“Madaxweynaha Waxaan Ku Hanbalyaynayaa Magcaabista Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Kooxdii Cabanaysayna Waxaan Leeyahay….’ Faysal Daahir Camuud

Anigoo ah Faysal Daahir Camuud oo  xubin golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ah, isla markaana oo kasoo jeeda deegaanka Sayla ee Koonfurta Hargeysa,  Waxaan ku hanbalyaynayaa Madaxweynaha  Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) magcaabista uu dhowaan u magcaabay Gudoomiyaha Maxkamadda sare Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali oo maanta loo ansixiyay xilkaa. Kadib fadhi labada gole ee Baarlamaanku yeesheen.

Madaxweyne waxaan halkan ka cadaynayaa oo aan u sheegayaa dadka deegaanka Sayla  inaad nasiisay kursigi ugu sareeyay oo ah Gudoomiyaha Maxkaamadda sare oo ah sadexda dhadhaar ee dawlada ugu sareeya sida  dustuurku uu qorayo,
Waa fulinta Xukuumadda iyo sharci dajinta oo ah Barlaamaanka(labada Gole) iyo Garsoorka dalka inataa ayay ka koobaan tahay dawlaadu marka mid ka mida ayaanu helnay oo ka  sareeya xilka wasiirka oo ah xubin waaxda  fulinta ah,
Sidaa awgeed waxaan hanbalyo uu dirayaa mar labaad Madaxweynaha  Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo golaha barlamaanka labada aqal ee ansxiiyey maanta gudoomiyaha Maxkamaada sare oo ah qof ku haboon masuuliyada iyo xilka loo magcaabay, waxaana Illaahay uga baryayaa inuu ku asturo xilkaa culus ee loo magcaabay.
Xubnaha deegaanka Sayla ee cabashooyinka xil doonka ah wadayna waxaan leeyahay masuulka la magcaabayo waxa loo magcaabyaa inuu qaranka u shaqeeyo ee deegaan iyo Beel umma shaqaynayo oo looma magcaabin, balse haddii aad ku doodi jirteen xil looma magcaabin xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ha ku bogsadeen xilkaa ugu sareeya waaxda garsoorka ee Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Madaxweynuhu magcaabay.
Faysal Daahir Camuud ex-mp Somaliland
Hargeysa