Wax Barshada Somaliland Wixii Ay Soo Martay

Somaliland oo ah wadan Curdin ah soona maray dhibaatooyin badan oo uu ka dhaxlay dawladii Maxamed Siyaad Bare, 1988 kii  ayuu bur buray nidamkii iyo adeegii ku caanka ahaa cadaalad dara iyo musuq maasuqa. Waxaanay tasi dhaxal siisay umadii in dib u dhac balaadhani ku yimaado xag kasta oo nolosha ah.Dhamaan daadki reer Somaliland waxa ay qaxuunti ku noqueen dhaman  wadamada dunida.
Somaliland oo hiigsanay  nolol wanaagsan iyo sinaan  ku dhisan qadarin iyo wax wada qabsasho, Riyadasi waxay noqotay mid lagu hungoobay.
1991 ayaa Somaliland dib ula soo noqotay dawladnimadidii iyada oo xooga saartay nabd galyada iyo isku soo dhawan shaha umada reer Somaliland. Dadka oo dhami wax ka sinaayeen dhawreda nabad galyada iyo isku soo dhawenta bah wayenta reer Somaliland. Tasina Wxay seeska u dhigaty nidamka manta ka jira Somaliland ee ah iskaashiga iyo wax wada qabsiga. Tilmaana u noqotay wadamada sookoraya ee dunida saddexaad.
Markii ay nabadii noqotay mid dhaman ka hergasha gayiga Somaliland oo dhan, Ayaa hadana bulshadii u jeedsatay dhinaca adeegyada kalduwan ee lagama maarmaanka u ah bulshada.
Waxa kamid ahaa adeegyadasi dhinaca Wax Barshada, Cafimadeka,Gaadidka,Isgaadhsinta iyo qaar kali oo badan.dhamantoodna waxa laga qabtay. Waana la daremi karaa sida ay u shaqeeyaan.
Aniga oo halkan wax yer kaga hadlaya dhinaca wax barshada Somaliland oo soo maratay mar xalado kala duwan oo mahadhooyin badan ku reebtay dadka reer Somaliland .Waxaanay ahayed mid ay ka sinaayen gobolada iyo dagmoyinka oo dhami.
Dhaman dugsiyadi iyo goobahi wax barshadu way dumeen, qalabkii wax barsho wuu bur buray, maamulkii iyo macalimintina way kala carareen. 1988-1992 waxa Kataagnaa Somaliland duruufo adag oo aqoondaradu iyo jahligu uu kow kayahay. Dayirte  wax baran laheed waxay ahaayen qaar jooga guryaha iyo maherdaha,Barbaartina Waxay ku mashquleen wax yalo kali. Meel kasta oo aad tagto Somliland wax la daremaayeey in ay hadhaysay daruura madaw ee aqoondaradu ay wadao.
Badhtamihe 1992 ayeey hayed in dib loo soo uruuriyo  bah ddii wax barsho ee Somaliland, Waxa labilaabay in la xadho dhimayashi bur buray, Islamarkaana in dib loo furo dugsiyadii iyo goobihi wax barsho iyada oo ay ka muqato baahi faro badan. Wax dib loo soo ururshay macalimintii aqoonta laheed, Waxa uu ilmo katsa soqatay dasad uu ku fadhisto iyo xaashi uu wax ku qorto. Waxay aheed mid laga naxo runti wadciga ka tag naa wakhtigasi. Dadka reer Somaliland ee ku can baxay niyad wanaga iyo walaaltinimda ayaa dhexda marada u gu xidhay in ay hore mariyaan nidamka wax barsho,
1993-2000 waxa ay mujiyeen dadla aad u badn oo manta midhihisa la daremikaro  cid kastaana ay ka markhti kacayso. Guud ahaan wakhigasi waxa labilaabay in ladayactiro goobahi hore ee wax lagu baranaayeey, In qaar kali oo cusubna la dhiso. Macalimin tayo leh ay ku soo biirto fagaaraha wax barshada, Meel kasta oo Somaliland ah laga hergaliyeey dugsiyada Hoose Dhexe, Dugsiyada Sare, Jamacdo, Dugsiyada Quranka,Kuliyado, Dugsiyada lagu barto Xirfadaha kalduwan iyo dugsiyada Wax barshada dadka baahida gaarka ah qaba.
Wax la sameeyeey manaahij u gaar aha Somaliland oo ay ku qoranyihiin taariikhda ma guuraanka ah ee Somaliland.
Imtixaanadka dalka oo dhan oo noqday mid lamidiiyeey oo isku midaha. Taasina Waxay kintay in dhaman ardaydu ay barato culuum isku mid ah iyaga oo kal jooga gobolo kala duwan ee dalka gudehisa.
Waxa iyana xusid mudan in aan sheegno in ay Somaliland si aad iyo aad ah ay uga hergalin dugsiyada gaarka loliyahay kuwasi oo ka qayeeb qaatay gedi socodka hore marka Somaliland, Waanay ku soo badanayaa marba marka ka danbaysa iyago  cilmiga noocyadisa kala duwan kinya dalka si ay uga faa’iidaysataan dadka reer Somaliland.
Aqoonta iyo ardayda reer somlalinad waxay noqdiin mid marba marka kadanbaysa ku soo badanaya lana jaan qadaya casriga manta la joogo. Waxaa aan kor ku soo xusay oo dhan  waxa  mahada kowad iska leh Illahay mar labad na shacabka wanaagsan ee reer Somaliland.
Haddba anaga oo ah Horseed Social Development Service waxa aanu balan qaadaynaa in aanu wixii italka yaga ah ka qabano wax barshada Somaliland,Waana hadafka aanu heegsanayno wax ka qabashadisa. Mar walban waxaanu nahay diyaar in aanu qayeebtayada kaqadano si loo gaadho hore mart iyo guul warta.
 

ALAA MAHAD LEH

FARINTINU WAA HORE MAR

GUDOMIYAHA
URUURKA HORE MARINTA ADEEGA BULSHADA HORSEED HSDS

 

 
Eng/Farhan Ahmed Mahmoud