Kud ka guur oo qanjo u guur

Dunidadan aynu ku noolahay waxayu maqalaa wadamada soo koraya iyo kuwa hore u maray waxa kaliya ee lagu kala hor maray waa hadba aqoonta dadku heerka ay taagantahay, Somaliland waxay la daalaa dhacaysaa duurufo u gaara oo aan cidi la wadaaagin sida nin jecelaysi,qaraabo kiil.,eex, boob hantida ummadda,dulmi ku dhacaya dadka tabarta daran,sicirbarar la yaableh, cuduradda ay sababaan nadaafadarada iyo qashin baahsan oo ay la ciir ciirayaan magaalooyinka waaweyn oo ay ugu horeyso caasimadda hargeysi.
Waxaa wax lala yaabo ah iyadoo ay jiraan duruufaahaa aynu kor ku soo sheeganay in laga hadlo nabadgeyo ayeynu haysanaa, nabadgelyadu waa tiir ka mid ah tiirarka nolosha oo aan keli u taagnaan Karin hadii aanay jirin tiirarka  muhiimka u ah  inay taaganaato.
Hadaba muwaadin aynu mid mid u kala qaadno arimahan maanta waxay nu xooga saaraynaa wasaarada caafimaadka:
Nabadgelyada iyo dhaqaalaha:
Waxaa xaqiiq ah in ummadina aanay ka maarmi karin nabadgelyada guud ahaan iyo kaabayaasha dhaqaale ee aasaasiga u ah baahiyaa bulshada hadaba, dhaqaalaha keliya ee ummadani leeddahay waxa weeyaan xoolaha nool iyo canshuurta laga ururiyo dadka muwaadinka ah, dhinaca xoolaha maanta cidna looga sheekayn maayo xaalada nololeed iyo caafimaad ee ay ku sugan yihiin iyaga iyo dadkii dhaqayeyba waxase warkooda inagaga filan cidina uma maqana ceela umma maqana iyo maahmaahada ahayd allaaleeyey allaad leedahay.
Dhinaca canshuuraha oo ah laf dhabarta dhaqaalaha dalka  waxaynu ognahay in muwaadinkasta oo soomaliland ahiba  ogyahay inay ku waajibto bixinta canshuurtu aydoo maanka lagu hayo in ay yartahay maanta inta awooda inay bixiso, qofkastaana marka uu bixinayo uu ku bixiyo si dhibaato badan waxaa layaab ku noqota muwaadiniinta wixii yaraa ee ay bixiyeen iyo sida dhibta yare e in yar oo qawlaysto  dhiigmiirato ahi ugu tagri falaan canshuurta, taas kaaga darane soo kordhisa dhaqan xumo iyo nabadgelyo daro bal muwaadin is weydii oo siday u soo kordhisaa nabadgelyo darada?
waxaa laga yaabaa in muwaadin aad la yaabto ama is weydiiso sida ay u soo kordhinayso nabad darada way fududahay su,aasha jawaabteedu.
Kow marka qashinka la qaadi waayo  waxaa kadhasha qashinka xanuuno aad u daran sanad walbana  inaga dila intaas oo dad ah oo aynu inagu nidhaahno xiligaa is bedelay hadba muwaadin marka xannuuno ay ku filan tahay qashinka oo laysaka qaado ay kaa dilaan maalin
walba qofkii aad jeclayd nabadgelyo mahaysataa? jawaabtu waa maya mise nabadgelyo xumadda waxaad u taqaanaa oo keliya xabada oo la rido iyo dagaalkoo lagu dhinto.
Muwaadin waxaa nabadgelyo darro ah in shaqsi qudha ahi  uu boobo maatada iyo  maxasta oo hadana waxoodii yaraa u adeegsado dhaqan xumo kuuna keeno cudurada dilaaga ah ee aan dawada lahayn taas baa nabadgelyo darada kow ka ah.
NIdaamka hayadaha dawladu u shaqeeyaan:
Waxaa marag ma doonto  ah muwaadin marka aad u kuur gesho xaalada shaqo iyo shaqale ee ka jirta wasaaradeheena iyo hayadaha kale ee dawlada waxaad ogaanaysaa inaynu cidla fadhino oo sida caruurta laynagu sasabayo wasaardaad hebla laakiin markaad u fiirsato waxaad u naxaysaa ayaga ma ogtahay muwaadin inaanay jirin aqoondaro haysata masuuliyinta haydahaa dawlada ee aynu soo sheeganay ogow waxaa jiraa duruufo is dulsaaran oo aanay ka gubdi Karin oo lama taabtaan ah. Wasaarad walba waxaa haysta dadku gaamuray oo fahmay godkasta iyo ciriqkasta oo aanu maareyn kari masuul kasta oo daacad ah oo damca in uu wax toosiyo,wax hadhaysay reernimo baahsan, lunsi hantiyeed iyo aqoondaro aad u weyn waxaad arkaysaa qof fadhiya xafiis muhiim u ah bulshada oo aan garanayn sidii uu uga faaiidayn lahaa.
Hadaad soo booqato xafiisyada dawlada saacadaha shaqada waxaad arkaysaa shaqaalihii oo maqxiyaha iska fadhiya hadaad weydiiso maxaad u geliweyday xafiiska wuxuu kuugu jawaabayaa maxaan qabtaa taasi waxay muujinaysaa inay jirto aqoondaro iyo qorsho xumo taala xafiisyada,dabagal la,aan iyo kala danbayn la,aan aad u weyn iyo is qiimayn la.aan.
Waddamada la aqoonsanyahay iyo kawa dhaqalahoodu sareeyo ayaa la shaqeeyaa 16 saacadood maalintii sacadaha shaqada maxaad u malaynasaa inaga oo aad xaaladadeena ogtihiin ma u malaynasaa in aduunyadu aqoonsi inagu siinayso sida aynu nahay ninka taas ku fekeraa waa nin aan habeen jirin aduunyadu waxaad qabsato ayey kugu qiimaysaa ee kugu qiimayn mayso waxan ahay dal xor ah  oo nabadgeyo haysata.
wafti kasta oo inoo yimaadaa ma qiimaynayo in rasaasi dhacayso ee waxay qiimaynayaan in adeegtyada bulshada ee aasaasiga ahi inay shaqaynayaan waayo waxay sanad walba ku bixiyaa balaayiin dollor ah.
Muwaadin dawladnimadu gunta ayey ka unkantaa ee guudka kama bilaabanto labaatankii sanadood ee aynu la soo noqonay madaxbanaanideena  markaad tidhaahdo maxaa waxaa loo qaban waayey waxaa lagugu sasabaa sidii ilma caruur ah aqoonsi ma haysno adiguna waad rumaysataa ogaw ninka sidaa ku leh wuxuu maalintii qarash gareeyaa in ka badan 300 dollor oo ah muwaadin canshuurtii aad sida dhibta ah ku bixisay, maahmaah baa tidhaahda walee reer aan ogahay ma guuro  dawacadii inta ay ka cuntay xadhkihii ay awrta ku raran jireen.
Muwaadin ogaw inaan weli caqligeenu qaangaadhin ilaa sanadkii xornimada ilaa maanta oo laga joogo in ka badan konton sanadood, (weli gumucu meel baydhsan buu gowda ku hayaa)
Dadku waa dadkii siyaasigu waa siyaasigii dhulkuna waa dhulkii oo aynu nabaad guurinay,konton sanadood ka hor ninkii joogay waa garan karaa quruxdii dabiiciga ahayd ee dhulka iyo galoolkii hargeysa ee ugaadhu hoganaysay iyo awaaraha maanta waxaynu nahay ummad aan raadkeeda dib u eegin wax ka horeeyana aan ogeyn sida caruurtana loo sasabo xasadka iyo qabyaaladuna ay la degeen oo kheyrkood ay ka reebeen.
Siyaasadeena iyo aan msiyaasysigeenuna waa madhalays oo berri markay doorasho gaadho wuxuu kula horimanayaa I doorta badacaanaynayaa iyo dhulkaan malab ka dhigayaa, waa ayaan darro weyn in ummadu halkii ay ku kuftay ka kici weydo ummadaha noocan u dhaqma waxaa la dersa cuduro, gaajo, macaluul,biyo la,aan, faqri, jahli iyo abaaro baahsan oo ay abuuraan nabaad guurku.
Aydoo ay jiraan dhibaatooyinkaa aynu soo sheeganay oo dhan ayaanay jirin siyaasad cad iyo daraasado lagula tacaalayo oo yaala hayadaha dawlad masuulksata wuxuu ku mashquulay siminaar, mashruuc iyo laaluush u ka qaato gaalyar oo leh waxaan ahay hayad caalamiya kaas oo farta ugu yeedha masuulinteena waaweyn.
Weligeen baran mayno nidaamka dawladnimo waxaad arkaysaa wasiir qaabilaya gaal yar oo masruuc yar wata oo uu ku filaa inuu qaabilo agaasime waaxeedka ay khusyso hawshiisu waxay muujinaysaa milgaha dawladnimo inaynu meelkaga dhacayno, maha mucaaradnimo in muwaadinku sooo bandhigo argtitdiisa caafimaadka qabta.
Wasaarada walba wax jooga shan qof oo lama taabtaan ah oo ah ku la gala heshiisayada qarsoon hadba gaalka inta yar sita waxaana ay leeyihiin NGO yo u gaara oo ay ku fushadaan danahooda shaqsiga ah aygoo la ilaaway ummadda dhan ee xaaladeedu dhulka taalo .
Kaaga darane markaad gesho masaajidadeena waxaa saful awalka taagan kii ummada waxeeda madhiyey walee waa laysaga daba imin aakhiro iyo ifkaba oo sidaa loo ma daldali  doono.
Wasaaradda caafimaadka:
Marka ayu ka hadlayno qaabka ay u dhisan thay wasaaradeena caafimaadku waxaa weeye laba qaybood muhiim ah qaybta daawada iyo qayta ka hortaga caafimaad darada mid walba waxaa hoos yimaada laama balaadhan oo laga ma maarmaan u ah bulshada.
Qaybta dawadu: waxay masuulka tahay dhamaan adeegyada la xidhiidha daweynta xanuunada iyo la socodkooda maanta marka aad eegto isbitaaladeena ilaa heer gobol heer degmo, heer tuulo,iyo ilaa heer qoysba heerka uu taagan yahay ma jiro adeeg caafimaad oo hufan iyo daryeel majiro caafimaad bilaash ah ayadoo la og yahay in dawada ay bixiyaan hayado  shisheeye waxa keliya ee bilaashi ihi waxa weeye talaalka.
Sida dad badani ogyahay waxa jiray qorshe ay soo dejiyeen hayadaha la shaqeeya wasaarada sanadihii sagaashameeyadii oo la yidhhaado (cost sharing)kaas oo la leeyahay waxaa laga qaadayaa lacag yar qofkasta oo adeeg caafimaad loo qabto si goobta caafimaadka loogu daboolo baahiyeheeda gaarka ah waxay ahayd fikir fiican laakiin waxaa loo adeegsaday dhinaca qaldan taas oo horseeday in shaqsiyaad gaari ihi u isticimaalaan goobihii bulshada sidii dukaan ay leeyihiin taas oo hoos u dhigtay adeegii caafimaad ee loo soo doonan jiray goobaha dawliga ah danyartiina ceel ku riday rajadoodii ay ka qabeen adeeg caafimaad kud ka guur oo qanjo u guur.
Markaad u kuur gesho dareenka masuuliyiinta wasaarada waxaad arkaysaa in ay ogyihiin laakiin aanay waxba ka qaban Karin maadaama danahooda ay ku waayayaan.
Waaxayaha wasaarada waxaa hadheeyey dulmi xad -dhaaf ah oo dhaafay heer wax laga qaban karo taas oo ay ugu wacan tahay dheelitirika saami qaybsiga dalka oo aan weligeedba gaadhin ilaa iyo intii dalka lagu soo noqday,taas oo ah lama taabtaan,( mandakhla baytu sufyaan fahuwa aamin).
Majirto waax keliya oo haysa qorshe hawleed cad oo lagu kala socodsiiyo hawlaha balaadhan ee wasaarada waxaa ba kaga luma qorshe xumadaa hanti badan oo hayadaha la shaqeeya wasaaradu diyaar layihiin markay waayaan cid ula timaamda qorshe na waxay lunsadaan hantida ummadu ka baahantahay ee loogu tala galay.
Waxa kaliya ee masuuliyiinta waaxyuhu ula tagaana waa gaadhi ii kiree iyo guri iga kirayso iyo weliba NGO gayga sii mashruuca.
Waxaan aad ula yaabay maalin maalmaha ka mid ah masuulku tiraabaya meesha waxa keliya oo aanu ku sugnaa talaalka layidhaaho (Child health day) oo ah maalmaha talaaalka caruurta oo dhowrkii biloodba mar la qabta laguna lunsado hantida ugu badan ee wasaarada soo gesha oo ay bixiyaan hayadaha UN tae e degan soomaaliland oo  qudhooda uu la degay musuqmaasuq baahsan oon cidina kula xisaabtami karin inay ictiraafka ayey inaga hor joogsanayaane.
Dulmigu heerka uu gaadhay waa mid aan la malayn karayn ogow muwaadin marka wasaardeenii caafimaadku ay ku mashquulsan tahay fulinta maalmaha tallaalka caruurteeniina waxay u dhimanaysaa  xanuuanada ka dhasha gaajada sida shubanka,oofwareenka,cuncunka jidhka ,gooryaan caloolada iyo kuwo kale oo badan.
Tusaale ahaan hooyada haysata 6 caruur ah ee afar la il daran yihiin shuban iyo gaajo  bal qiyaas marka la yidhaado talaalkii baanu sidnaa dareenkeeda sirma qabe alow sahana.
Waxaa jira waxyaabo laga xishoodo hadii ummada ay ku hadhay in u damqanaysa oo xaaladooda hoos u eegaysa tusaale waxaa kuugu filan bal hargeysa soo eeg meelaha ay degan yihiin dadka soo barakacay ama danyartu inta aynaan tegin gobolada kale oo iyaga ay ka soo fog yihiin wasaaraduhu iyo maamulka dawladuba,heerka dhimashada dhalaanka iyo hooyadu waxay marayaan heer aan la qiyaasi karayn ayadoo welaba ay ka ag furan yihiin goobo caafimaad oo ku mag caaban xanaanada dhalanka iyo hooyada.
Waxaan ogahay iyadoo iminka wasiirka jooga wasaaradda caafimaadku aanu ahayn shaqsi lagu xaman karo musuqmaasuq iyo eex, waxaan qabaa inuu yahay shaqsi ka fayoow cudurka bulshadeena hadheeyey ee qabyaalada iyo ku xumeeda waa shaqsi leh dadnimo iyo daacadnimo hufan oo ku yar masuuliyiinta soomaaliland.
Laakiin ay ku xeeran yihiin duruufo aanu ka gudbi Karin oo mar walba turunturo ku ah maamulka wasaaradiisa taas oo sumacad  xumo u soo jiidi doonta mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo shaqsiba, mana muuqdo xal uu keligii u heli karaa amuurahan aynu soo sheeganay (far keliya fool ma dhaqdo).
Qaybta ka hortaga:
Qaybtani waa lafdhabarta wasaaradda oo hadii si fiican looga shaqaysiiyo wax badan bulshada ka bedli karta caafimaadkeeda iyo akhlaaqiyaadkeedaba waa qaybta wacyi gelinta  iyo la socodka heerka xanuun waliba ka joogo soomaaliland iyo heerka faafidiisa iyo meelaha uu ku fido xakameyntiisa, baraarujinta  bulshada ee nadaafada iyo waxtarkeeda gubista qashinka, qorsheynta magaalooyinka,warshadaha,hudheelada, goobaha waxbarashada,iyo arimo badan oo aad u balaadhan.
Hadaba muwaadin maxaad u malaynaysaa in arimahaa ay ka hirgaleen iyo inkale iyo weliba caqabadaha hortaagan waxaad maqashaa hayada hebla oo manta qabtay siminaarka noocaas ah.
Muwaadin maahmaah baa ahayd ninka xoogaa lihi inantayda kamuu dhali waayine wuu hagranayaa.
Dhinaca wasaarada taasi run ma,ha sabatoo ah waxaa jirta aqoon daro balaadhan iyo faham la,aan ka haysta waaxdan waxa ay masuuliyadoodu tahay iyo caqabdadihii aynu kor ku soo sheeganay oo is biirsaday ilaa wacyiga dadka kor loo qaadno horumar iyo nabadgelyo laguma riyoon karo.
Aqoonsigu wuxuu muwaadin ku jiraa runta ee kuma jiro been ummada loo sheego hadaynaan hagaajin adeegyada bulshada, sida caafimaadka,waxbarashada,wadooyinka,iyo qorshayaasha magaaloyinka majirto riyooyinka aynu ku doonayno nabadgelyo iyo ictiraaf toona.
Horta inagu aynu dhibaatada jahliga iyo qabiilku inagu hayo aynu ictraafno markaasaa inan layna ictiraafayaa,waxaad maalin walba maqlaysaa wafti ka socda meel hebla ayaa booqasho ku yimi soomaliland wayna iska noqdaan ayagoon wax jawaab ah bixinin markay dhulkoodii ku noqdaan waxay hoos u yidhaahdaan waxanu soo aragnay ummad ku jirta xaalad bini aadamnimo oo aad u daran oo iyaguna isu haysata inay xaalad horumarineed ku jiraan waana kaaf iyo kala dheeri.
Hadaba talooyinka la gudboon wasaarada caafimaadka iyo masuuliyintooda waxaan leeyahay uga faaiideeye ummada fursadaha badan ee idin horyaal idinkoon cidna uga habranayn,daacadnimana ku dara oo wasiirka ku taageera wanaaga badan ee ku jiraa iyo qalbiga wanaagsan ee uu idinla dex joogo ilaahayna waaidin arkayaa.
Guntii iyo geba gebagebadii maqaalkani waa mid soo bixi doona oo aan ahayn mid cid gaara u adeegaya ama u jeeda ee waa toosin ku wajahan maamul wanaaga iyo in fadhiga laga kaco.
cida u aragta inay daneheeda gaarka ah ka hor imanaysa waxan leeyahay marka dan qaran hagaagto ayaa taaduna hagaagaysaa ee naga raali ahow.

ALLAA MAHADLEH
Reporter:-
Faisal Farah Hashi  Public health officer