Dadaal La aanta Wadaadada Qurbaha Jooga gaar Ahaan Qaarada Yurub iyo amerika Iyo dayacnaanta Dadka Somaliyeed Ee Shaydaanku Lagday

Fariin Ku Socota Misaajidada Yurub
Iyo Wadadada Iyo Inta Ku Xidhan Ee
Naftooda Uun Kafakarta Ee Ilawday
Bulsha waynta Somaliyeed, Ee
Shaydaanku Lagday  Rag Iyo Dumar
Ee hareeraha Misaajidada fadhida
Ee Aad hadh iyo habeen Ku Dhaafaysaan
Yaa Lawaydiinayaa Yaase Umaqan Markaad
Dhaafto Ama Aad Ka Faanto Ama Aad dantaada
ka Jeclaato Kabaqa Ilaahay Oo Ugargaagara
Ummada Oo caawiya Oo Khayrka Ugu Yeedha
Waxaanad Ogaataan in Idinka Laydin waydiinaayo
Oo Aad Idinku dayacdeen,Ragaas Gidaarka
Fadhiya Ee Balwadu Qaadatay Markaad la
Sheekaysato Waa rag Xiniiyo Badan waxayse
ii Sheegeen In Shaydaanka lagday
Lagu Eegay By Sidiiq Sh farax gabaar,



Marka Hore Waxaan salaamaya Saxaafadayada Sharafta Leh Iyo Shacabka Qaaliga Ah Gudaha Iyo dabadaba  Aslaamu Calaykum Wabarakaatu Bacada,

Maqaalkani waxa uu Ku Socdaa Dhamaanba Misaajidad iyo wadaadada Hoos Jooga iyo Inta misaajidka ku Xidhan Ee dantooda Ku Ekatay,

Fariinta waxay Ku timi Ama Kalifay Inaan maanta qalinka usoo Qaato wadadad Ku sugan Misaajidada ku yaala qaarada yurub Iyo Amerika Ama Guud Ahaanba Qurbaha Iyadoo Ay Bulsha Ważnta Somaliyeed qaybo Kamidi Ay ku Dayacan Yihiin Qurbaha oo Ay Ku Dhibaataysan Yihiin,hadaba Meelaha Ay balwadu Ku Badantahay waxa kamida Ee Somalidu Ay ku Gacan gashay Denmark oo kamida wadamada Skandenivianka Iyadoo jaadka Iyo Khamradaba aad Ay U Isticimaalaan Somalida Ku Dhaqani Iaydoo Ay U Kala qayb san Yihiin In yar oo Misaajidada Ku Xidhan iyo Bulshada badan keeda Oo Beerahan La fadhiistaa Balwada Rag iyo Dumar,


Hadaba Waxaan U Kuur galay oo aan U Raacay Inamo wadada Ah oo Dacwada Darteed Uga Yimi Norway Goobahan Ay Ku Sugnaayeen dadka Shaydaanku lagday,Dadkan oo Ah dad wanaagsan Markaad la Sheekaysato Oo U baahan in lala sheekaysto oo lasoo Dhaweeyo Ninkasataba markaad Ilahay iyo Diintiisa Aad xasuusiso waxa uu ku Soo daliilinyaa Axdiis Iyo Quraan waana dad dareensan qaladakay ku Jiraan hase Yeeshee La dayacay oo Ay Dayaceen Nimaka Misaajidada gacanta ku Haya Iyo Kuwa Ku Xidhan Misaajidadu Intuba waa dad Jecel Inay kaligoods Cibadada Iyo caqiidada isku koobaan Iyo Shaqadooda

Hadaba waxaad Ogaataan hadii Aad u Gurnmanwaydaan ummadan walaaladiina ee Shaydaanku Lagday Oo Aad Ka Kicin waydaan Cawaaqibkeeda waad Arkaysaan Karbaashka somali haystaana waa Arxanlaant iyo gargaar la aanta Iyo Naxariis darada Iyo Xaasid Nimada Ee ilaahay kabaqa Oo Qof walawba waxaa kugu waajibka ah qabo oo Is Xisaabi Intaan Adiga ilaahay kula xisaabtamin,oo Ummadan qaybina Jeelasha ku Jirto qaybina Gidaarada Misaajidada balwada ku dhuuqayso U gargaara ilaahay haydiin gargaaree,Gaar Ahaan U-k Denmark Holland Iyo Meelaha la midka Ahba  Oo dacwada Guryaha iyo Gidaarada Ugu Geeya dadka oo ugu taga Ummada oo Ku Gaadhsiiya Meelkasat oo Ay galaan oo Bobka iyo Kilaabada Kadaba gala oo Ilaahay ka cabsada Oo Fadhiga ka kaca Umaadaha kale ee Qurvbha ku Nooli way Is habeeyeen Is habeeya,xaqa ilaahay Haydin Garansiiyo Aamiin


Wabilaahi Tawfiiq Ilaahay Ayaa Mahad gaara Iska leh Alxamdulialaahi rabil caalamii

Somaliya Ilaahay Dhibaatada haka Dul qaado Aamiin Somaliland Ilaahay Himaladooda hagaadhsiiyo Aamiin



By Sidiiq Sh Farax gabaar
Oslo Norway
Gaashaan_1986@hotmail.com