Isu Naxariista Ilaahay haydiin Naxariistee

Ama Khayrku Hadal Ama Iska Aamus Q3
Isu Naxariista Ilaahay Haydiin
Naxariistee Isu Gargaara Ilaahay
Haydiin Gargaaree  Khayrka Isu
Kaalamaysta Ilaahay Haydin Kaalmeeye
Isjeclaada Ilaahay Haydin Jeclaadee Oo
Ummada kadaaya Maqaalada Tarbiicada
Iyo Turxaanta Leh Oo Dadkaaga wax
Wanaagsan Gasho Haku Ixtiramaane
Agoomaha Iyo Dadka Jilicsana Haloo Gurmado 
Ee Abaaruhu Naafeeyeen  Ilaahayna
Haku Dhawree,By Sidiiq Sh Farax Gabaar


Marka Hore Waxaan Salaamaya Salaamaya  Saxaafadayada  Sharafta Leh Iyo Shacabakayga Qaaliga Ah  Gudaha Iyo Dabadaba Asalaamu Calaykum waraxmatulaahi Wabarakaatu Bacda Ramadaan Mubaarak,


Waa Maqaalkii Taxanaha Ahaa ee Ama Khayrku hadal Ama Iska Aamu Iyo Maanta Oo aynu Ku Jirno Bishii Barkaysnayd ee Ramadaan Ilaaha Muslimka Inaga Dhigay Ee Nimcooyinka Ay Ramadaan kamitahay Ina siiyay ayaa Mahad gaara Iska Leh Alxamdulilaahi rabil Caalamiin,

Hadab Aduunyada Ilaahay waxa uu Masuul Uga Dhigay Waxaana laynagu Aaminay Maamulkeeda iyo Masuuliyadeeda Waxaana Wax  Lagaa Waydiinayaa Naftaada Reerkaaga Qoyskaaga Qaraabadaad Maalkaaga Wakhtigaaga Cibdaada Intaanu Ilaahay Kula Xisaabtamin,Raganimdaada waxa kuu Dheer Islaamnimda Aanay Raga Kula Midka Ahi Haysanin Ee gaalda iyo Kuwa bilaa Diinta Ahi Waxaana ku Saaran masuuliyad Dheeraada, Adna waxaad Isu Aragtaa Maqaam Hoose markaad Xigmadada Ku Koobto Muran Iyo Khilaaf iyo Tadhac Tadhac Iyo Turxaan Iyo Maqaal Meel Hoose Ka Hadlaaya qabiil Iyo Suus Iyo Sun Iyo Nacayb dadkuna waxay kuu Arkayaan Kii Xinka Iyo Xasadaka ka hadli Jiray ee liitay Iyagoo kuu Haysta Qof Liita Ayay sacbka Kuu Tumayaan,Hadaba Walaalkayow Ama Khayr Ku Hadal Ama Iska Aamus,Waxay ka Sugnaatay rasuulkii Ilaahay Doortay SCW Maxamed C/Laahi Binu cabdi Mudalab, Calhi salaatu wasalaam,Wadkana xasuusnaw Ha Ilaawin Aakhiro Iyo Shafeecada Nabiga SCW)

Marka Hore Adigu Isa Sax Adoon Golaha Iman waxa Ina sanwayne Laga Hayaa Waligay gar Laygama Helin Oo Intaanan Golahaba iman Ayaan Soo gar Naqsadaa,Hadaba Waxaad ka hadashaa maqaam Sare Oo Xigmad iyo Nuxur Uu KU Dhanyahay Adigu Cibdaadad Iyo caqiidadaada hagaaji Kadibna Dadkaaga Wanaaga Far Qoyskaaga Iyo qaraabada Caawi Dadlkaaga Iyo Dalkaagana Ilaasho Muslimiintana U Ducee Dadka Jilicsan ee xaqa Kugu Lehna Caawi Ummada Wanaaga far Inay Iyo Wixii waxtar u ah,Ilaahay xaqa hayna garan Siiyo Aamiin

Wabilaahi Tawfiiq Ilaahay Ayaa Mahad gaara Iska Leh Al Xamdulilaahi Rabil Caalamiin Somaliya Ilaahay dhibaatda haka dulqaado Muslimiinta Dhamaanteed Ilaahay Dhibka Hakdul Qaado Ee Aamiin Yidhaahda,

Somaliland Ilahay Himiladeeda Iyo Wanaagay hiigsanayaan Ee Khayrka qaba Ilaahay Ha Gaadh Siiyo Aamiin


Somaliland Guuuuuuuuuuuuul Iyo Gobanimo

By Sidiiq Sh Farax Gabaar
Oslo Norway
Gaashaan_1986@hotmail.com