Shirkii beesha gobolka saaxil oo lagu wado in uu bishan gudaheeda qabsoomo iyo maamulada dawlada ee berbera oo ku guul dareystay baajinta shirkaa

Waxa labadii Sadexdii bilood ee udanbeeyay deegaanka gobolka saaxil laga hadalyay shir beeled ay qabsanayaan beesha Deegaanka gobolka saaxil waxaanay cuqaasha.waxgaradka iyo ganacsatada beesha Ciise Muuse Intooda Badani ay ku hawlanaayeen qabanqabaada shirkaa ay beeshoodu qabsanayso,Waxa kaloo iyana aan shirkaa ka maqneyn oo qeyb ka ah aqoonyahanka beesha Ciise Muuse ee ku kala dhaqan wadanka debadiisa iyo gudihiisa iyaga oo aqoonyahankaasi shirkan si diiran usoo dhaweeyay tilmaamayna in ay waajib tahay in beeshoodu ay aayaheeda ka tashato waxa kaloo ay intaa ku dareen in beelo badan oo kamida beelaha Somaliland ay hore ushireen shirkanina uu kuwas uun lamid yahay waxaanay shirkan ay beeshoodu qabsanayso ku taageeren aqoonyahankaasi maskax iyo maalba badina aqoonyahanka iyo cuqaasha beesha saaxil ayaa si cad daaha uga rogay in ay diyaar uyihiin ka qeyb galka shirkaa lagaga tashanayo aayaha beeshooda reer saaxil ,waxaanay aqoonyahanka qurba Jooga iyo madax dhaqameed badani Bayaano ay ku muujinayaan taageeradooda ku waajahan shirkan ay kusoo bandhigeen saxaafada maxaliga ah ee kawaranta dalka Debediisa iyo gudihiisaba iyaga oo shirar kala dandanbeeyayna ku yeeshay gudaha dalka iyo qurbahaba waxaanay dhinaca qurbaha shirar ku qabsadeen aqoonyahanka qurbaha ku dhaqan ee beesha Ciise Muuse wadanka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London halkaas oo ay wax badan oo shirkaa beeshooda uqabsoomi doona khuseeya ay kaga wada hadleen sida la sheegayana ay waxbadan isla meel dhigeen waxaana la filayaa in shirkaasi uu bishan september dhexdeeda qabsoomi doona ay xubno badan oo qurba jooga reer saaxilina ay kasoo xaadiri doonan.


Dhinaca kale waxa walaac weyn ka muujisay shirkan beesha Ciise Muuse Xukumada Somaliland Waxaanay xukumadu u hub urursatay sidii ay ukala furfuri laheyd amaba u baabi,in laheyd shirkan Beesha Gobolka saaxil dagta ay qabsanayso iyada oo xukumadu baajinta shirkaa iyo hagar daamadiisa u adeegsatay masuuliyiinta gobolka saaxil ee dawlada oo uu Ugu horeeyo badhasaabka gobolka saaxil Maxamuud Cali Hayste(Ramaax)iyo maayarka degmada Berbera Cabdalla Maxamed Carab oo aan Isagu ismuujinayn balse daaha hoostiisa kusoo jira  isaga oo aan marnaba sida badhasaabka dareen diidma ah Ka muujin shirkan ay beeshiisu qabsanayso balse uu mawqif ahaan Lasocdo badhasaabka gobolka saaxil oo imika wada shaqeyntoodu lagu tilmaamo saaxiibo aad isugu dhawdhaw islana jaanqaaday

Shirkan ay beesha Ciise Muuse ku dhawaaqeen in ay qabsanayaan oo ay kaga tashanayaan danahooda Gaarka ah iyo aayaha beeshooda  ayaa waxa hordhiciisii lagu qabtay magaalada hargeysa horaantii bishii lixaad ee sanadkan 2011 waxaana hordhacaa shirka beesha Ciise Muuse lagu magacaabay xubnaha daadihin doona qaban Qaabada iyo waliba mudeynta wakhtiga uu shirkaasi qabsoomayo iyo goobta shirkaasi lagu qabanayo Waxaanay wararka shirkaa la xidhiidhaa sheegayaan in shirkaasi loo qoodeeyay in uu qabsoomo 10/09/2011 iyada oo goobta lagu qabanayana loo asteeyay tuulada Dubur oo ka tirsan degmada Sheekh ee Gobolka saaxil halkaas oo imika ay ka socdaan dhismayaasha goobaha uu shirkaasi ku qabsoomi doono oo laga dhisaayo taandhooyin waaweyn iyo dhamaan adeegyadii looga baahnaa waxaanay Gudidaa qabanqaabada shirka beesha Ciise muuse loo magacaabay ay dhismahaa madashaa uu shirkaasi ku qabsoomayo ay Contract ku siiyeen nin magiciisa layidhaa Maxamed Haybe Nuux oo reer sheekha islamarkaana kamida isla beesha Reer saaxil balse ku shaqeysta fulinta dhismayaasha waxaana ninkaas dhismahaa fulinaya 2/08/2011 Xadhig sharci daro ay kutilmaameen cuqaasha iyo aqoonyahanka beesha Ciise Muuse kula kacay Badhasaabka Gobolka Saaxil isaga oo taliska booliska gobolka saaxil qoraal ugu gudbiyay soo qabashada Maxamed Haybe Nuux oo ah contractarka fulinaya dhismayaasha shirkaasi ku qabsoomi Doono waxaanu xadhiga ninkaasi dhaliyay muran iyo hadalo la isku weeraray oo laysu mariyay saxaafad Maxaliga ah oo intooda badani ka soo yeedhayay aqoonyahanka iyo cuqaasha beesha Ciise Muuse ee shirkan dabada ka riixaya oo dhinac ah iyo badhasaabka saaxil oo kaashanaya masuuliyiinta beeshan ka soo jeeda ee xukumada xilalka ka haya  iyada oo aanu badhasaabka gobolka saaxil marnaba sicad u qiran xadhiga Ninkaas dhismayaasha fulinaya balse uu muujinayay sida uu uga soo horjeedo shirkaa ay beeshiisu qabsanayso hase yeeshee waxa ninkaa la siidayay ayaamo yar kadib si bilaa shuruuda isaga oo aan wax danbiya oo uu galayna aan loo sheegin waxaanu markii la soo daayay Maxamed Haybe Nuux shabakada wararka ee berberanews u sheegay in uu Xadhigiisa la Xidhiidhiyay badhasaabka berbera isaga oo sababta uu xadhigaa ugu maleegayna uu ku macneeyay shaqada uu ka hayo madasha shirka beesha Ciise Muuse ka dhici doono isaga oo Maxamed Haybe sheegay in Booliska degmada sheikh mar uu weydiiyay cida ka danbeysa xadhigiisa ay ugu  Jawaabeen waxa amarka xadhigaaga soo bixiyay Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Hayste(Ramaax).


,Badina waxay masuuliyiinta haayadaha dawlada ee gobolka saaxil sas ka qaadeen Shirkan ay beeshoodu qabsanayso iyaga oo inbadan utafaxaytay sidii ay shirkaa ufur furilahaayeen Maaliyad badana ay ku bixiyeen balse ay ku guul dareysteen baajinta shirkaa waxaana xubnaha Sida Weyn ugu hawlanaa sidii uu shirkaa taako ugu dhigi lahaa kamida Badhasaabka gobolka saaxil mr Ramaax oo kaashanaya maayarka Berbera Cabdalla sandheere dhinaca xukumada ayaa la sheegayaa in ay khasnada dekeda berbera ufurtay badhasaabka saaxil oo Wixii  kharasha ee uu hawlahaa Furfurida shirkaa beesha Ciise Muuse ku galayna maamulka dekeda lagu soo amray in ay bixiyaan waxaana la sheegayaa in Maaliyada fara badani ku baxday baajinta shirkaa balse aan wax guul laga gaadhin inkastoo uu badhasaabku uu dhawr xubnood oo sheegtay cuqaasha beesha Ciise Muuse uu uririyay shirarna uu uqabtay bayaano weydana ay soo saareen hadana wax meel mari kama ay soo bixin,Waxa sababta ugu Weyn ee uu badhasaabka gobolka saaxil uu lidka ugu yahay shirkan ay beeshiisu qabsanayso ay dadka aqoonta uleh badhasaabka berbera ku macneeyay in uu difaacanayo masabkiisa maamul ee uu xukumada uhayo taas oo hadii uu shirkaa Baajintiisa uu ku guuleysto uu bilad dahaba ka helayo dhinaca xukumada hadii uu ku guul dareystana uu masabkiisa maamul Halis galayo waxa kaloo uu iyana baqdin xoogan ka qabaa go,aanada ka soo bixi doona shirkaa beeshiisu qabsanayso waxaana laga yaabaa in go,aamadaasi saameeyaan masabka uu xukumada uhayo sidii ku dhacday badhasaabkii hore ee gobolka Gabiley ee ay Waxgaradka iyo cuqaasha gobolkaasi Madaxweynaha ka codsadeen in uu ka bedelo iyaga oo ku eedeeyay dhawr arimood oo ay sheegen in ay gobolka khalkhal ka abuuri karaan,


Isku soo wada duubo shirkan ay beesha gobolka saaxil qabsanayso ayaa lagu wadaa in uu furmo bishan sagaaladaa ee september Dhexdeeda sida ay noo xaqiijiyeen shaqsiyaad ku dhawdhaw qabanqaabiyayaasha shirkaa dhinaca kale waxa iyaguna shirkan soo Dhaweeyay qeybaha bulshada beeshan ee ku dhaqan gobolka saaxil diyaarna ay uwada yihiin ka qeyb galka shirkaa.




Reporter by Mohamed Abdiilahi Farah
Berbera/Somaliland