Qaylo-Dhaan: Danyarta Xaafadaha Hargeysa Qaarkood oo Duruufo Nololeed oo Adagi Haysato

Waxa maanta dalkeena duruufo nooleel la ildaran dad kumanaan kun  oo qof ah,  kuwaasi oo ku  baahsan dalkeena, Xaafada Hargeysa ee kala ah Ayaxa, Sheedaha, M. Moge, Daami, Sheekh Nuur, State House iyo  Stadiumka. Waa xaafado ay ku nool yihiin dad aad u tiro badan oo  danyar ah oo aan helin intooda badani quutal daruuriga caadiga ah, waxa ka sii daran xaafadahaas oo badankoodu aanay lahayn biyo qasabadeed, waxa qudha ee ay heli karaana ay tahay waa biyo iiba oo foostadu qiimaheedu yahay in ka badan sideed kun oo Somaliland shilin ah.  Dadkani waxay ku nool yihiin duruufo aad u adag oo aanay jirin cid u kuur gashay ama dhex tagta dadkaasi. Inkasta oo iyaga laftigoodu sii kala jilicsan yihiin.  Hadii aad booqato xaafadahaas oo lagaaga sheekeeyo duruufaha ay ku nool yihiin qoysaska qaarkood, waad ka naxaysaa, cuntana kuu dhadhami mayso. Waxad arkaysaa caruur yar yar oo saaka dabka waxba aan loo dulsaarin, oo aan biyo haysan oo Hoyadood ka maqan tahay si ay suuqa wax uga soo raadiso. Caruurahaas qaarkood ayaa xanuunsanaya oo guri dhex jiifa, qaarbaa Aabahood waalan yahay oo guriga ugu xidhan yahay. Waxyaabaha naxdinta badan waxa ka mid in caruurta xanuunsanaysa oo qaarkood xanuuno fudud ay u dhintaan, inay u waayeen waalidkood  wax ay dhakhtar ku geeyaan. Iyaga oo sheegay inaanu jirin dhakhtar bilaasha oo Hargeysa ku yaala oo ay isleeyihiin wuu idiin daawaynayaa ilmihiina. Wax dhakhaatiir ah oo u tagta dadkaasi ma jiraan, meelaha xanaanooyinka ah ee u dhawna  daawo ma taalo, walibana si fiican uma shaqeeyaan.  Dadkaasi ma ag degana dad ladan oo ka warhayn kara xaaladooda nololeed oo caawiya amaba ogaada duruufahooda. Waxay sheegaan in dadka Ganacsatada ahi aanay iman xaafadahaas balse Sakada ay siiyaan dad marka horeba iska ladnaa oo ay jaar yihiin ama qaraabo yihiin.
Dadkani way yartahay inay cidi booqato oo ay ka war hesho duruufahooda. Waxaynu u baahanahay in dadkaas inta sii jilicsan si dhakhso ah loo gargaaro oo umada loo soo bandhigo duruufaha haysta. Waa in saxaafadu tagtaa oo soo waraysataa si dadku u arkaan oo loo caawiyo. Hadaan ogaan wayno masaakiinteena daawo la’aanta, silica iyo gaajadu inagu dhex dilayso, saw ciqaab Alle inagu dhici mayso.  Waa in Xukumad, Ganacsato iyo shacaba aynu dadkaas caawino oo aan la qaybsano duruufaha nololeed ee haysta. Hadaanad rumaysanayn maqaalkan, lugtaada ku tag xaafadaha kor ku qoran oo ka dhegayso sheekooyinka naxdinta badan ee ay kaaga waramayaan oo I tusa dheh qoysaska ugu  liita oo la  sheekayso. Murugo iyo naxdin ayaad ka soo qaadaysaa duruufaha haysta qoysaska qaarkood.  Waa in Ganacsatadu Zakadooda ugu deeqaan si ay ajri weyn uga helaan dadkan.
 
Yuusuf S. Rooble
Hargeysa, Somaliland
Muwaadin2011@live.com