Anigaa La ii Taagwaayey

Waxay ku beegnayd badhtamihii Sannadkii 1988 ,  Gudagalkii Xoogagii SNM  , waxaa labada magaalo ee Hargeysa iyo Burco ka socday Dagaal kulul oo u dhexeeyey Mujaahidiintii SNM iyo Ciidamadii Kaligii taliye Siyaad Bare,  waxaa dalka intiisii kale ka aloosanaa Qax iyada oo ay  maatidii ( haweenkii iyo caruurtii) ay ka firdhanayeen Xasuuqa iyo Xabada la isway-daarsanaayey halka in badan oo kalena ay isku diyaarinayeen Qaxitaan.
Aynu u daadagno Tuduca Maqaalka, goobtu waa  Degmadii Gabiley , khaasatan,  goob u dhaxaysay magaalooyinka Arabsiyo iyo Alaybaday , waa hoygii nin la odhan jirey Faarax oo hadda xijaabtay Alle ha u naxariistee oo isku diyaarinayay  inuu Lafihiisa iyo ka Qoyskiisa kula fakado dhinaca Ethiopia, balse intuuna ka hayaamin Hoygii uu ku noolaa waxaa soo dhinac maray Ciidan  lug ah oo uu sii jeeday dhinaca Magaalada Arabsiyo.  Tacadigii ,Xasuuqii, iyo Dhibtii Shacabka la baday , Guda galka SNM waxay u ahayd Farxad iyo Fursad Dahab ah waxayna kusoo dhaweyeen si farxad iyo  qiiro huwan . Faarax oo markay Ciidanku dhinac marayeen  ku sugnaa Guriga Isaga iyo Qoyskiisu , waxa uu isku qanciyey inuu Gulufkan Ciidan ay yihiin Xoogagii SNM, waxaana uu go’aansaday inuu farxad iyo rayn-rayn kala hortago balse Qoyskiisii ayaa u sheegay inayna ahayn Xoogagii SNM oo ay yihiin Faqashtii  waxayna ku dhawaaqayeen qoyskiisu; “  Faaraxow ka joog” Aabo Ka jog”  “Aabo ha is haligin”    Oday faarax qiiradii madaxmartay darteed kama uu qaadan digniintii qoyskiisa kaga timid,  waxaana uu si miyir la’aan ah ugu dhex dhacay Ciidankii meesha maraayey isaga oo ku dhawaaqayey erayo soo dhaweyn ah oo ay qiiro ku dheehan tahay, Faqashtii fahantay Oday Faarax waxna may dareensiin. Faarax waxa uu ka codsaday inuu kamid noqdo xooga meesha maraayey oo uu isku qanciyey inay guluf dagaal ugu socdaan Faqashta degan Arabsiyo, Faqashtii aqbashay oo ku rartay Agab badan oo ay siteen,  siday u socdeen ayay galeen Saldhigii Arabsiyo , halkaas ayaa Caqligii ugu soo noqday  oday Faarax , kuna garawsaday cida uu la socday inay yihiin Faqashtii  , Ileen tallo iskuma kaa sheegto, waxa uu hoos isugu canaantay       ” Allaw dhulka yaa hoos kuula gooya”  Allaw yaa riyo kaaga dhiga” Faqashtii isla markiiba qol-yar oo madaw ku xabistay  Faarax,  Maalmo ku jir halkii,  Qoyskiisiina firdhay, Nasiib wanaag waxa naftiisii bad-baadshay Taliyihii Saldhiga oo ahaa nin kasoo jeeday Gobolka Sool oo ahaa nin aan ku milmin habdhaqankii foosha xumaa ee Faqashtu ku haysay Rayidka aan waxba galabsan , taliyahaa badbaadiyey hadda waa Saraakiisha Ciidanka Police ka Somaliland waxaana la yidhaa Cabdi Abokor.
Oday Faarax markii laga sii daayey Xabsiga /Saldhiga waxa uu u fakaday Magaalada Alaybaday oo ay wakhtigaa ku sugnaayeen Qoyskiisii, waxaana uu ku calaacalay markii uu gaadhay Reerkiisii ,  kor iyo hoosba waad iigu sheegteena , ANIGAA LA II TAAGWAAYEY!
Gabagabadii, Kor iyo Hoosba waa la inoogu sheegay  Taariikhda Siilaanyo, balse INAGAA LA INOO TAAGWAAYEY!   ‘ Ma qaranimadii ayaa qabaail isku bedeshay”   “ Ma Hayaddihii Sheekh Shariif baa Hargeysa ka shaqeeya”    “  Ma xoolihii umaddaa la xalaashaday’   “ Ma dhaameelkiibaa lasoo casriyeeyey”   “  Ma Mujaahidiintii iyo maatidoodiiba milicda iyo dhaxanta loo daadshay”  Ceelna inooma qodna ceelalyana inooma maqna,   Maxaa  hadda inala gudboon ummad yahay  si aynu Qaranka, iyo Midnimadda Ummada Somaliland u bad-baadino? Shirbeeleed waa MAYA  oo waa dib u noqosho. Kacdoon Shacab HAA, oo waa badbaado Qaran, sida Carabtaba ka dhacday.
Wabillahi tawfiq
Cabdirasaaq Sh Cali Askar
Political Analyst
Hargeysa,Somaliland