XAGLO LAABAN XOOLO KUMA YIMADAAN


                              ASALAAMU CALAYKUM WARAXMA TULAAHI TACALA WA BARAKATU
                                    Ramadaan kariim DHamaan umada Islaamka
Waxa aan aad iyo aad uu salaamayaa dhamaan shacabka rer Somaliland meel kasta oo ay jogaan waxa kale oo aan salaan  mug weyn u diraya quwada afaraad ee Somaliland oo ah saxaafada madaxa banaan

Bacda salaan  runti waxa aan qalinka uu qatay mawduuc ku saabsan qadiyada goni isutaga jamhuriyada Somaliland kaas oo ah mid ku yimi rabitan dad weyne kana dhashay dareenki shacabka Somaliland
 
Sida muuqata manta dalka wax  ka hano qaaday isbadallo dhan walba taabanay xaga horumarka dalkan curdinka ah ee aan taagero buuran ka helin aduunka intiisa kale waxa aad markiiba dareemaysa xawliga iyo xawaaraha uu ku socdo kaalintii dad weyna oo ah kaalin aad iyo aad uu baaxda weyn
Waxa aan la dafiri Karin in xukumadahii kala danbeeyay ee soo maray dalka  ay mid waliba dalka meel soo gaadh siisay  waxa aad dareeemaysa sadexdii xukumadood ee soo maray jamuhriyada marka laga reebo xukumada madxwayne cabdiraxman axmed cali (alle ha u naxariiste ) ay iyadu la kowsataya qalaan qal iyo jaahwareer siyaasadeed .
 
Xukumadii labaad ee dalka oo ah tii maxamed Ibrahim xaji egal (alle ha uu naxariiste) ay iyaduna door aad iyo aad aha ka qaadatay jiritanka jamhuriyada Somaliland taas oo  kala badh cimirigeedi ku qaadatay dajinta iyo xali uu helida joongoynta nabad ku dabalida qaranka Somaliland.
 
Xukuumadii sadexaad oo ah tii dahir riyaale kahin ay iyaduna awooda saartay amniga dalka xaqiiqatan hadaanu amni jiri lahayn horumar ma jireen nabadaana  kow ka ah horumrka dalka lkin xukumadii mudane dahir aanay wax badan ka tarin xaga dhaqalaha dalka iyo siyaasadiisa arimaha dibada waxa ay ku koobnayd oo kaliya siyaasada arimaha gudaha  waana ta soo dadajisay cimrigeedI
Xukumadan afaraad  oo ah tan mudane axmed maxamed maxamud (silaanyo) oo iyadu curdin ah noloshuna kow uu tahay ayaad mooda in sadexdii hore ay meel ka shabadahdo taas oo ah siyasada arimaha dibada ilaa iminka xukumadan hada jirta waxa la odhan kara waxa ay uu jan jeedha xaga horumarka dhaqalaah iyada oo uu hoos u soo dhacay heerkii aminga dalka oo halkiisi ka soo dhaqaaqay
Isku soo wada duubo waxa aynu nahay dal 20 sanno  aduunka godoon kaga jira waxa aynu nahay dal intaas oo sanno aan helin ixtiraam aynu ka helno aduunka intiisi kale waxa aynu nahay dal uu la dagay dhaqaale xumo iyo mamul leexsan waxa aynu nahay dal buuxiyay shuruudahii lagu xidhay hadana aan ila iminka hayn jawaab cad waxa aad arkaysa in aduunku indhaha inaga xidhay inaguna aynu yeelan waynay siyaasad cad oo ku wajahan arimaha dibada wasaarada arimaha dibada dalka ahayaan ila hada loo dajin siyaasad mutaxan oo la jaan qaada isbadalada ka dhacaya bariga Africa
 
Wasaarada arimha dibada iyo xukuumaduba  waxa ay ku guulaysn wayeen dal kaliya oo toos dhab uga tahay qadiyada Somaliland kaas oo ka caawiya baadi doonka ictiraaf raadinta albaab kastana la garaca waxa ay ku guulysan wayday in ay file ka Somaliland la hor geeyo urur goboleedka IGAD ,AU UN ARAB LEAG waxa ina qabanyasa maah maadii odhanaysay xaglo laban xoolo kuma yimadaan
Su’aasha meesha taal ayaa aha maxaa lala sugay maxaa ka si ah mise tolow kubadda ninka ciyaaraya iyo ka dawanaya  ayaan isku si wax u arkayn waxa aan ku soo gunaandayaa weedhayda afar qodob
 
1:- in dhamaan  shacabku  qayb  libaax  ka qataan badi doonka waxa inaga maqan
2:- in xukumadu iyo lamaha  ay qusayso ay la yimadaan ajande cad oo la iibsan karo
3 :- in la sameeyo commission  ka madax banana wasarada arimaha dibada oo u hawl gasha raadinta icriraafka dalka
4:- in loo sameeyo misaaniyad macquul ah  waxa aynu ognahay in dhaqaale la’aaani aanay waxba kala soconayn
 
                                                           Wa bilaahi towfiiq
Eng:Ismail Ali Hussein
Sudan-Khartoum
Email: Inaxabeeb@hotmail.com
Tell:+249921268887