Murtidii Dhanxiir


Maansha Allaah; Alleylehe, aqoonsigii waa kaas soo bidhaamayee dawlad iyo shicib-baa dhexda haloo sii giijisto oo in badan baynu la hayn tallaabadii dhaqaaqi weydama aqoonsi la�aantaa dabraysee, bal guul iyo horumar halagu gaadho, waxaanse ka baqaa in hadhaw lagu meeraysto ictiraafkii baa na hoosaasiyee markayagii horaanu dhaanay oo sidaa East Timor bakhtigu xalaal noqdo.
 
Weger; Adeer, Aqoonsi iyo aqoonsi la�aan dadkan Ilaahii abuuray waa og arsaaqdooda iyo waxay mudan doonan ba�e, waxaad ka warrantaa shidaal la�aantan dalka ku habsatay iyo dawladan dhoohanaanta bara dhaafisay. Ta kale qoladii lahayd Golof baa na la yidhaa oo baatrool baannu idinka dhergin doonaa xagay ku dambeeyeen, mise meeshaba waxba ma jirin oo reer Xamarayn bay wadeen?