Waa Nasiib Daro in Wajahada Iskuulka Sheekh Bashiir Dad La Siiyo.

Shalay ayaan ag maray Dugsiga Hoose Dhexe ee Sheeikh Bashiir, waxan arkay dhisme ka dhex socda Gudaha Wajahada Iskuulka, markiiba waan yaabay, waxan is idhi waataas la iibiyay Wajahadii uu lahaa Iskuulku, khiyaamooyinka looga bartay dhismayaasha nuucaas ee marka hore loo eegaysiiyo dhisme gudaha Iskuulka ku jira ayaa marka danbena Albaab weyn looga furaa dhinac Debada, iyada oo marka danbena la arko in dhismayaal kale laga furo wajaahadaha goobada Dawladu ay leedahay, waxana tusaale inoogu filan Wasaarada Warfaafinta oo noqotay suuq bulshadu ku ganacsato, iyada oo Wajahadihii Wasaaradaasi la musuqmaasuqay oo masuulkii yimaadaaba uu siiyay dad reerkooda ah ama  ay saaxiibo yihiin. Maanta foolxumada Wasaarada Warfaafinta haysata waa la wada arkaa  khashinka iyo qudhunka buuxiyay wajahadaha Wasaarada Warfaafinta. Maanta waa nasiib daro in Qof la siiyo Wajahada Iskuulkaas oo ah mid qiimo ugu fadhiya Wasaarada Waxbarashada iyo  bahda waxbarashada Somaliland. Maalin dhaw waxaynu goob jog u noqon doonaa iyada oo dhismahaa laga dhex dhisay dhinaca Gudaha ee Wajahada Iskuulka Sheekh Bashiir iyada oo Albaabo waaweyn dibeda looga furay. Tani waxay niyad jab ku keeni kartaa Ardaydii wax ka baranaysay Iskuulkaas oo ay ku rido wadaniyad la’aan iyo nadaafada Iskuulka oo xumaata.   Waxa hore loogu yaqaanay Iskuulkaas in Wajahada darbigaasi ay ku xardhanaan jirtay halku-dhigyo waxku-oola oo ku saabsan waxbarashada, kuwaas oo ku dhiiri gelinayaa caruurtu inay jeclaadaan Waxbarashada.
Xukumada waxan u soo jeedinayaa inay bulshada u cadayso waxa uu yahay dhismahaasi inta aanay dhicin rabshad iyo qulqulatooyin ay sameeyaan Waalidiinta iyo Ardayda Wax ka barata Iskuulka Sheekh Bashiir.  Waa in laga ilaaliyo Goobaha Waxbarashadu inay noqdaan Suuq iyo meel ay ka lunta kala danbayntu.  Caruurteenii hadii ay suuq waxbarasho u doontaan saw nasiib daro maaha.   Meeday Wasaaraddii Waxbarashadu? Aaway kuwii aan dooranay ee aan Cadceeda u taagnayn?  Aaway aqoonyahankii ka dhiidhi jiray tani oo kale?  Mee Sharaftii Goobaha Waxbarashadu?
 
Yuusuf S. Rooble
Hargeisa-Slomaliland