
 
 
Ahmed Mohamed Saeed
Dhibane_snm_slander@yahoo.com