Midba Maxaa La Gudboon; Culimada, Saxaafada, Xukuumada, Shacbiga iyo Sheekh Aadan Siiro

Bulsho kastaaba waxay leedahay Hogaamiyeyayaal ama Dad ay uga dambeeyaan Talada, waxa kale oo ay leedahay Culimo looga dambeeyo Aqoonta diinta sidaa si la mid ah ayey u jiraan Odayaal iyo Waxgarad lagu ixtiraamo oo laga DhaxloD haqanka iyo Caadada ay Bulshadaasi leedahy.

Nasiib daradu waxa weeye, marka ay kuwaasi is tix gelin waayaan ee uu dhexdooda Muran yimaado ama muran ka dhasho, inta badana ma wada khaldana ee iyada oo aan la aqoonin ujeedadooda rasmiga ah koleyba mid ama laba iyaga ka mid ah ayaa khilaafka bilaaba oo xudun u ah.

Murankaasina aakhirka waxa uu Bulshadaas dhaxalsiiyaa dhibaato aanay dhakhso uga soo kaban karaynin.

Tusaale waxa kuugu filan waxa Deriskeena ka dhacaya ee 20 sannadood ka taagan, iyo aakhirkii halka ay kuwaasi Dadkooda dhigeen.

Maalmahan waxaan maqlayey muran u dhexeeya mid ka mid ah Culimada, Sheekh Aadan Siiro), oo Imaam ka ah mid ah Shanta Boqol ee Masaajid ee Hargeysa ku yaalla ama Kumanaanka Masaajid ee Somaliland iyo Culimada kale ee dalka.

Aniguna Aqoontayda maan ogeyn in ay Somaliland ka jiraan Mahdalo ama Dariiqooyin khilaafkoodu halkaas gaadhsiisan yahay.

Markii aan dadka Wareystayna waxaan ogaaday in aanay Ogaal daro iga ahayn ee Dadkeena Caqiido keliya iyo Mahdo keliya ku mideysan yahay.

Murankan cusubina waxa uu u dhexeeyaa Sheekhaas oo aan Anigu sida runta ah ku jeclaa sida uu uga hadlo Somaliland, hase yeeshee Maanta galkacalkii aan u qabay Shaki geliyey.

Ugu dambayn Sheekh Aadan Siiro mid baan leeyahay, Shacbigana mid baan leeyahay, Saxaafadana mid baan leeyahay, Xukuumadana mid baan leeyahay, Culimadana mid baan leeyahay.

Sheekh Aadan Siirro waxaan leeyahay, Walaal, oo walaal dib isugu noqo oo haddii ay kaa dhab tahay in aad Somaliland jeceshahay, ka daa Hagardaamada iyo khilaafka diimeed ee aad in muddo ahba Magaca ka dooneysay.

Waxaan ku leeyahay Raganimadu halkaa kuma jirtee hankaaga u soo banaan bax.

Shacbigana waxaan leeyahay, Walaalayaal idinka ayaa markhaati ka ah marka dambena Dambarsan doona marka kasta oo uu mid idinka mid ahi isku dayo in uu degenaanshihiina lumiyo.

Waxaana haboon in marka ay dhawdahay loo sheego oo ay inta ugu dhawi u sheegto ka dhibaatada bilaabaya.

Saxaafadana waxaan leeyahay, anigu aqoon uma lihi Saxaafadda gaar ahaana waxa is khilaafsan ta aan Dhaqankeeda ka akhriyey Waddamada horumaray iyo Teena, si kastaba’se ha ahaatee, Saxaafada wadaniga ah waxa la gudboon in ay Dadkooda ka ilaaliyaan khilaafka ku xidhiidhsan Diinta oo aanay iska indha tirin xaga loo badan yahay isla markaana ay iska ilaaliyaan Nin jecleysiga oo noqonaya Dembi ay inta badan ka gelayaan.

Xukuumadana waxa la gudboon in ay Had iyo jeer indhaha ku hayso Khilaafka noocan oo kale ah kuna dedaasho sidii ay halkiisa ugu bakhtiin lahayd wax kasta oo uu ku tegayo.

Culimadana waxa la gudboon in ay xaqa ku celceliyaan ilaa ay ka qancinayaan ka iyaga ka mid ah ee la yimid Dooda tooda ka duwan.

Mubaarig Cabdilaahi