Duruustii laga dhaxlay doorashadii degaanka & Xeerka nidaamka Axsaabta Siyaasada iyo doorashada golaha degaanada Somaliland Q1aad

Salaanta islaamka ayaan dhamaan idinku salaamayaa. Salaantaa ka dib,  Marka hore waxaa mahad iska leh Allaaha ii suurto-galiyay in aan markasta fikirkayga wax ku qoro kuna isticmaalo gamcahayga  uu  i siiyay, intaa ka dib,  waxaan si wada jira u salaamayaa dhamaan umada reer Somaliland meelkastoo ay aduunka daafihiisa ka joogaan gaar ahaana si gaara Saxaafada sharafta leh ee Somaliland.

 Hadii aan u soo diga rogto  ujeedada qoraalkayga soo socda waxa uu ku saabsanyahay

 ama aan qalinka u qaatay, inaan rayi yar idin soo hordhigo bal casharaddii aan ka dhaxalnay doorashadii degaanka inoogu horeysay iyo weliba xeerarka furashada ururada  cusub iyo doorashada degaanka ee fooda inagu soo haysa.

    Sidaynu la wada socono waxaa beryahan umaddu  meel kasta ay joogaanba ku mash-quuleenfurista ururo siyaasadeed cusub oo hor leh.
Madaxweyne, Axmed Siillaanyo  ayaa waqti hore magacaabay guddi heer Qarana looguna tallo-galay ka soo talo bixinta furitaanka ururo cusub oo Siyaasadeed oo dalka ku soo biira , kuwaas oo guud ahaan ka koobnaa qaybo kala duwan tiradooduna ahayd 20 Xubnood , lagana soo kala xulay Saddexda Xisbi Qaran, Xukuumadda, Golayaasha Wakiiladda iyo Guurtida , Ururada Bulshada, Aqoonyahanka, Xubno Beelaha  tirada yar iyo weliba Xubno kale,waxaanay socdaalo ku gaalaa-bixiyaan Gobolada iyo Degmooyinka hoos-yimaada Wadanka  guud ahaan si ay u soo ururiyaan xog-waran ku saabsan mawqifyada iyo aaraada laga qabo mawduucan furashada iyo diiwaangelinta Ururada Siyaasiga cusub , iyadoo maxsuulku noqday inay bulshadu ay badi aanay ku kala baydhin furashada ururo cusub oo dalka ku soo biira .

   Sida ku cad qodobka 22aad Dastuurka, wuxuu tilmaamayaa in qof kastaa xaq u leeyahay inuu ka qayb galo hawlaha siyaasadda, si waafaqsan xeerarka iyo Dastuurka, sidaas oo kale wuxuu xaq u leeyahay muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamay in la doorto ,waxna uu doorto.
Haddaba, muwaadinku marka uu codkiisa dhiibanayo ama isaga shakhsiyan loo dooranayo waxaa loo raacayaa xeerarka doorashada ee dalkeena ee lambaradoodu kala yihiin XEER LAMABAR 20/01  iyo XEER LAMBAR 20/05, Marka Muwaadinku uu u isticmaalayo xaqiisa hab wadareed, urur ama xisbi wuxuu adeegsanayaa xeerarkaa sare ku xusan iyo xeer lambar 14/2000 oo ah xeerka Nidaamka Axsaabta iyo Diiwaangelinta ururrada Siyaasiga ah oo waafaqsan qodobadda 22aad iyo 23aad (3) ee Dastuurka.
  Xeerka Axsaabta siyaasada xeer Lr.14/2000 ay labada gole ee Baarlamaanka Somaliland Guurtida iyo Wakiiladu ansixiyeen horaantii bishii July ee sanadkii 2000, isla markaana uu Madaxweynihii hore Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu si rasmiya u dhaqan galiyey xeerkaasi axsaabta uguna soo saaray digreeto August 6, 2000-kii ayaa ah xeerkii lagu soo dhisay axsaabta siyaasada Somaliland.
 Sida uu Digreetadaa uu Madaxweynihii hore Marxuum Cigaal ku dhaqan galiyey xeerka nidaamka axsaabta uuna soo saaray 6-dii August 2000-kii oo sumadeedu ahayd L/M/dec-222-026/82000, ayaa waxay u dhignayd xeer Madaxweyne No: 26/2000,ka dib markii uu Madaxweyaha Somaliland helay go’aanka G/W/KF-11/133/2000 ee 19/6/2000 oo uu golaha wakiiladu ku ansixiyay xeerka Lr 14/2000 ku saabsan axsaabta siyaasada iyo ansixinta golaha guurtida ee GG/JSL/Kal 11aad/G10 217/2000 ee 8/7/2000 markuu arkay qodobka 75aad ee distoorka Somaliland wuxuu soo saarayaa xeerkan oo lagu baahinayo dhaqan galka xeer Lr 14/2000 kuna saabsanaa axsaabta, waxaana lagu soo saaray faafinta rasmiga ah ee dawlada.
Xeerkan axsaabta siyaasada xeer Lr.14 oo Madaxweyne Siilaanyo wax ka badal iyo kaabis ku sameeyey qodobada 3aad iyo 4aad wakiiladana u gudbiyey, soo jeedinta xeerkaasi axsaabta ee dhaqan galka ah, oo ka kooban todoba qodob ayaa waxay nuxur ahaan u qoran yihiin:-
Qodobka 2-aad guddiga diiwaangelinta ururada siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka.
Qaab-dhismeedka guddiga diiwaangelintu waa todoba (7) xubnood, waxay xilka sii haynayaan muddo lix bilood ah marka ay ansixiyaan saddexda xisbi ee ku guulaysta doorashooyinka qaranka, Waxa soo magacaabaya guddiga Madaxweynaha waxana ansixinaya golaha Wakiilada oo ku ogolaanaya cod haldheeri ah.
Qodobka 3aad codsigeeda qabashada diiwaangelinta
Muddada qabashada diiwaangelinta ururadu waa laba bilood gudahood oo ka bilaamaysa maalinta la baahiyo qabashada codsiyada, Urur kasta oo doonaya in loo diiwaangaliyo urur siyaasadeed waa inuu arji ku soo qortaa foomka loogu talo galay, kuna soo hagaajigayaa guddida:- a) Goobtii iyo goortii ururku qabtay shirkii lagu aasaasay ururka ee ugu horeeyey. B) Liiska magacyada aasasayaasha ururka, guddida fulinta iyo habkii loo doortay hawlwadeenada, In ururkaasi ku leeyahay laamo hawlgal ah, ugana diiwaan-gashan yihiin shan boqol oo xubnood ugu yaraan gobolkasta.
Saddexda urur ee dawladaha hoose ka hela 20% codadka gobol kasta  ayaa loo aqoonsanayaa xisbi siyaasi ah oo qoran, Haddii hal urur oo kaliyi ku guulaysto doorashada oo uu ka helo 20% codadka gobolkasta guddigu waxay u aqoonsanaysaa xisbi siyaasadeed isaga iyo labada xisbi ee ku xiga codadka gobol kasta.,Haddii ururada siyaasadeed midna gaadhi waayo 20% waxa uu guddigu u aqoonsanayaa xisbiyo siyaasadeed saddexda urur ee tirada ugu badan codadka doorashooyinka gobollada dalka,Haddii ay is leekaato tirada codadka laba urur ama ka badan waxa lagu celinayaa tartanka ururada mar kale oo ay cayinto dawladdu.
 Hadaba mar labaad ayaa Sida laga warqabo,Xeerka furashada ururada siyaasada uu Madaxweynaha JSL,Md. Axmed siilaanyo  u gudbiyay Golayaasha wakiilada si ay wax ka bedel iyo Kaabis ugu sameeyaan xeerkaa oo ka kooban Sideed iyo labaatan qodob, ugu danabayn Shirgudoonka Guurtida Somaliland ayaa  si rasmiya ugu gudbiyay Madaxtooyada go’aamkoodii ay ku meelmariyeen xeerka nidaamka ururada iyo axsaabta siyaasada xeer lr 14/2011, oo Golaha degaankuna gardaduubka ugu xidhnaa.
   Sida sharcigu dhigayo dhaqangalinta xeerkan labada gole ee Baarlamaanku ay soo ansixiyeen ayaa waxa digreetada saxeexa dhaqan galkiisa soo saara Madaxweynaha  muddo bil gudaheed ah, isagoo Madaxweynuhu awood u leeyahay sida distoorku u jideeyay inuu soo celin karo xeerkaa ay labada gole ee Baarlamaanku soo ansixiyeen haddii uu ku qanci waayo, isagoo soo sababaynaya, Madaxweynaha oo  safar ugu maqnaa dalka debadiisa ayaa ka soo laabtay iminka, Xeerkan furashada ururada siyaasada ee loo gudbiyey Madaxweynaha Somaliland si uu digreeto ugu soo saaro dhaqan galka xeerkan oo fasaxaya in dalka laga furan karo ururo siyaasadeed oo ka qeyb gala doorashada Goleyaasha deegaanka ee fooda inagu soo haya.
Xeerkani waxa kale oo uu jidaynayaa in urur kasta laga qaado lacag deebaaji ah oo dhan 150 Milyan oo shilin oo la mid ah 20 kun oo Dolar
    Hadaba Dastuurka Qaranka JSL Markuu Arkay: Qodobada 9aad, 22aad , 25aad, 83aad iyo 111aad ee Dastuurka Qaranka JSL, Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo ka digo-rogashada hab-beeleedka iyo xaqiijinta himilada ummaddu kana dhursugay mudada dheer  tartanka xorta ah ee xilalka Qaranka, Golaha ,ayaa G/Wakiilada  ansixiyey Xeerka Golayaasha Degaanka Somaliland, iyadoo dhawaan ay labada gole ee Wakiiladda iyo Guurtidu ay wax ka badal ku sameeyaan Xeer Lr 20

  Hadaba sida uu qeexayo Qodobka 1aad ee ugu horeeya Macnaha erey-bixinta Golaha Degaanka: oo loola jeedo Golaha cod-bixiyayaasha degmadu u doortaan maamulka iyo sharci-dejinta D/Hoose ee degmada.
Isagoo Qodobka 4aad qeexaayo  Tirada Golayaasha Degaanada
la soo dooranayaa uu ahaanayo:-
a) Golaha Degaanka Caasimada 25 Mudane
b) G/Degaanka degmooyinka darajada A 21 Mudane
c) ” ” ” B 17 Mudane
d) ” ” ” C 13 Mudane
e) ” ” ” D 09 Mudane

     Doorashooyinka Goleyaasha degaanka ayay ahayd in la qabto July 1, 2008 , taas oo suurto-gal noqon wayday kadib markii uu dib-u-dhac ku yimid hawlihii diiwaangelinta berigaa ee cod-bixiyeyaasha oo qorshuhu ahaa inay lix bilood ka hor doorashooyinka ay dhammaystiranto diiwaangelintu, waxaanay wada-tashiyo muddo qaatay oo ay la yeelanayeen axsaabta siyaasadda ay heshiis ku gaadheen in doorashada degaanka la qabto 6/10/2008. 
    Hase yeeshee, waxa qorshihii komishanka iyo axsaabtu isla gaadheen waxaa khalkhal geliyay muddo-kordhintii ay golaha Guurtidu berigaasi halka sanno ugu duugeen , isla markaana ay doorashadii Madaxtooyada dib ugu riixeen 6/4/2009, iyadoo ay guurtidu muddo-kordhinta u cuskadeen arrimo nabadgelyo oo ay ku andacoodeen inay ka jiraan Somaliland, iyadoo aakhirkiina qodobo lagu dhexdhexaadiyey sadex xisbi qaran , ay qalinka ku duugeen in la soo hormariyo doorashada madaxtooyada oo ahayd tii iyadu ugu danbaysay.
  Somaliland waxay leedahay in ku dhow ilaa 70Degmo, waxaana sharcigu u fasaxayaa in ka badan 20Degmo oo ka midda  in la doorankaro, halka in kabadan 10Degmo aanay doorasho ka dhicin laakin la soo magacaabo, guud waxaa ka hawlgala tiro ku dhowdhow ilaa 400wakiil oo la soo doortay ama la soo magaacabay, waxaana ka jira ilaayo tiro ku dhow 450 Guddi oo ka kooban dhinacyada  kala duwan ee bulshada loogu talo galay inay u adeegaan. 
  Dadka Somaliland ayaa Dec 2002 ilaa Maanta isweydiinaya waxa ay ka faa, ideen Doorashadii xildhibaanada Golayaasha degaanada SL 
Dadku maxay iska weydiinayaan tolow ?
Danta guud maxay ka qabteen?
Maxaa ka hirgalay waxyaalihii la hiigsanaayey?
   Distoorka Somaliland ayaa D/hoose siiyey madaxbanaani ,sidii ay u maamuli lahayeen hawlahooda iyo ururinta dakhligooda kaas oo si xora ay iyagu masuul uga yihiin horumarinta iyo dakhli urururinta , inta uu ka koobanyahay xadka degaankoodu, wixii aan ka hor imanayn shuruucda dalka u degsan………
 La soco Qaybta 2aad,…..  
Qodobka 45aad iyo Qodobka 46aad  ee Dastuurku way iska hor imanayaa. Qodabka 45 wuxuu ogolyahay  in Dawlada Hoose ay u  Madax Banaantahay, xaqna u leeyihiin xeer hoosaad, halka Qodabka 46, uu leeyahay waa in Wasaarada Gudaha la soo mariyo, marka xeer la ansixinayo…….
 
  Qodobka 23aad ..
Qaabka soo bandhigida Murashaxiinta….1. Liiska murashaxiinta golaha degaanka waxaa soo bandhigaya Guddiga degmada ee Ururka/xisbiga, waana in si cad loo soo muujiyaa magaca murashaxa oo saddexan, meesha uu ku dhashay iyo sanadkii uu dhashay; haddii ay jiraan dad isku magacyo ah waa in la sheego naanaysta (haddii ay jirto) iyo magaca (4aad) oo afran, waxa kale oo la soo muujinayaa degmada laga sharaxay……. 

 
..arkay xildhibaano aan aad ula yaabay sida ay u dhaqmayaan iyo habka wax u wadaan iyo aqoonta ay ku soo baxeen iyadoo ay ahayd in marka hore xildhibaanka degaanka uu heerkiisa waxbarashadu ahaado…….

   Qodobka 33aad.. 7aad Shuruudaha Murashaxa Golaha Degaanka ayaa dhigaaya 7. Waa inuu leeyahay aqoon dugsi sare haddii uu iska sharaxayo degmooyinka darejada A iyo B. Hadii uu iska sharaxayo degmooyinka   derajada C iyo D waa inuu lahaado aqoon dugsi dhexe ugu yaraan ama wixii u dhigma,…..
Qodobka 24aad

Astaamaha Liistooyinka Murashaxiinta ee ururada/xisbiyada ka muuqdaa waa inay kala duwanaadaan marka la soo bandhigayo……Qodobka 33aad
Shuruudaha Murashaxa Golaha Degaanka 2. Waa inuu si rasmi ah u degan yahay degmada uu iska sharaxayo.8. Waa inuu yahay cashuur bixiye degmada uu degan yahay ama uu ka qayb qaatey si mutadawacnimo ah hawlo dan guud ah ee degmadaas.

 –Wa Bilaahi Tawfiiq,-



By, Adan Yusuf Elmi
B,ham-Uk