Faadumo Siciid Waa Gabadh ku dayasho mudan

Dhamaan waan salamaya warbaahinta xorta ah ee  Somaliland, Salaan ka bacdi waxan doonayaa in aan wax yar ka idhaah muranka Jamacada Berbera University, ayna hindise heeda iyo  as-aas keedaba lahayd Marwo Faadumo Siciid Yusuf oo ah gabadh udhalatay gobolka Saaxil, door firfircoon oo lataaban karana ka qadata dhamaan horumarka Somaliland dhinackasta o ay tahayba, ahna gabadh qiimo wayn ku leh dhamaan umada reer Somaliland gar ahan gobolka Saaxil oo ah gobolka ay dhalasho ahaan ka soo jeedo.

Faadumo Siciid inta ay utartay Somaliland guud ahaan iyo gar ahaanba gobolka Saaxil majiro qof utaray, waxanay mudantahay inlagu hanbalyeeyo shaqada ay uhayso bulshada reer Somaliland gar ahaan Saaxil ee ma mudna in lagu canbaareyo.Badhasaabka gobolka Saaxil muu ogayn warna umahayn dhibta loo soo maray hirgalinta Jamacada Berbera University  iyo dhibaatada loo soo dhabar adaygay ee waxa u arkay iyada oo shaqaynaysa, balse ma u isku dayin in u ogaado sidii ay ku soo as-aasantay iyo wayihii ay soo martay, waxa layaableh in u uqaatay in aytahay Jamacadani mid ay leedahay dawladu, waxanu halmaamay in ay jamcadani tahay mid ay samaysteen dadwaynaha gobolka Saaxil ayna hormuud utahay Faadumo Siciid Yusuf, waxayna u soo martay  hirgalinta Jamacadan hawlo aad u adag sida in ay safaro dhadheer ugu kicitinto wadamada Europe ayna uraadiso dhaqaale lagu bilaabo Jamacada, alxadulilaah waxay ku gulaysatay in ay hirgaliso jamcada iyada oo kashanaysa dadka reer Saaxil ee jecel horumarka gobolka.Hadaanu nahay dhalinyarta waxbaratay ama hada jamacadaha ku jir ee udhashay gobolkaas aad iyo aad ayaanu utagersanahay marwo Faadumo Siciid iyo dadaal keeda, mana ogolin horumarka ayka wado gobolkeeda in la carqaladeeyo oo dadkale iska sheegtan in ay iyagu sameyeen  horumarkaa intaa leeg ee ay samaysay Marwo Faadumo Siciid . Badhasaabka gobol ku waxa udoonayaa in usheegto libta iyo horumarka ay sameyeen dadka reer Saaxil.Waxan uso jeedinayaa badhasaabka gobolka Saaaxil Mudane Mxamud Cali Ramaax in u kadaayo dhibta iyo hagaardamada dadka gobolkooda horumarka ka wada, hadii anu dhirigalinayn, waxanan ku leyahay faraha ka qaad Jamacada Bada ee Berbera una soo celi si degdega hantidii Jamacadasi lahayd ee laga qaatay adiga iyo mareyaha dekeda Berberaba xaalna ka sii ardaydii ad kaga ciyaarteen waxbarashadodii si degdegana faraha ugaqaada, hadii kale maha waxay ay aqbalikaraan dadka reer Saaxil haday yihiin dhalinyar iyo aqoon yahaynba waanuna tageersanahay Marwo Faadumo Siciid Yusuf. Allah Mahad leh

By: Maxamed Cabdi Cali, Hargeisa, Somaliland .

Email:maxamed1191@hotmail.com