Hal Talaabo hor loo qaado , laba talaabo dib loo qaado

Waa sanad iyo wax yar intii ka soo wareegatay 26 june 2010 ee horseedatay in ay baal  sooyaal taarikheed Somaliland kanoqoto taladii dalkana ay la wareegtay dawalada maanta  haysa iyada oo weli loo raacin karo in ay cod aqlabiyad ah ku heleen 

 Xiiso badan oo ii hayay ma jirin in aan wax  ka sheego ama qoroba xaalada dalka   dhinacna aan u filaayo baxaad hawleedka hortaal dalwad cusub waxay tahay kalin  dhiirgelina anan ku laahayn in silaanyo iyo kulmiye talada la wareego ,hadana wax badan ma jirin aan ahayn in wax lagu darsado aan ahayn sil aanyaa gabay 

Se maanta oo sanad  ka soo wareegay waxad modaa in la hayo wax badan oo wax laga qoro  Siilaanyo iyo Safarkisa dibada  China mise Honkong , Alshabaab , Xisbiyada cusub ,  Aamin Caamir rayigiisa Somalilnad iyo Reer Waqooyi , Faysal cali wareebe iyo yaa reer Hargysa ah ,Condemka iyo  MCH yada in layqu qaybiyo (Kusoo dhawada doodaha cusub ee isbedlka) Kalagii Saxane maxaa aamusiyay  , galbeed iyo Bari burco xataa kubadii , ha soo koobinba :

Hadaba hadaan u soo noqodo  mawduuca waxaa laga yaaba in dad igu ilaaqaan qoraalakan oo is odhan karaan wa degdeg  madaxwaynaha iyo dawladu waqti ayay u baahanyihin In badan waxa socotay si cad iyo  xanba saxaafada,   shacabkuna isla dhex marayay  intii S iilanyo madaxwayne noqday  iyadoo CV siilaayo yahay mid la mid ah heesaha Frank Sinatra isagoo labatan gaadhin Jamcad London u qabtay, isaga oon sodon gaadhin madax ka noqday wasarada qorshaynta , isaga oon afartan gaadhin wasiir buuxa  Wasir ka noqday dawladii somaliya , isagoo konton gaadhin waxkasta haysta u dulqaadan wayay dhibtii haystay dadkiisa qaaxo iyo qori qaatay ahaa mujaahidkii ugu waqti dheeraa hogaan SNM , isagoo  70  gaadhin  mucaarad ilaa madaxwayne qaran noqaday  halkii ugu saraysay gaadhay kursigii iyo gurigii Morgan  hadana hoos u soo dhaadhacay dib isagu noqday maanta kaalintiisa lagu sifayn karo inaanu waxba war u ahayn, dayrka gaadhin sida la leeyahay Hirsi iyo Cukuse wax u ahyaan , hadaba waxaa meesha yaal ma la odhan karaa maanta siilanyo waa spent force . hadii anay sidaa hayn wax iswaydiin  leh  maxay madaxtooyadu igu  dulqaadan hadal haynta intaa leeg iyada oo aynu ka wada dhereg sanahay dhibta ay k u keenayso dalka iyo umadii doortay iyo guud aahan siyaasada mandqada in maanta kalsooni daro iyo tuhun caafimaad yimaado  iyana waxa suaal ah ma looga bartay  madaxwaynayaashii horee la midka ahaa ee soo maray mase u dulqaadan jireen ,Waxay ila tahay cida ugu wayn ee aamusnaanta  iyo qarinta intaa leeg  ay dhibaato ku keenayso in ay tahay siilanyo  sidii hawl maalmeedkiisa u wadan lahaa iyada oo umada iyo dalkuba si gaar ah u eegayo wax uu qabto . hadii la doonayo in somaliland hore u soctona waa in siilanyo loogu celiyaa  hadii u dul qaadashada wasirdaa iyo xubnahaa loo hadal haynta badan yahay sidaa tahay inaan wax badan oo dawladadadu kaga duwanayysaa aanay jiri doonan tii aad dhaxshay aadna la mid noqon doonto Boqor Metternich kii Austaria  madaxa u ahaa 1848  isagoo da ah  dhagalaantuna ugu darsanayd ee ay u saamaxi kari wayday inuu maqlo  dadkii qasrigisaa madaxtooyada u ahaa horteda ka gadooday, ee markii qallalaasahu bilaabmay gundahana  laysala soo galay  ku cararay ku kalsoonahisii  Rochefoucaul Liancourt( Hirsga maanta)  si uu u waydiiyo ”waar maxaa dhacay  waa maxay fawdadu ”  Maxuu ugu jawaabay Liancourt ”’ Maya Mudane fawdo maahe waa Kacdoon Kacaan”’ Waxaan garan kari lahay in Hirsi intaa fahmi karo  Taana maalin kale ayaan dib ugu dhiganayaa    

 Iyana waxaa xaqiiqo ah yaan la aqoonsanbe  in somaliland leedahay waxii la halmaali jiray haykal dawladnimo  calan , madaxtooyo, somalilandshillings iwm iyo dimiquraadiyad  halku dhigeeduna yahay ( mid inaga inoo gaar ah)  sidii  hantiwadagii cilimiga ku dhisnaa oo kale meel laysagu keenay xeerkii iyo dawladnimbadii  aduunka la wadagno in madaxwaynha gogaanka  laga leeyahay  eeda iyo danbigeedana cida a dusha laga saaro mana aha wax Africa ku cusub ama kacaan ha ku yimaado  ama code . Captain Jerry Rawlings markii u ugu awooda waynaa waxaa la soo sheegi jiray inaanu Wasiir eryi kari jirin ilaa ay ka timaado maamada xanta taalayna  ahayd in wasiradisu iyo madaxdu ay isku dayi jireen in ay raali galiyaan maamada si isna raali u noqdo  Ismaciil yare wasiirkeenii ha la waydiiyo?  Markii xaalada Ivorycoast ka sii daraysayna waxaa dhagahena ku soo dhacayay in dhibtu aanay Ahayn Gbagbo laakin maaamadiisa  Madame Simone gbagbo anaay u ogalyn in haba yaraate in uu tanasulo . Tani inaga  inoo goor maha?

Hassan Barud

Oslo Norway

barud10@hotmail.com