Sheekh: Aqoonyahan Maxamed Haybe Oo xogwaran ka Bixiyay xadhig lagula Kacay, Qaabkii sii dayntiisa iyo halka Uu marayo Qabanqaabada Shirweyne ka dhici doona Dubur.

Sheekh-(Berberanews)- Aqoonyahan Maxamed Haybe Nuux oo ka mida aqoonyahanka Gobolka Saaxil oo 12/08/2011 xilli saq dhexe ah ciidanka Boolisku ku xidheen degmada Sheekh, una soo dhaadhiciyeen magaalada Berbera oo uu ku xidhnaa laba habeen, ayaa markii u horraysay faahfaahin ka buuxda ka bixiyay qaabkii loo qabtay, sifihii loo maray sii dayntiisa iyo halka uu marayo qabanqaabada shirweyne beesha Gobolka Saaxil iclaamisay inuu ku qabsoomi doono Deegaanka Dubur oo ka tirsan Sheekh.

Aqoonyahan Maxamed Haybe oo manta Degmada Shiekh ugu  waramayey Degmada Sheekh weriyaha Shebekada Berberanews ee Gobolka Saaxil Khadar Jaamac Xaashi, ayaa ka waramay arrimo badan oo uu ka mid yahay xadhigiisa iyo waliba shirka dhawaan lagu qaban doono tuulada DUBUR Waxaanu ugu horayn faahfaahiya qaabkii loo maray xadhigiisa iyo cidii ka danbaysay “ Aniga sifo sharci daro ah ayaa laygu  xidhay aniga oon waxba gaysan, waxna dhimin  waxna dhicin waxna dillin waxna caayin waliba,ayaa sidii faqashtu habeenkii ula bixi jirtay dadka laysoo qafaalay saldhiga dhexe ee Berbera,markii aan taliyaha booliska ee Sheikh waydiiyay sababta lay xidhayna waxaa uu yidhi ‘anigu wax danbi ah oo aan kuu hayaa ma jirto,marar hore oo badan oo lay yidhi soo xidh waxaan ku hor joogay cidii lahayd soo xidh  dacwadii aan ku xidhi lahaa in badan ayaan arrintaa hor joogay hase yeeshee caawa waxaa laygu hanjabay in kursigayga layga qaadayo hadaan adiga ku soo xidhi waayana waxaa lay arkayaa nin ku difaacaya’  intaa markii aanu is waydaarsanay taliyaha ayaa Teleefon ku soo dhacay waxaana ka hadlayey Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamud Cali Saleebaan (Ramaax)waxaanu ku yidhi Taliyaha ninkii ma haysaa,isna waxa uu yidhi waa kan illa fadhiyaba waxuu ugu jawaabay iminka soo dhaadhici waanu I maqashiiyay codkiisii waxaanu iga codsaday Taliyahu oo uu igu yidhi waa taa lay hanjabay ee hay galaafan aniga,dadadeed sidaa ayaa laygu dhaadhiciyay intii aan xidhnaana wax aan ku xidhanayhay oo lay sheegay ma jirto,odayaashii ii yimi subaxnimadii sabtidii  ayaa u tagay Taliyaha Qaybta Berbera oo waydiiyay cida aan u xidhanahay waxaanu ugu jawaabay waxuu u xidhan yahay Badhasaabka.”
Maxamed Haybe waxa uu ka hadlay cidii ka qaybgashay sii dayntiisa, waxaannu yidhi, “Soo dayntaydana waxa ka qayb qaatay odayaasha iyo guddida qaban qaabada shirka Beesha waxaanan  warka ku hayaa in wasiirka Wasaarada Qorshaynta Mr Sacad X.Cali Shire uu la soo hadlay Ramaax kuna yidhi ninkaa sii daa isna uu ka dhaga adaygay markii danbana ay arrintu u gudubtay Madaxwayne ku xigenka isna uu yidhi shuruud la’aan ku sii daa,hase yeeshee qaabka laygu sii daayey muu ahayn mid kiis aan leeyahay lay hor keenay ana aan ka jawaabay ama Maxkamad layga sii daayey.”
 
 
Waxaa kale oo uu Maxamed ka waramay arrimaha shirka waxaanu yidhi’’ insha Allah sida qorshuhu ahaa waxaa uu qabsoomi doonaa 10ka bisha shuwaal waxaana ka qayb gali doona 400 oo ergay oo isaga imin doona dibib iyo gudaba saami isku midana loo qaybsan doono shan cishana wuu socon doonaa insha alaah waxaanu ka dhici doonaa Dubur,waxaa loo shirayaana ma aha Dawlad ka soo horjeed Dawladuna waa dawladayadii Beeshuna waxay ka shiraysaa danahooda, dantoodu haday fiicnaatana danta Somaliland  oo dhan ayaa fiicnaatay sixun wax u sheegna sixir ka daran waxaan ku waaninayaa qolyahay fadhiisan la’a in ay dadkooda dhinac ka raacaan Sheekh Ibraahin Sh Yusufna Sh Madar waxa laga hayaa ‘cidna loo joojin maayo’ tana waa sidoo kale Insha Allah waxaan dadka reer Somaliland  Dawlad iyo Shiciba dibid iyo gudaba  meesha doonto ha jooganbee   ugu bushaaraynaynaa  in wax khayr lehi ka soo bixi doonaan oo inoo wada dan ah Shirka Magaciisana waxaa layidhaahdaa DAN IYO DUCO  cidii ka xumatay xadhigaygaa sharci darada ahaa ee laygula kacay waxaan leeyahay waad mahadsantihiin dadkana cadaalada ayaa deeqda Dawladana waxaan ku baraarujinayaa in ay cadaalada dhawrto,waxaanan leeyahay maanta dibada ayaan joogaa.”ayuu yidhi Aqoonyahan Maxamed Haybe.
 
Khadar jama xaashi
Berberanews
Shiekh/office