DURUUSTA IYO CASHARKA KU JIRA DAGAALKII BEDER

Sannnadkii 2aad ee hijriyada 17kii ramadaan waxaa dhacday dhacdo masiirka bini;aadmiga soo noolaysay, dacwadana kor uqaaday, wax kastoo guul dhacday
iyo furasho kastoo la sameeyayna waxay ka soo shidaal qaateen Dagaalkaa wayn ee uu Ilaahay u bixiyay maalinta kala baxa (( Haddaad tihiin kuwo rumeeyay Eebe iyo waxaan ku soo dejinay Addoonkayaga Maalintii kala bixinta, maalintay kulmeen labadii col(Badar) Eebana wax kasta(oo uu doono) wuu karaa)) (Al-anfaal:41) waa Dagaalkiibadar.Waanan xusaynaa anagoo ka soo tusaale qaadanayna hadalka Ilaahay((Xusuustana markaad ahaydeen kuwo yar oo lagu tabar darraysto dhulka(Makaad) idinkoo ka cabsan in dadku idin dafo oo markaas uu idin dhaweeyay, idinkuna xoojiyay gargaarkiisa, idinkuna arsaaqay wanaag(xalaal) inaad ku mahadisaan awgeed)) (Suuratul Anfaal:26)) aayadu sidoo kale way inala hadlaysaa haba soo degto 1400 sanno ka hore,waxay ina leedahay xasuusta idinkuna markaad dulcad joogteen ee aad dhibaataysnaydeen, idinkoo ka cabsi qaba in gacan ku dhiiglayaashu idin
qabsadaan, dabadeedna uu idiin gargaaray , idin soo dhaweeyay,oo uu idinku soo celiyay wadankiina oo aad dhisateen, idinkuna arsaaqay wadanka dhexdiisii
ardaydiinii wax idiin baratay, Ubixiina idiin kacay, waddankiina hor mar gaadhay, walaalayaal Ilaahaasi miyaanu mudan inaan mahadino goor iyo ayaan habeen
iyo maalin, oo aan shareecadiisa wacan u hoggaansanno.
Waxaana xasuusin mudan inaanan idiinku soo bandhigaynin ( Dagaalkan Badar) sida ay dadka siiradu u soo bandhigaan,waayo kutubta siiradu way fara badan
tahay wixii dheeraad ah waxaad ka heli kartaan kutubtaas siirada ah, waxaanse awooda saaraynaa darsiga iyo fahanka wacan ee ay tahay inaan ka qaadano laga yaabaa inuu Ilaahay inagu anfaco. Waxaad kaloo ogaataan in Suuratul Anfaal ay si buuxda uga sheekaynayso Dagaalka Badar ee isku day inaad intii awoodaadu gaadhsiisan tahay aad ka barato oo aad ka fahanto Suuratul Anfaal. Ummadda waxaa dawakhiyay dabaaldegyo aan macno iyo mug ay ku fadhiyaa
aanu jirin, maalinta kaneecada, , maalinta dhirta, , maalinta haweenka, maalinta………… iyo maalmo aan la garanayn waxa loo samaynayo, walaalayaal aan
barano maalmaha waawayn ee uu Islaamkeenu soo maray Maalinta Badar, Uxud, Axsaab, Qaadisiya, Yarmuuk, iyo maalmahaas ay sameeyeen geesiyaasha islaamku taariikh lama ilaawaan ah.((Xusuusta Nimcada Eebe waxaad u dhawdihiin inaad liibaantaane)) (Al-Acraaf: 69)
SABABTA
Waxa uu Nebigu(nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee) ku nadray in la soo qabto oo jidgooyo lagu sameeyo geedi uu abaanduule ka ahaa Abuu
Sufyaan, geedigaasi markuu maqlay inuu Rasuulku ku soo wajahanyahay ayuu dirsaday qaylo dhaan oo uu gaadhsiiyo Maka oo dhan, markaasay isa soo
urursadeen iyadoo aanu qofna ka hadhin, oo ay soo urursadeen dhamaan qabiilooyinki carabta. Nebiguna (nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee) markuu maqlay inay isa soo bahaysteen waxa uu la tashaday asxaabtiisii, isagoo u jeeda reer Ansaar inay u jawaabaan oo uu ogaado inay iyaguna raali ka yihiin, waayo horray ballan u la galeen ballantaasi oo ahayd inay la qaybsanayaan wixii dhib iyo dheef ahba oo ay garab istaagayaan gar gaar iyo gaashaanna u noqonayaan, hoo iyo hiilna ay la agtaagan yihiin, markuu go,aansaday inuu ka baxo madiina ayuu doonay inuu ogaado waxay haystaan-wuxuu ahaa Nebiguna kii sii ogaan jiray waxa uu haysto si uu ugu xisaabtamo- ayaa waxaa hadlay Muhaajiriintii, si fiican bayna u hadleen, mar labaad buu hadana la tashaday si fiican bay u hadleen mar saddexaad buu hadana la tashaday si fiican bay u hadleen, markaasay Ansaartii fahamtay inu Nebigu (nabadgalyoiyo naxariisi korkiisa ha ahaatee) u jeedo iyaga, waxaa istaagay Sacad Bin Mucaad-saxaabigii carshu Raxmaanku u gariiray geeridiisii awgeed- markaasuu yidhi Rasuulkii Ilaahayoow Rasuulkii Ilaahayoow waxaad u jeedaa (Ansaar), markaas ayuu Rasuulku (SCW) yidhi “haa”. Sacad ayaa yidhi “waan ku rumaynay oo waannu ka markhaati kacnay in uu xaq yahay waxa aad la timid, waxa aan ku siinnay ballantayadii oo ah in aan ku maqalno oo aan ku adeecno. Ku soco Rasuulkii Ilaahayoow waxaad doontid, Ilaaha xaq kugu soo saaray baan ku dhaartaye haddii aad badda nala tagto oo aad dhexgashid waan kula dhex galaynaa, nin annaga naga mid ahina kaa dib dhici maayo, mana kahanayo in aad nala kulansiisid cadowgayaga berri, waanan ku samraynaa dagaalka, waanan ka run sheegaynaa la kulanka, waxaana la arkaa in Ilaahay uu naga kaa tusiyo wax ay ishaadu ku qabowsato ee ku soco barakadaIlaahay)) Rasuulku (SCW) wuu ku farxay arrintaa waana sifooyinka uu leeyahay hoggaamiyaha dhamayska tiran: waxa uu la tashadaa dadkiisa intaanu go, aan qaadin,waxaanu yidhi: (( ku socda barakada Ilaahay waxa uu ii ballan qaaday laba arrimood midkood( safarka ama dagaalka) Ilaahay isagoo Quraanku inoogu iftiiminaya dhacdada ayaa wuxuu yidhi (( Xasuuso Markuu idiin Yaboohay Eebe labadii kooxood midkood(colkii iyo safarkii) idiin sugnaatay, idinkoo jecel in midda Tabarta yar idiin ahaato, Eebana wuxuu dooni inuu xaqa ku sugo kalimadiisa, gooyana cidhibta gaalada)) (Suuratu Al-Anfaal:7)
Rasuulku(SCW) intaanu tegin waxa uu diray Sirdoonkiisii waxaanay ahaayeen laba saxaabi, waxaana la isku khilaafaa tirada guud ama wadarta u raacday
Rasuulka(SCW) badar, Imaamul Bukhaari wuxuu ku sheegaa (( saddex boqol iyo dhawr iyo toban)), halka uu Imaamu muslimna sheegayo inay ahaayeen ((
saddex boqol iyo sagaaliyo toban)) waxaana weheliyay 70 rati ah iyagoon ogayn awooda iyo itaalka Quraysheed. Sirdoonkaasi waxay u soo ogaadeen inay u
dhexeeyaan 900 ilaa 1000 qof oo ay la socdaanna madaxdii quraysheed, inkastuu Abaa Sufyaan uu kula taliyay inay makka ku noqdaan maadaama uu
safarkii soo badbaadiyay, hadana horaa loo yidhi “ninkii baxaya buuraha jinkaa loo bidhbidhiyaaye” Abuu Jahal baa diiday oo yidhi: “ Ilaahay baan ku dhaartee
inaanan noqonayn ilaa aan Beder saddex cisho soo joogno oo aan xoolo ku qalano, oo aan khamri ku cabno, )) Ilaahayna isagoo tilmaamaya kibirka iyo
isqaadqaadkooda, ugana digaya muuminiita inay sidaa sameeyaan ayuu yidhi (( Hana ka mid noqonina kuwii ka baxay Guryahooda Kibir iyo istuska dadka dartiis
kana celinaya (Dadka) jidka Eebe, Eebana waa koobay waxay camal fali)) (Alanfaal:47))
Rasuulka(SCW) iyo Ciidankii Muslimiintu way soo dhaqaaqeen markaasay dageen meel ku dhaw ceelka, markaasuu Xabaab Ibn Mundir yidhi: Rasuulkii Ilaahayoow meeshani(goobtani) ma meel Ilaahay ku dejiyay baa oo aan hore iyo dib looga dhaqaaqayn, mise waa ra.yi iyo xeelad dagaal markaasu
Nebigu(nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee) yidhi mayee waa ra,yi iyo xeelad dagaal, Xabaab markaa u tilmaamay meesha inay ka guuraan oo ay
tagaan ceelasha ugu dambeeya ee dhinacooda (gaalada)xiga , ceelasha kalena la xabaalo, darna ay ka dhistaan oo ay ka buuxsadaan biyo. Si marka la dagaalamayo biyaha ay u cabbaan, gaaladuna oon iyo harraad ugu go,do. Nebiguna(NNKH) wuu qaatay ra’yigii xabaab. Intaa kadib waxaa isna ra’yi soo jeediyay Sacad Binu Mucaad ra’yigaasi oo sheegaya in Nebiga(NNKH) loo dhiso waab iyaguna ay gaalada la kulmaan si uu ugu noqon karo dadkii hadhay(muslimiinta) isagoo bad qaba oo ay waayin hoggaamiyahooda ku hagaya hanuunka iyo dariiqa toosan, Nebiguna(NNKH) wuu ka aqbalay, isagoo Asxaabtiisa dhiiri galinaya oo dejinaya waxaanu ku laahaa (( Ilaaha ay gacantiisa ku jirto naftaydu ayaan ku dhaartaye ninna manta ma dagaalamo, oo lama dilo isagoo samraya rajaynaya Ilaahay, oo ka hortagaya(dagaalamaya) oon dib dhacay ilaa iyo Ilaahay jannada ayuu galinayaa)) ilaa uu sii sheegay oo uu tilmaamay meeshii lagu dili lahaa Mushrikiintii waawaynaa: halkani hebel baa lagu dili doonaa, halkaasina hebel baa lagu dili doonaa. Rasuulku (SCW) wuxuu bilaabay inuu ducaysto oo uu Ilaahay waydiisto guushiisa iyo gargaarkiisa waxaanu yidhi:  ((Ilaahayoow waa tan Quraysh oo kibirkeedii iyo santaageedii la soo qaabishay la dagaalanka Rasuulkaaga iyo beenintiisa, Ilaahayoow halaag)) dabadeedna ducadii buu dheereeyay isagoo Ilaahay dhulka isku dhigaya ilaa uu sidii uu gacmaha u fidinayay uu go,iisii ka dhacay oo uu saaxiibkii Abuu bakar ku yidhi: Rasuulkii Ilaahayoow waa lagaa aqbalaye bushaarayso, dagaalkii baana la galay Ilaahayna nasrigiisii wuu u soo dejiyay Malaa, iigna wuu ugu gargaaray oo way dagaalameen, Ilaa ay Dileen 70 (todobaatan) ruux oo ay ku jiraan madaxdii Quraysheed, 70 (todobaatan) kalana way qafaasheen, Muslimiinta waxaa ka shahiiday 14, waxaana la wadhay maydkii madaxda gaalada beder dhexdeeda, markaasu Rasuulku(SCW) soo dul istaagay isagoo ugu yeedhaya magacaantoodii iyo magacaantii aabayaashood oo ku leh ma idin farxad galinaysaa inaad adeecdaan Ilaahay iyo Rasuulkiisu? Anagu waan ka helnay Ilaahay wixii uu noogu yaboohay(ballanqaaday) ee idinku maad ka hesheen? Markaasu Cumar yidhi: Rasuulkii Ilaahayoow maxaad kala hadlaysaa jidh aan ruux lahayn? Markaasu Rasuulku(SCW) yidhi: Ilaaha naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye ugama maqal nugulidin waxaan leeyahay(ku hadlayo). Intaa kadib Rasuulku (SCW) wuxuu la tashaday saxaabadiisa wixii uu ka yeelilahaa Dadka la soo qafaashay,iyo Qaniimadaba, Labadiisii wasiir (Abii Bakar Sidiiq iyo Cumar Binu Khadaab) ayaa laba talo soo jeediyay, Abii bakar wuxuu soo jeediyay in la sii daayo, Cumarna In la laayo, Maadaamaa uu Nebigu
(NNKH) ahaa mid naxariis badan, wuxuu raacay Abii bakar, ILaahayna waxa uu soo dejiyay Aayado uu ku taageerayo Rayiga Cumar kuna canaananayo,
Rasuulkiisa(SCW) waxaanu yidhi:((Kuma habboona Nebi inay u ahaato kuwo la qafaashay intuu kaga jilciyo dhulka dhexdiisa (Gaalada) waxaad doonaysaan Muuqa Adduunyada Eebana wuxuu dooni Aakhiro Eebana waa adkaade falsan “Hadduusan jirin Kitaab Eebe oo horreeyay waxaan idin taaban lahaa waxaad qaadateen darted Cadaab wayn” Ee cuna waxaad Qaniimaysataan oo xalaal fiicana kana dhawrsada Eebe Ilayn Ilaahay waa dhaafe Naxariistee)) (An-faal:67-69) Duulaanka Beder wuxuu koobsaday darsiyo iyo khibrado fara badan iyo waliba mucjisooyin la xidhiidha sida uu Ilaahay ugu gargaaray mujaahidiintiisa malaa,iig ka dib markay la yimaadeen iimaan iyo ikhlaas. Waxaanan tilmaami doonaa duruusta laga faa,idayo si aynu waayaheena aan noolnahay aan ula nimaadno, oo aan cadawgeena uga badino, iskana caabi karno.
Ta Koowaad: Guushu waxay ka timaadaa ILaahay
Marka la isku eego tirada muslimiinta iyo gaaladu waxay noqonaysaa kaaf iyo kala dheeri, sidaasaanay ahayd waligeedba, laakiin awooda maaha ciidan badni
iyo cudud balse waa iimaan iyo adkaysi, samir iyo rajo, Ilaahayna waxa uu yidhi: ((Uma yeelin Eebe(Arrintaas waa Dagaalkii Bedere) bishaaradiinna mooyee iyo inay ku xasisho Quluubtiinu isaga, Gargaar aan Eebe agtiisa ahayna Ma jiro ee ah Adkaade Falsan)) (Al-Cimraan:126) waxa kaloo yidhi: ((Wuxuu Eebe u yeelay bushaaro iyo inuu xasilo Qalbigiinu, Gargaarkuna waxaan Eebe agtiisa ahayn ma aha, Eebana waa Adkaade Falsan)) (An-faal: 10)
Ta Labaad: Jacaylka iyo Nacaybku Iimaanka Qofkay Turjumaan
Waxaad ogaan in qofku Ilaahay dartii wax u jeclaada, dartii wax u Necbaado, maahase in manfacad iyo hami gaaban la isku jeclaado, haday noqoto qabiil,
xigto iyo xoolaba waayo markay dhamaadaan manfacadaa iyo hamigaa gaabani labadii qof way coloobayaan, “Labadii xaq daro ku heshiisaana xaqay ku colloobaan” Arrintaas Jacaylka iyo Nacaybka ILaahay dartii loo samaynayaa waxay inooga soo dhex baxday dagaalkii Beder waxaanay noqtay mid kala
saarta xaqa iyo baadilka, Saxaabaduna ay u fuliyeen si la taaban karo Waxa uu ahaa Abaa Xudayfa Ibn Cutba Ibn Rabiicah kii ka soo jeeda(la jira) safka muslimiinta, halka uu Aabihii Cutba , walaalkii Waliid iyo Adeerkii Shaybah
ay ka soo jeedeen safka gaalada, iyadoo dhamaantoodba lagu dilay isku soo bixii u horreeyay
· Abii Bakar Siddiiq waxa uu ahaa safka muslimiinta halka Inankiisii Cabdiraxmaan uu ka soo jeeday safka Mushrikiinta
· Abaa Cubaydah Caamir Ibn Jarraax waxa uu ahaa safka Muuminiinta halka uu aabihiina ka ahaa safka Mushrikiinta, ilaa uu gacantiisa ku dilay
· Muscab Bin Cumayr waxa uu siday Calanka muslimiinta, walaalkii Abuu Cusayr Ibn Cumayrna waxa uu ahaa safka mushrikiinta, ka dibna waxaa soo qafaashay
mid ka mid ah Ansaarta, Muscab baa arkay oo ku yidhi Ansaarigii ((ku adkee xadhigaaga wuxuu leeyahay hooyo maalqabeen ahe)) Markaasuu Abuu Cusayr yidhi: walaal ma sidaan igula dardaarmaysaa? Muscab wuxuu ku yidhi: Isagaa (Ansaarigu) walaalkay ah. Afkuun ka muu odhan laakiinse wuu ka dhabeeyay ,
maxaana ka wanaagsan walaaltinimada Islaamka marka macnaheeda saxda ah la mariyo
· Waxa uu ahaa Shicaarka(Halhaysta) muslimiintu maalintii Beder(Ilaahay baa Kali ah) taasoo macnaheedu ahaa in loo dagaalamayo sidii kor loogu qaadi
lahaa Caqiidada islaamka ee ka turjumaysa in Ilaahay kaligii la isku dhiibo, Qabiilnimo, casabiyad, xiqdi iyo nacayb la isku qabana looma dagaalamayn,mana habboona in loo dagaalamo, balse waa in Ilaahay dartii loo dagaalamo Ilaahay isagoo dadkaa iyo intii la mid ah ee raacda dariiqooga ammaanaya siiyayna Billad sharaf ta ugu mudan waana Raali ahaanshihiisa ayuu soo dejiyay aayad uu xafidsanyahay keena inoogu yari, waana aayada u danbaysa Suuratul
Mujaadalah ((Ma Helaysid dad Ilaahay Rumeeyay iyo maalintii Danbaysay(Aakhiro) oo hadana Jecel ruux Ilaahay iyo Rasuulkiisa khilaafaya, haba ahaadeen Aabayaashood, Carruurtooda, Walaalahood, ama Qaraabadoodaba, kuwaas (aan jeclaanin) waa kuwo qalbigooda Iimaanka lagu dhigay, Eebana ku xoojiyay gargaarkiisa, wuxuuna gelin Jannooyin Wabiyaal dhex socdaan ay ku waari, kuwaas Ilaahay baa ka raalli noqday, iyaguna way ka raalli noqdeen waana xisbiga Ilaahay: Xisbiga Ilaahayna waa kuwa Liibaanay))( Al-Mujaadalah:22)
Ta saddexaad: Dedaalka la imo Ilaahayna Talo saaro
Iimaanka dhamayska tirani waa inaad dedaashaa oo aad la timaadaa hawsha adoo Ilaahay yaqiinsan waana talo saarashada saxda ah, Ilaahayna wuu ina
amrayaa arrintaa ((Ugu darbada (Diyaarsada) waxaad kartaan oo xooga, iyo Darbidda Fardaha inaad ku cabsi galisaan colka Eebe iyo colkiina(Gaalada)
iyo kuwa kale oo ka soo hadhay(Munaafiqiinta) ma ogidin Eebaase og, waxaad ku bixisaan jidka Eebe waa laydin oofin(Dhammayn) idinkoon laydin dulminayn)) (Al-Anfaal:60) Nebiguna(NNKH) wuu diyaarsaday isagoo saxaabadiisa Baray Iimaanka iyo adkaysiga, la tashaday, ducaystay, hawlihiisiina
isku duba riday.
Ta afaraad: Ku dedaalida Daacada iyo In Ducada Ikhlaas laga dhigo
Nebigu(NNKH) waxa uu ahaa kii Ducada ku celceliya sidaan hore u soo sheegnay, ee lahaa ((Ilaahayoow hadaad hoojiso kooxdan (muslimiinta) dhulka dib danbe laguugu caabudi mayo)) Ducaduna meel walba way soo galaysaa: hadii aad imtixaan galayso, shaqo aad raadinayso, dhibaato ku soo wajahdo, ducayso oo Ilaahay isku dhuldhig iskana oohi, Ilaahayna isagoo tilmaamaya in ducada iyo Xuska Ilaahay yahay awooda kaliya ee wax adkaysa ayuu yidhi:
(( Kuwa xaqa rumeeyoow haddaad la kulantaan koox (cadaw) ahsugnaada Xusana Eebe wax badan inaad liibaantaan))(Al-Anfaal:45)
Ta shanaad: Wadatashiga Madaxda iyo Mijahaba(hoggaamiyahaiyo bulshada)
Intaan dagaalka la galin wuxuu Nebigu(NNKH) la tashaday Saxaabada (Ansaar iyo Muhaajiriinba) waxaanu ahaa kii had iyo goor la tashada saxaabadiisa
markastoo duulaan la qaadayo waayo Ilaahay baa amray ((Kala tasho arrimaha)) (Al-Cimraan:159) waxa kaloo uu aqbalay rayigii Xabaab Ibn Mundir markii uu ku yidhi Rasuulkii Ilaahayoow inaga kaxee meeshani maaha meel dagaale. Sidoo kale Sacad Binu Mucaad markii uu yidhi aan kuu dhisno cariish.
Hoggaamiyuhuna waa inuu ogaada in ciidankiisu raali ka yahay waxa uu doonayo inuu sameeyo, markaasuu dagaal gali karaa, taariikhdase ma soo marin
hoggaamiye ka naxariis badan Nebi Muxamed (nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee)
Ta lixaad: In la soo indho indheeyo Cadawga
Cadawgaaga waa inaad soo indho-indhaysaa oo aad ka warhaysaa siina odorisi kartaa taagtisa iyo tamartiisa, Nebiga(NNKH) iyo saaxiibkii Abii bakar(RC) way
soo indha-indheeyeen waxayna la kulmeen oday markaasay waydiiyeen Ciidanka Muxamed iyo ciidanka Quraysh iyagoo iskaga dhigaya dad kale, markaasuu odaygii uga warramay, markuu warkiisii dhameeyayna wuxuu waydiiyay idinku yaad ahaydeen? Waxayna ugu jawaabeen waxaan ka nimid
biyo, sidoo kale wuxuu saddex ka mid ah hoggaamiyayaashii muhaajiriinta(Cali Binu Abii Daalib, Subayr Ibn Cawwaam, Sacad Binu Abii Waqaas) u diray inay
ceelka badar soo eegaan.arrintaasina waxay ku tusaysaa in marka aad ogaatid cadawgaaga aad sii dejisan karto qorshahaad kaga hortagi lahayd, waana
hanuunkii Nebiga(NNKH)
Ta todobaad: Muuminka Dhabta ahi wuxuu ku xidhanyahay Awooda Samada
Macanaheedu waxa weeyi waxa uu Rajaynayaa gargaarka Ilaahay, isagoo awoodiisa iyo kartidiisaba kaga hortaga cadawga, waayo wuxuu dareensanyahay
in goobta aanu kaligii ahayn balse Ilaahay la jiro, dagaalkaa badarna waxaad arki Koox yar oo Ilaahay aamintay inay ka adkaatay koox tiro iyo taagba badan oo
xadgudubtay, sababtuna tahay in Ilaahay u sakhiray ciidanka dhulka iyo samadaba waxaana kamid ahaa
· Malaa’iig: Ilaahay baa gargaar ahaan ugu soo diraymalaa’iig iyadoo laga aqbalayo ducadii Rasuulka(SCW) ((Xusuusta Markaad ka gargaar dalbateen
Eebe oo uu idinka ajiibay waxaan idinku xoojin Kun malaa’iigta ka mid ah oo is raacraacsan)) (Al-Anfaal:9)
· Hurdo iyo Roob: intaan dagaalka la galin muslimiintu waxay dareemayeen daal iyo cabsi, waxay u yar baahnaayeen nasasho yar si ay firfircooni u gasho,
Ilaahay baase ogaa Qalbiyadooda markaasu ku soo dejiyay hurdo iyo roob ((Xusuusta markuu idinku daboolay Hurdo aaminnimo darted idinkaga soo
dejiyayna samada biyo si uu idiinku daahiriyo, idinkaga tegsiiyana waswaaska shaydaanka iyo inuu ku adkeeyo Quluubtiina kuna sugo
gomadihiina))(Al-anfaal:11). Imaamu Ma’wardi baa yidhi hurdadaa habeenkaa lagu soo dejiaya laba wejiba way ahayd waa mide inuu sii raaxaysiiyo Ilaahay
muslimiinta intaanay dagaalka galin berito, ta labaadna waa inuu ka suuliyo cabsida kaga jirtay qalbigooda
· Hubka Cabsida: hubka ugu xuni waa cabsi waanu ka daranyahay hubabka kale ee lagu dagaalamo hubkanna cid samaysan kartaa majirto cid uu Ilaahay u
sameeyo mooyaane, waayo cabsidu waxay ka timaadaa qalbiga, qalbigana Ilaahay baa maamulo oo u haya argagaxiisa, cabsidiisa iyo baqihiisaba, bal u
fiirso aayadan uu ka hadlayo Ilaaha Qalbiyada maamula ((Xasuuso markuu u waxyoon Eebahaa Malaa’iigta anaa idinla jira ee suga kuwa xaqa rumeeyay
(xoojiya) waxaan ku tuuri quluubta kuwa gaaloobay argagax ee ka garaaca luqunta korkeeda kana garaaca xubnaha faraha))(Al-anfaal: 12)
Cabsidu waa hub laaya mushrikiinta intaan dagaalkaba la galin Ilaahayna aayado badan buu ku sheegay waxaana kamid ah (( Waxaan ku tuuraynaa Quluubta kuwa gaaloobay argagax la wadaajintooda(ku lamaanaynta) Eebe waxaan loo soo dejin xujo darted)) (Al-Cimraan:151)
Yahuudna isagoo ka hadlaya waxa uu yidhi: ((Qalbigoodana wuxuu ku tuuray cabsi guryahoodana waxay ku kharribeen(baabiiyeen) gacmahooda iyo
gacmaha kuwa rumeeyay, ee dadka caqliga leh ha waano qaato))(Al-xashr:2) Duulaankii Axsaabna wuxuu yidhi: ((Wuxuu ku tuuray Qalbiyadooda argagax,
koox ka mid ah waad dilaysaan, kooxna waad qafaalanaysaan)) (Al-Axzaab:26)
Ta siddeedaad: Islaamku wuxuu tixgaliyaa cilmiga
Waxaa la amray dadkii la soo qabtay inay lacag isku furtaan cidaan karaynin ee taqaana qoraalka ama akhrintuna inay barto dadka muslimiinta ah iyadoo uu
midkiiba ku soo hagaagayo 10 qof, dadkii wax ka bartay waxaa ka mid ahaa Saxaabiga wayn ee Sayid Binu Thaabit , habkaa la sameeyayna(in intii qorida iyo
akhrinta taqaanaa ay barto dadka muslimiinta ah) cidna hore u may samaynin,
waxaana halkaa kaaga caddaanaya sida uu islaamku kor ugu qaadayo aqoonta
iyo cilmiga ((Ma siman yihiin kuwa wax yaqaana iyo kuwaan wax aqoonin)) (Az-zumur:9) waxa kaluu Yidhi Ilaahay ((Ilaahay wuxuu ku koryeelaa kuwa xaqa rumeeyay iyo kuwa cilmiga lehba darajooyin)) (Al-Mujaadilah:11) waxay ina tusaysaa sida uu islaamku u eegay cilmiga iyadoo qaniimo la doonayo, cilmigoo la hormariyaana inaguma cusba waayo Suuraddii ugu horraysay ee Quraanka ugu soo hordegtaa waxay ahayd Akhri.
Ta sagaalaad: Cidii islaamka la dagaalantaa Ilaahay buu la dagaalamayaa
Qofkasta ama koox kasta oo isku dayda inay islaamka baabiiso waxay la colaytameen Ilaahay, cidii Ilaahay la colaytantaana iyadaa caajisi oo baabi,I si
kastooy awood iyo itaal, tamar iyo tayo u haysataba. (( Waxay doonayaan(gaaladu) inay Nuurka(Xaqa) Eebe ku bakhtiiyaan
afkooda, Eebana waa taam yeeli(dhamaystiri) Nuurkiisa haba naceen gaaladuye)) (As-saff:8)
Ta tobnaad: in laga raali noqdo Qadarka iyo go, aanka Ilaahay
Wuxuu yidhi Ilaahay ((Wixii dhib ah oo dhulka ka dhaca ama naftiina ku dhaca wuxuu ku sugnaaday Kitaab Abuuriddiisa ka hor, Arrintaasina waa u fududahay
Ilaahay)) (Al-xadiid: 22) muslimiintu waxay doonayeen inay soo qabtaan oo ay haleelaan geediga, Ilaahayna wuxuu doonayay in la is haleelo waxaanu yidhi Ilaahay xumaan ka dheere ((Xasuusta markaad ahaydeen dhinicii u dhawaa (Badar) Gaaladuna ahayd dhinicii ka fogaa(Badar) safarkiina idinka hooseeyay hadaad ballami lahaydeen waad isku khilaafi lahaydeen ballanka, Eebase falay inuu xukumo Amar uu fali, in ciddii Halaagsami si cad u halaagsanto, cidii Noolaanina si cad u noolaato Eabana waa maqle og)) (Al-Anfaal:42) Muslimiintiina way ku raali noqdeen qadarkii Ilaahay.
Ta kow iyo tobnaad: U tartamida Jannada
Waxaa qorya tuurtay Sacad Binu Khaythama iyo aabihii, markaasuu helay Sacad, aabihii baa ku yidhi: Aabo ii dayso, Sacad baa yidhi: Aabo haddayna
janno ahayn waan kuu daysan lahaa, dagaalkii beder baana lagu dilay Sacad, halka Aabihiina lagu dilay dagaalkii Uxud, labadooduba shahiidnimay ku
dhinteen. Waxaan ka faa,iidaysanaynaa sida loogu tartamayo jannada ((U tartama denbi dhaafka Eebe iyo janno ballaadhkeedu yahay balladhka Samada iyo Dhulka oo kale, loona darbay kuwa rumeeyay Eebe iyo Rasuulkiisa , arrintaasina waa samafal Eebana wuxu siin Ruuxuu doono, Eebana fadligiisu waa waynyahay)) (Al-Xadiid:21))
Ta laba iyo tobnaad: Khilaafka in loo celiyo Ilaahay iyo Rasuulkiisa ((Waxay ku warsan dadku (Xukunka) qaniimada, waxaad ku tidhaahdaa
qaniimada waxaa iska leh Ilaahay iyo Rasuulka ee ka dhawrsada Ilaahay wanaajiyana xaalka dhexdiina ah Ilaahayna addeeca iyo Rasuulkiisa
haddaad kuwo rumeeyay tihiin)) (Al-Anfaal: 1) Carrab iyo labadiisa daan baa iskugu dhaw oo way isqaniinaan, khilaaf wuu iman, laakiinse dhibtu waxay tahay in khilaafkaa xal loo waayo, imisaynu aragnaa khilaafyo soo noqnoqonayaa oo loo tag laayahay, hadaba si uu khilaafku u soo afjarmo waxaa habboon in Ilaahay iyo Rasuulkiisa (SCW) loo celiyo, ama Kitaabka iyo Sunnaha, taas macnaheedu waxa weeyi Culimada Aqoonta u leh kitaabka ee ku dhaqanta iimaan iyo daacadna lagu hubo in loo celiyo  ((Haddaad ku doodaan(isku qabsataan) arrin u celiya Ilaahay iyo Rasuulkiisa, haddaad tihiin kuwo rumeeyay Ilaahay iyo maalinta aakhiro, sidaasaana khayr roon oo wanaag badan xagga abaalmarinta)) (An- Nisaa:59)
((Waydiiya kuwa cilmiga leh haddaydaan wax ogayn)) (Al-Anbiyaa:7) Imam Axmed wuxuu ka soo weriyay Abii Umaamal Baahili inuu yidhi: waxaan
weydiin Cubaada Ibn Saamit Anfaalka(Qaniimada) markaasuu yidhi: waxau ku soo degtay kooxo naga mid ah maalintii badar markaanu isku khilaafnay
Qaniimada, ee aan isku qabsanay markaasuu Ilaahay ka siibay gacmahayagii oo uu u wareejiyay Rasuulkiiisa(SCW) markaasuu si isku mid ah noogu qaybiyay.
Ta saddex iyo tobnaad: Darajada sare ee Reer badar Leeyihiin
Ilaahay waxa uu siiyay darajo iyo fadli dheeraad ah dadkii badar dagaalamay, waxaan inooga markhaatiya dhacdadii aan ku soo aragnay Furashada maka ee
Xaadib ibnu Abii baltaca waa kii Nebigu ku yidhi cumar –markuu damcay in la dilo- (( Cumaroow waa reer badar, maxaase ku ogaysiiyay inuu Ilaahay ku yidhi
reer badar waan idiin danbi dhaafee waxaad doontaan sameeya.)) Imaamu bukhaarina waxa uu ka soo werinayaa Rufaaca Bin Raafic Al-zurqi
isagoo isna ka soo werinaya aabihii oo reer badri ahaa inuu yidhi: Jibriil baa u yimid Nebiga((nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee) markaasuu ku yidhi:
maxaad ku tirisaan reer badar(dadkii badar ka dagaalamay) wuxuu yidhi: Muslimiinta kuwa ugu fadli badan ama kalmad la mid ah, markaasuu yidhi:
anaguna(Malaa’iigta) sidoo kale cidii xaadirtay badar)) (Bukhaar: 3992)
Ta afar iyo tobnaad: shaydaanku wuu hoojiyaa cidii raacda
Qofka muslimka ahi waa inuu ogaadaa in cadawga kaliya ee uu leeyahay, tahayna inuu ka foojignaadaa uu yahay shaydaan, Ilaahayna waxa uu yidhi:
((Waa sida shaydaanka, oo dadka ku yidhaah gaalow, markay gaaloobaana ku yidhaah bari baan kaa ahay(waxba iskuma keen jiraan) oo sheegta inuu Ilaahay
ka yaabi)) (Al-xashr:16)
Ilaahay naxariistiisa isagoo inooga sheegay waxa uu ku odhan doono dadka markuu lug-gooyo, maalinta aakhiro waxa uu yidhi: ((Wuxuuna yidhaahdaa
shaydaanku marka amarka la xukumo, Eebe wuxuu idiin yaboohay yabooh xaq ah anna waan idiin yaboohay waanan idinku beeniyay wax xujo ahna idinkumaan
lahayn oon ahayn inaan idiin yeedhay ood I maqasheen ee hay dagaalina ee dagaala naftiina, aniguna idiinma gargaari karo, idinkuna iima gargaari kartaan
anigu waan diiday waxaad ila wadaajiseen hore, daalimiintuna waxay mudan cadaab daran)) (Ibraahiim:22)
Qurayshtii reer maka ee uu Abii jahal hoggaaminayayna isagaa(shaydaan) jarka ka tuuray oo iskaga soo dhigay nin markaasuu ku yidhi manta cidina iskama kiin
cabin karto waanan idin la jiraa, laakiinse markay arrintii kululaatay ee la is arkay ayuu baxsaday oo uu yidhi waar bari baan idinka ahay, Ilaaahay baa isagoo
sifayna yidhi: (( Markuu u qurxiyay shaydaanku camalkoodii kuna yidhi wax idinka adkaan oo dad ahi ma jiro manta, anna kaalmeeye ayaan idiin ahay, markay is arkeen labadii kooxoodna wuxuu u gurtay cidhibtiisa(wuu baxsaday) wuxuuna yidhi anigu bari baa idinka ahay waxaan arkaa waxaydaan arkayn, waxaanan ka
cabsan Eebe, Ilaahayna waa ciqaabe daran)) (Al-Anfaal:48) wuxuu arkay malaa’iigtii oo soo degaysa markaasuu cagaha wax ka dayay.
Ta Shan iyo tobnaad: Sharafta sare ee ku dhex lahaa Nebigu (NNKH) saxaabada
Saxaabaduu waxay ahaayeen kuwii jecel Hoggaamiyahooda, jacayl xad- dhaaf ah, waana jacaylka la inooga baahanyahay, Abii sufyaan baa sifeeyay oo yidhi:
Waligay maan arag qof u jecel sida ay saxaabadu u jecelyihiin Nebiga (NNKH) maxayna u jeclaanayn sow kamuu saarin mugidigii jaahiliga, oo muu hagayn noloshooda, waxa uu u ahaa walaal wanaagsan, Aabo naxariis badan, hogaamiya hawraar wacan, geesi aan gaban, dhakhtar dabiibaya qalbiyada
qufulan. Waa kii sacad Binu Mucaad u dhisay Cariishka, waxaana ka faa, iidaynaa inaan ixtiraamno dadka daacadda ah, aqoonyahaynka, caalimka ah ee
bulshadeena ku dhex jira. Ilaahayoow nagu arsaaq Jacaylka Nebigaaga (nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee)
Sidaasaanu Ilaahay ugu hiiliyay askartiisa, waanan xusaynaa, xiskeena iyo xasuusteenan way ku xardhanaanaysaa dhacdadaasi qiimaha wayn ku leh
agteena, Ilaahayna ha dhigo dhalinyaradeena, Dumarkeena, Odayaasheena,Madaxdeena iyo Masuuliyiinteenaba kuwii ka sahay qaata sooyaalkii suubanaa ee Rasuulka(SCW) iyo saxaabadiisa iyo intii ku raacday wanaaga.
((Dhab ahaan baan ugu hormarinay yaboohayagii(ballan qaadkayagii) addoomahayagii aan soo dirnay(Rasuuladdii) In iyaguun loo gargaari Iyo
inay Junuudayadu(Xaqa raacay) ay adkaan(guulaysan))) (As-saafaat:171-
173)
TIXRAAC
1. Siirada Nebiga baadhitaanka dhacdooyinkeeda Cali Mohamed
Sullaabi
2. Duruusta iyo Cibrada ku sugana Siirada Nebiga Mustafe Subaaci