OGEYSIIS: Websiteka Cusub Ee Www.Booramaonline.com Oo Hawada Soo Galay.

Bishaaro…..Bishaaro……Bishaaro… Dhamaan dadyawga ku hadla afka soomaaliga eek u nool daafaha dunida gaar ahaan geeska Afrika waxaa loogu bishaaraynayaa daahfurka mareeg cusub oo la magac baxday WWW.Booramaonline.com,
Mareegtan cusub oo noqonaysa mid ku soo biirtay mareegaha afka soomaaliga ku hadla ee baahin doona wararka dalka gudihiisa iyo dibadiisa saacad walba ,daqiiqad walba,waxaad kalood ka heli doontaa, suugaanta, madadaalada, hanbalyooyinka, qormooyinka tacsiyaha,ra’yiga dadwaynaha, wacyi waano xaga diinta islaamka,iyo cilmibaadhisyo siyaasadeed iyo aqooneedba inta badan.
Mareegtan cusub ayaa noqonaysa mid ka madaxbanaan, arimaha soomaali kala irdheeyay ee ay ka kow tahay qabyaalad,nin jeclaysi, magaalo ama tuulo jeclaysi, waxaana ay xooga saari doontaa, dhiirigalinta xaga horumarka, falaqaynta siyaasad nadiifa,waxbarashada, caafimaadka, faafinta culuumta islaamka iyo arimo xiisa badan leh.
Mareegtan ayaa waxaa ka xaaraana shakhsi weerar, aflagaado beeleed,isku dir iyo arimo badan oo aan saxaafada u hooyo iyo aabo ahayn.
Hadaba waxaan si sharaf leh uga codsanaynaa dadyawga afka soomaaliga ku hadla meel kasta oo ay joogaan in ay ku soo dhawaadaan mareegtan qiimaha iyo qaayaha xanbaarsan eek u soo biirtay saaxada caalamka, mar walba saacad walba, daqiiqad walba ku xidhnow  Booramaonline.com si aad u hehsid dhacdooyin iyo warar ku xiisa galiya, ha moogaan inaad si toosa u soo booqato, bartayada internetka aan ku leenahay ee Www.Booramaonline.com


Tififtiraha guud ee shabakadan
Wariye:Jaabir Ali Omer