Sidii Saqadhi looga Maarmi Waayey Cali Xoor-xoorn-na Dekaddii ka Maarmimayso

 
Nagiib Muuse Axmed, Hargeysa, Somaliland
Waxaynu soo marnay marxalado kala duwan oo mid waliba ay lahady miisaankeeda, isla markaana maaraynteedu ay garab socotay, kuwaas oo inta badan dad ama masuuliyiini siyaabo kala duwan ugu sawirran yihiin.
Maareeyihii hore ee dekedda Berbera Eng. Cali Xoor-xoor wuxuu ka mid ahaa mashiinnada ugu firfircoon ee maamulkii Rayaale, iyadoo qof waliba qirayo oo aannu kala masuugi karin sidii uu u maamuli jiray dekedda Berbera oo ah il dhaqaale ee ugu wayn dalka Somaliland oo ahayd hannaan miisaaman oo karti, wax-soo-saar iyo horumarin leh.
Haseyeeshee, markii xilka laga qaaday Maareeyaha ee loo magacaaay ee hadda jooga oo ay ahayd inuu maro jidka uu u jeexay Cali Xoor-xoor may noqon ee wuxuu maray ama uu hayaa wado khaldan oo aad moodo inuu nin ka shaqaysanaysa oo aan xaabka dhaafayn, waxa taa u daliil ah musuqmaasuqii iyo tuugadii oo sida mahiigaanka u maashaysay marsadii Berbera oo waliba isaga laftiisu uu urursi ku jiro, taas oo haddaan la iska indho-tirayn ka muuqata maamulkiisa.
Waxaan Madaxweyne kaa codsanayaa inaad maamulka dekedda Berbera aad hoos u mililicdo oo aad weliba meesha ay mushkiladu ka taagan tahay waa Maareeyaha ee aad ummadda  ka qabato, una dhiibtid cid u dhaanta kan maanta haya, aniga oo weliba kugula talinaya in aad soo celiso maareeyihii hore Cali Xoor-xoor oo la garanayo sidii uu maamulkeedu ahaa wakhtigii uu joogay, maadaama Maxamed Saqadhiba looga maarmiwaayey ciidanka Booliska, Cali Xoor-xoor-na looga maarmimaayo dekedda Berbera.