Ma Garan Kartaa Qiimaha shir-beeleedyadu u leeyihiin Qarannimada Somaliland?


Prof. Cabdi Xuseen Maraykan
Hannaanka nabadgelyo iyo dhismaha haykalka dawladeed ee ka hanaqaaday jamhuuriyadda Somaliland waxa aas-aaskiisu ka soo bilaabmay nidaamka shir-beeleedka oo innoo horseeday in nabadgelyo iyo qaran dhammaystiran laga yagleelo gayigan aynu ku noolahay, innagoo  ka faa’iidaysannay dhaqanka wada-tashi iyo isu-tanaasulka beelaha ee ay gadhwadeenka ka ahaayeen madax-dhaqameedku.
Beeluhu waa kuwii gundhigga u ahaa dawladnimada. Waa habka ay is ku arkeen dabadeedna is-ku afgarteen in ay dib ula soo noqdaan xorriyaddii ay ka qaateen 26june 1960kii iyo gooni-isu-taaggii Somaliland. Waxa lagu tashaday in hab-beeleedka laga gudbo oo loo gudbo hannaanka doorashada xorta ah [one man one vote} iyo asxaabta badan.
Waxa aannu qabannay dhawr doorasho oo kala duwan oo intuba goobjoogayaashii caalamiga ahaa ka markhaati ka ceen in ay ahaayeen qaar xor iyo xalaal ah.waxa aynu dhisnay seddex xisbi qaran{three political parties}, oo loogu talagalay in ay bulshada ku hoggaamiyaan itijaah qaran, kuna kala kas badaan ideology u horseedaaya hab ay kaga baxaan beelaha kuna dhiirrigelinaaya tartar xor ah, xisbi walba dhexdiisa ka abuuro demoquraaddiyad iyo doorasho lagu soo saarayo madaxda xisbiga, lana dhiso golayaasha xisbiga si xor ah  oo aan caad saarnayn la ururiyo lacagta xubin nimada {membership fee}, sannad kasta laqabto shirwayne lagu falanqaynaayo ammuuraha xisbiga xubnihiisa loona ogolaado in ay cod ku yeeshaan.
Dimuquraaddiyadda  xisbi walba laga dhex arki karo.
U fiirso seddexda xisbi Qaran ee maanta inoo dhisan, waxaa ka madax ah seddexdii nin ee maalintii la dhisay asxaabta madax ka noqday in kasta oo  uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iska wareejiyay markuu gaadhay jagada ugu saraysa dalka. Asxaabta maanta waxa isteerinka u haya oo taladiisu ka go’daa ninkaa markiisa horeba u samaystay kana dhigtay wiish ku dalacaaya jagada madax wayne nimo.
Kharashka xisbiga isaguu xil ka saran yahay siduu u keeni lahaa, hab beeleed, lacagtii ummadda ka wada dhaxaysay iyo habkale oo caadifiyad xambaarsan. Waxa aynu aragnay xisbi qaran oo adeegsanaaya shirbeed si uu xal ugu helo khilaaf amma taageero siyaasadeed. Miyaan la odhan Karin asxaabtii halkii ay innaga saari lahaayeen beelo waxa ay innoo abuureen mid innagu hogaaminaysa hab beeleed nooc kale ah.
Waxa ayaan-darro ah in dadwaynaha oo aan badankoodu asxaab hore soo arag u arkaan in ay sax tahay ninka marka horeba xisbi soo samaystay ee kharash kaga baxay aanay cid kula doodeen madaxtinimadiisa xaqna u leeyahay inuu magacaabo madaxda sare ee xisbiga, waxa wax walba ka daran waxa ay bareen shacbiga baranaaya habka demograadiyada iyo hanaanka xisbiyada badan sidan khaldan u arka aas aaska dimogradiyada.
Waa in shacabku doorto Goleyaasha dawladda sida Golaha deegaanka, Golaha wakiiladda iyo fulinta oo ah madaxwaynaha, lana doorto wakhti go’an oo ah shan sannadood iyo Golaha guurtida oo illaa iyo hadda loo qoondayn habkii lagu sharciyayn lahaa, Madoorashaa? Ma xulid baa?.
Maanta waxa rabitaanka shacbiga ku jooga madaxwaynaha oo shantii sannadood la doortay sanad kali ihi ka tagay. Golaha deegaanka mar kali ah buu dad waynuhu doorteen shan sannadood mar hore buu wakhtigoodii dhammaaday, Golaha wakiilada marbaa ladoortay shan sannadood waannu ka dhammaaday wakhtigaasi, Golaha guurtida waxaa lagu soo xulay hab beeleed 1993kii shirwaynihii lagu qabtay magaalo madaxda Gobalka awdal ee Boorama oo ay intooda badani dhinteen kuraasidiina ay ku fadhiyaan kuwa ay dhaleen amma ay is xigaan oo dhaxal ku soo galay, sharciyadda ay ku fadhiyaan waa mid calaamad shu’aal saaran tahay.
Golahaasi waxay haystaan shaabad ay ugu kordhiyaan muddada ay sii joogi lahaayeen marka wakhtiga shacbigu soo doortay ka dhamaado hadduu yahay Golaha deegaanka, Golaha wakiillada iyo waliba Madaxwaynaha. Muddo kordhin waa {cancer} ku dhexyaal demograadiyadda Somaliland una baahan in laga jaro.
Labaatankii sannadood ee ay jirtay Jumhuuriyadda Somaliland. Waxa ay beelaha Somaliland ka qaateen door lama ilaa waan ah, iyaga oo jiritaanka Somaliland wax walba ka horreysiinaya. wada shaqayn buuxda la siinaayo, Xukuumadda ay dadwaynaha badankoodu soo doorteen.  In kasta oo ay Xukuumaddu qabatay wax yaabo badan muddadii sannadka ahayd ay ee jirtay aanay ku ammaanan tahay oo laga rejeynaayo kuwo kalena qabato Afarta sannaddood ee u hadhsan, haddana taa micneheedu maaha in beeluhu aanay ka shiri karayn arrimahooda ijtimaaciga ah oo dimuquraaddiyadda ku salaysan.
Sidaa daraadeed, waxaan ugu baaqayaa beesha aan ka tirsanahay ee reer Saaxil in ay isugu yimaaddaan shir la sheegi doono goobta iyo goorta la qaban doono.  Waxaan dhawaan maqlaayey dadku doodaaya shir-beeleed looma baahna oo dadka ayey kala fogaynaysaa. Waxaan lee-yahay labaatankii sannaddood ee ay Somaliland dhisnayd waxa ay ku bad-baadday shir-beeleedyada ay ku soo bandhigayaan danahooda, waddadaas bay ku wada hadlaan.
Xaqiiqdu waxay tahay haddii wax aad garanaysid ka booddo oo wax kale oo aanad garanayn ku beddesho waxa ka iman kara khatar aanad filayn, sida walaalaheen  Soomaaliya ee u kala shira, Al-shabaab, Ahlu-Sunna Wajameeca, iyo firqooyin aan la garanayn waxa ay ku danbayn doonaan.
 
Professor: Cabdi Xuseen Maraykan {Flosy}
Hargeysa, Somaliland
abdi.yusuf@hotmail.co.uk