Socdaalkaygii Berbera: Silsilad Xaqiiqo Xanbaarsan

Daahir Caraale Berberaawi,

Isbedellada ka muuqda Madaarka ,Magaalada & Dekadda

Berbera-(Berberanews)- Waxay ku beegnayd 05 June 2011 markii aan ka degay gegida dayuuradaha Berbera International Airport oo ay iigu danbaysay bishii June 2009, wakhtigaas oo uu ka muuqday dayac aad u ballaadhan iyo diiqad uu qofkasta oo rakaab ahi kala kulmo muuqaal aan ka duwanayn goob laga raro dadka tahriibta ah iyo basaas.
Cimilada dabiiciga ah ee Berbera oo aan ku beegmay xilliyada ay ugu kulushahay waxaase I farxad geliyay goobo qaboojiyayaal ku xidhanyihiin oo loogu talogalay inay rakaabka madaarku ku nastaan, dhismayaal casriyaysan iyo qalabayn muddooyinkii u danbeeyay lag hirgeliyay, taasoo kor u qaaday shaqadiisa oo muddooyinkii u dambeeyey dhaqdhaqaaqiisu gaadhay meel aad u saraysa oo todobaadkii ay yimadaan sida lay xaqiijiyey 18 duulimaad, halka xilliyada xaggaagana ay intaa ka badan yihiin.
 
Madaarka Berbera waxa uu wakhtigan hormood u yahay madaarada diyaarada dalka ka jira, waxaannu noqday  ka ugu weyn ee rakaabka diyaaradaha lagu kala qaybiyo, inta howshaasi socotana laga bilaabo sanadkan 2011.
Ubad badan ooka mid ah qurboojooga lagu soo sasabi jiray in dalkooda hooyo la soo tusayo  oo oohin iyo u qaadanwaa kala kulmi jiray madaarku waxay maanta ku faraxsanyihiin kuna qanceen isbedelka ballaadhan ee lagu sammeeyay oo raaligeliyay.
 
Berbera oo sida aan hore u soo sheegay ay iigu danbaysay June 2009, xilligaas oo magaaladu u ekayd goob looga hayaamay Burco iyo Hargeysa oo aan cidi deganayn, haseyeeshee maanta waxaan kala kukmay muuqaal kii hore ka duwan, waxa ku soo noqday dadkii ku noolaan jiray oo dib u camiray, waxa ka socda dhismayaal casriya, dhaqdhaqaaqa ganacsi xoogle oo ay xoola badani ka dhoofan marsada Somaliland ee berbera , waxaa taai kasii daran ganacsatada ka soo baqoolaysa gobolada Somaliland iyo itoobiya ee buux dhaafinaysa huteelada Berbera oo aan iyaga laga helin meel laga galo oo ay isku soo gaadhaan dadka qariibka ah ee berbera ganacsiga u yimaada.
Waxa  xusid mudan Maxjarada xooluhu ka dhoofaan ee Berbera oo si fiican u shaqanaya, sidoo kalena hada gacanta lagu hayo kii sadexaad oo lagu wado inuu hada dhamaado bilahan fooda inagu soo haya kaasi oo dhismihisa gacanta ku hayso shirkada carbeed ee gulf international oo horeba u dhistay maxjarkii hore Al-jaabiri.
Gudaha Berbera waxa ka muuqda dhismayaasha dhawr iyo toban wado oo laami ah oo ay hirgelisay dawladda hoose iyo dib u soo noolaanshaha adeegyada bulshada sida caafimaadka iyo Biyaha
 
 
Berbera oo ka mid ah marinada ugu caansan gabacsiga Geeska Africa waxa ku taal dekedda laf-dhabarta dhaqaalaga dalku ku tirsanyahay waxa wakhtigan ka muuqda  isbedel aan aad ugu qushuucay siiba dhinaca shaqada iyo dib u dhiska, intii maamulkani dekadda la wareegeen waxaa ka socda dib u-habayn , dib u dhis,qurxin iyo waxyaalo cusub  oo ay hirgeliyeen maamulka cusub ee dekeddu oo uu hormood u yahay Maareeyaha dekeda berbera Axmed Yuusuf Dirir.
 
Dekeda Berbera oo dhismaheeda oo rubuc qarni jiray wuxu u qeybsanaa laba qeybood oo midna uu dhisay wadankii midawgii Soofiyeedku (USSR) sanadkii 1968kii cabirkeeduna yahay (300) ,halka qeybta labaadna oo uu sameeyay wadanka Mareykanku sanadkii 1985kii oo dhererkeedu yahay (330) mitir. isugeyn dhererka dekeduna waxa uu noqonayaa 630mitir, Iyadoo culeys ahaan dekeda xajmiga ay Qaadi karto yahay iminka hal milyan oo ton (1000.000 ton), ayna ku-talo-galkii sanadkii yahay inay ku soo xidhan karaan ilaa qiyaas ahaan kun markab (1000)oo kuwa xamuulka ah.
 
Hadaba, mudadaas dheer dekadda  Berbera wax dhinaca isbedel lagu sameeyey ma jirin marka laga reebo sanadkii ugu danbeeyey oo wax qayrul caadiya laga qabtay ,halka iigu werwerka badnayd waxay ahayd (180m) boqol iyo sideetan mitir oo daacday , sanadihii ina soo dhaafay, lagana ilaalinjirey in wax badeecada la dhigo amaba marakiibta lagu soo xidho, , nasiib wanaag aad ayaan ugu farxay markii aan arkay goobtaas oo la sammeeyay.
Waxa kale oo iyana wax weyn laga qabtay wadooyinka dekada sida bixida iyo gelida oo ay shaqo baahsan ka muuqato,
Maamulka Dekeda berbera oo ilaa iyo intii loo magacaabay maamulka iyo maareynta Dekeda aan Marnaba joojin dib u-dhiska goobaha u baahan in dib u habeyn lagu sameeyo kuna soo kordhiyay Dekeda Goobo cusub iyo adeegyo cusub oo aan hore uga jirin Dekeda oo ay kamid yihiin albaabada lagu furayo Card Electric-ga ku shaqeynaya oo ay wada isticmaalan dhamaan ganacsatada xidhiidhka joogtada la leh Iyo dhamaan shaqaalaha Dekeda ka hawlgalaa oo runtii la odhan karo marka laga eego dhinaca Horumarka waa horumar aynu gaadhnay.
 
Dekadda ayaa dayactir lagu sameeyey beebkii ay marakiibtu biyaha ka qaadanjireen, oo aan shaqaynin muddo ku siman 15sano ,beebkan oo biyaha siinjirey marakiibta iyo doonyaha, ayaa waxaa dhib ka haystay gadiidkaasi badda oo dekadda markay yimadaan biyaha ka qaadanjirey, iyadoo ay booyado ku soo noqnoqonjireen , taasoo oo aan haqabtirijirin marakiibta iyo doonyahaba, beebkan ayaa waxa uu ku yaalay , barta ay ku soo xidhaan , marakiibtu, waxaana iminka u shaqeeyaa sidii loogu talo-galay, isla-markaana waxaa uga soo xarooda dekadda lacag adag.
Waxaa kaloo xusid mudan oo iyana si casriyeysan loo dhisay ,loona maamulay qeybta securityga dekada ee dhinaca badda iyo dhinaca berigaba , waxaana dekadda dhexdeeda ku rakiban qalab casriya oo laga daawankaro waxii biyaha badda ee JSL ku soo xadgudba. Gudaha dekadda waxaa lagu qalabeeyey kamarado casriya  oo nooca digitalka ah, waxaanay xafidayaan dhamaan dhaqdhaqaaqyada ka socda gudaha iyo weliba geydhadhka laga baxo ama laga galo,waxaana la maamulaa cameradahaasi xafiiska securtiyga dekadda ku dhexyaala, waxaana hawshaa balaadhan gacanta ku haya shaqaale loo tababaray, isla-markaana aqoontooda kor loo qaaday.
Wadanka Ethiopia ayey mihiimad gaara dekeda magaalada Berbera u leedahay,isla-markaana kaga maarmi Kartaa Dekadda Jabuuti oo tartan adag kula jirta Berbera, lakiin Berbera ayaa u ah goob mihiima imikana dhinaca Ethiopia sida Import/Export way u isticmaashaa dekeda berbera Dhinaca masaafadana qaybta ethiopia ee shishe way u siman yihiin dekeda berbera iyo dekeda Djabuuti Ethiopia lakiin dhinacyada kale sida tusaale ahaan jigjiga oo kale waxay dekeda Berbera u jirtaa 300KM , halka ay jigjigi dekeda Djabuuti u jirto 500KM .
Ethiopia waxay mihiimad u tahay qeyb weyna ka qaadatay Waxayna u baahantay halkii uga bedelan laheyd dekeda DJbuuti dekedayadu waa qanimada sida Mambasa iyo Port Sudan oo kale Dekeda berberi waxay utaagantay in ay marin unoqoto Ethiopia waxa kaloo ay ufurantay ama marin utahay ilaa Southern Sudan marka Intaas oo dhan la eego Ethiopia waa marinka ugu weyn ee dekeda berbera leedahay.
 
By, Daahir Caraale Berberaawi,
Dubai .U.A.E