Mudaharadayaasha maanta codbixiyayaashii shalay siilanyo u suurto geliyey hanashada kursiga!

Muwaadin kasta dastuurka dalku wuxu xaq u siiyey inuu cabiri karo fikirkiisa kuna soo bandhigi karo qaab suugaaneed,hadal,qoraal,sawir(film) iyo banaanbax kuu doono isagaan waxba u dhimayn wadajirka,nabadgelyada iyo qaranimada somaliland,banaanbaxyadu had iyo jeer waxbay daaran yihiin  kibir kuma yimaadaan baahi baa curisa miisaankay doonto ha lahaatee,waa tabasho cidi cid kale wax ka tabanayso.

Beryahan waxa dalka ku soo batay mudaharaado aan siyaasad ku lug lahayn oo bulshadu ku cabirayso  shucuurteeda,dareenkeeda iyo rabitaankeeda kagana gilgilanayso arrimo khaldamay oo ay saluugeen badiyaana lugu xidhiidhiyo xukumada Silaanyo inay abuurtay.daraasad madaxbanaan oo la sameeyay waxay ifisay mudaharaadada ka dhacay dalka sanadka xukumada Silaanyo talada haysay inay yihiin 102 mudaharaad,Hargeysaa maalin keliya 3 mudaharaad ka dhaceen,46 ka mida waxaa abaabulay ardayda wax ka barata dugsiyada iyo jaamacadaha oo 38 ka midi ka dhaceen Hargeysa halka 33 mudaharaad dalka ka dhaceen mudadii 8da sanadood ee xukumadii Rayaale talada haysey.
Waagii xukumadii Rayaale mudaharaadadii dhacay badidoodu waxay ahaayeen kuwo siyaasiya oo ay  hagi jireen soona agaasimi jireen mucaaridku siiba xisbiga kulmiye oo uu hogaamin jiray M.Silaanyo inkastoo ururkii Qaran ahaa institution-kii ugu horeeyay ee alifay banaanbax salmiya oo aan deero deero hirdiyin.mudaharaadadaa iyo shirbeeleedyo ku hoos qarsoonaa oo mucaaridku dabada ka riixi jireen doorashada madaxtooyada oo keliyey ka tarjumi jireen,yeelkeede markii Silaanyo kursiga madaxtooyada hantay dhisayna xukumad  weyda mudaharaad dadweynaa istaadhmay waxa la qawadey oo la saluugay qaabkuu u soo xulay xukumadiisa iyo saamiyada gobolada iyo beeluhu ka heleen (waxay ku hungoobeen balamihii hoose ee lala galay xilligii ololaha).
Mudaharaadada aan siyaasad ku lug lahayn ee ka dhacay dalka sanadka xukumada Silanyo talada haysey badidooda waxa soo abaabulay bahda waxbarashada,arday kibir uma mudaharaado ee dayac xukumadu sababtey baa kelifay waxay ka baqeen in mustaqbalkoodu mugdi galo,waxay muujinayeen in la hagraday waxay dalbanayeen in la daboolo baahiyahooda waxbarasho,waa ayaandaro in 46 mudaharaad iskuul dhacaan sanadkaa xukumada Silaanyo talada haysay.
Meel bugta iyo fartaa is og ee asbaabaha ardayda ku khasbey mudaharaadka waxan ku soo ururinayaa musqmaasuq waxbarasho sida macalimiin la’aan,qalab xumo iyo tayada waxbarashada oo liidata.ta kale mudaharaad aan noociisa oo kale abid hore loo arag oo ardeyda jaamacada Hargeysa soo agaasimeen ayaa loo sibirsaarinayaa inay sababtey wareegto ka soo baxdey xafiiska M.Silaanyo oo lagu xardhay hogaan iyo gudiyo loo magacaabey jaamacada balse qancin wayay.
Mudaharaadada kale salmiga waxa ka mida miday abaabuleen shaqaale saluugay imtixaan wasaaraada maaliyada iyo hayada shaqaalahu qaadeen,waxay ka cawdeen in imtixaanku ahaa mid siyaasadeysan oo aan si  cadaalada u dhicin ujeedaduna ahayd in la daadiyo si lagu bedelo isxanbaar iyo gacanqabad xukumada siilaanyo  wadato.
Mudaharaad ay soo abaabuuleen dad u badnaa haween iyo waayeel is hortubay madaxtoyada horteeda kana cabanayey garsoor-xumada iyo cadaalad-darada dhexmiranaysa maxkamadaha Hargeysa oo  ay ku tilmaameen saylad lagu kala iibsado dadka,loona kala guulaysto sida loo kala-hayn(aduun) badan yahay, waxay muujinayeen cadaalad-daraday kala kulmeen kiisas ka galay maxkamada aakhirkiina sababay inay mudaharaad miciin bidan markay waayeen xukumad tabashooyinkooda wax kala qabata.
Mudahaaarad ka dhacay boorama oo ay agaasimeen hiliblayaasha kana cabanayeen cadaalada daro iyo dulmi ka jira kawaan casriya oo xukumada Silanyo go’aansatey inay ku wareejiso shirkado ay saami ku leeyihiin dushana ka maamulaan maalqabeenada Awdal danina ugu jirin ganacsatada yaryar ee hilibka.
Mudaharaad hakin shaqo oo ay abaabuleen iskaashatooyinka kalluunka berbera iyo boorama kana cawdeen maraakiib qaboojiye iyo jiriifba leh oo xaalufiyey badii kuna soo doontey halkii shebaagtoodu tiiley kuna furay doonyahooda hirar si ay u qalibaan,waxaa kalay ka cabanayeen shirkad  lagu wareejiyay hawshii  kaluumaysiga taasoo fasax la weydiisanyo xiliga badgalka.wasaarada kaluumaysigu waxay qirtey inay ruqsad siisay ilaa 10 markab oo nooca kaluumaysiga oo ajaanib leeyahay aadna uga soo dhawaada berriga xaalufiyeyna kaluunkay daban jireen kaluumaysatada wadaniga sababyna abaar badeed.
Mudaharaad soo noqnoqdey oo ay abaabuleen Agoomaha,naafada iyo mujaahidiin ku waxyeeloobey dagaaladii lagu xoreynayey dalka oo ka cabanayey xukumada Silaanyo oo ka reebtay korordhsiimada  mushaharka  shaqaalaha dawlada iyadaaney jirin sabab ay ku qancaan oo looga reebay maadabay xaq iyo xuquuq ku leeyihiin dalkan ay u soo gaajoodeen,u dhaawacmeen una soo naafoobeen si dulimigii iyo cadaaladaradii ka jirtey uga dulqaadaan dadkooda balse M.Silaanyo oo ay ka filayeen inuu si gaara u xasuusan doonaa maalmihii qadhaadhaa ee halgankooda iyo dhibkii loo soo maray iyo abaalka naafada iyo agoomuhu dalka ku leeyihiin ayaaba isagu wareegtaday ka cabanayeen ansixiyey.
Banaanbax ay soo qabanqaabiyeen mulkilayaasha iyo wadayaasha gaadiidka ka shaqeysta hayadaha iyo mashaariicda hoos timaada ee togdheer iyo maroodi jeex waxay si gaara uga cabanayeen UNICEF oo ay sheegeen inay kirada baauurta dad gaara kooto ugu xidhay ula dhaqantey si aaney jeclaysan.
Hadal murti buu ku go’aaye mudaharadayaasha maanta waa codbixiyayaashii shalay Silaanyo u suurto geliyey hanashada kursiga madaxtooyada oo uu mudo dheer baadigoob ugu jiray balse may mahadin. balanqaadyadii M.Silaanyo sameeyay xiligii ololaha doorashada madaxtooyada waxa ka mid ahaa kor u qaadista tayada waxbarashada iyo hagaajinta siyaasada lagu maamulo iyo daryeelka macalimiinta,kor u qaadida adeegyada bulshada,hagaajinta garsoorkaiyo caafimaadka balse weli waxba kama suurtogelin waxaas mudaharaad dhacayna balanqaadyaduu Silanyo galay ee baaqsadey ayey u taagan yihiin.
Wa bilaahi tawfiiq
ENG MAXAMED JAAMAC AXMED MASKAX