Dhacdooyin ugub ku ah taariikhda somaliland sanadka m.siilaanyo talada hayay!

Xukumada Silaanyo waxa  halhays u ah kuna faantaa inaanay jirin cid dalka iyo dadka uga lexejeclo badan balse weedhahaasi waa af-goobaadsi aan waxba ka hoosayn waayo xubno miisan weyn ku leh xukumada ayaa had iyo jeer ku kaca khiyaamo qaran iyo ficilo lidi ku ah hawlaha qaran ee loo igmado islamarkaana docfaruura qaanuunka dalka.habdhaqano guracan oo xukumadahii somaliland soo maray ka gaws adaygeen ayey xukumada Silaanyo ka badheedhay tusaalena waxa inoogu filan habdhaqankii wasiirka duulistu telefon ku sii daayey nin shisheeya oo lagu qabtay isagoo kotarabaaninaya shixnad macdan qaaliya isagaan ruqsad haysan,sidoo kale xubno safka hore kaga jira xukumada ayaa hor boodayey ciid iyo macdano sifo qaldan dalka looga saarayey iyadaan nidaam sharciyeed la marsiin.

Dhacdooyinka ugubka ku ah taariikhda Somaliland cahdiga Silaanyo aan is dul taagnee markuu talada dalka la wareegay M.Silaanyo wuxu balanqaaday inuu sugi doono amaanka dalka iyo dadka muwaadin kastana  ku seexan doono kuna soo toosi doono nabadgelyo taama balse markii ugu horeysay taariikhda ayuu tuug ka tuurtey qof dumara biriijka Hargeisa dharaar cad kana dhacay wixii hanti ay sidatey kaaga darane arrintaas cid loo qabtay ma jirto,sidoo kale waxaa halis ku sigtay amniga dalka markii cutubyo hubaysan oo ka tirsan jabhada ONLF ka soo degeen xeebaha galbeed ee somaliland iyadaaney ciidan caabiya la kulmin toosna inoo jiidheen aakhirkiina gaaleen gudaha itoobiya halkaasey ka dagaal galeen.
M.Silaanyo oo ku eedayn jiray Rayaale dayac iyo nabadgelyo xumo baahsan ayaa mudadii uu xilka hayey  u soo hoyatey fadeexad ka foolxun kuwii uu Rayaale u xanbaarin jiray waxaana dhacday in xaafada New Hargeisa mudo kooban gudaheed la gubay in ka badan 30 guri oo xukumadu ku fashilantey inay xaqiijiso sababta iyo cida ku lug lahayd falkaa argagaxa leh.
Sidoo kale M.siilaanyo wuxu balanqaadey inuu kor u qaadi doono nolosha bulshada balse markii u horeysay taariikhda ayaa dad gaajo ugu dhinteen Hargeysa qaar kalana dirqi lagu badbaadiyey iyagoo qarka u saarnaa dhimasho baahi iyo darxumo soo food saartay awgeed (caasimadii baa gaajo loogu baqtiyay miyigina bal qiyaas),dhibanayaashaasi wax gurmad iyo taakula midna kamay helin xukumada Silaanyo oo ay codkooda siiyeen.
Dhacdo kale ciidamada Somaliland ee ka hawl-gala jiidaha hore ayaa markii u horeysay  gadooday baneeyayna qaar ka mida aagagii difaaca iyo fadhiisimadii ay ku sugnaayeen isafgaranwaa dhexmaray iyaga iyo xukumada awgeed,sidoo kale dagaalkii Kalshaale ciidan dhawr boqola oo ku gaashaman saanad milateri sida gaadiid,rasaas iyo tikniko ayaa si fudud uga goostay ciidanka qaranka somaliland kuna biiray jabhada SSC ee Buhoodle deggan,sidoo kale ciidamo ka tirsan booliska ayaa duruufo nololeed oo la soo darsay awgeed ka soo baxay goobahay ka hawl geli jireen.
markii u horeysay taariikhda somaliland ayaa wasiir ka tirsan xukumada Silaanyo ka qeyb galay shir loo qabtay kooxaha siyaasada somaliya iskuhaya kaasoo meeqaamkii iyo mustawihii ay somaliland taagnayd  dhulka jiiday kalana mid dhigay maamul-goboleedka puntland,sidoo kale waa markii u horeysay ee masuul ka tirsan xukumadihii soo maray somaliland aduunyadu ku soo oogto budhcad badeednimo.
Dhacdo kale madal lagu soo casuumay gudoomiyihii horee maxakamada sare kuna dhamaayeen golayaasha qaranka,fulinta iyo garsoorku ayuu M.Silanyo kaga dhawaaqey inuu xilkii ka qaaday gudoomiyaha ,golayaashana weydiistay taageero cod oo lagu rido isagaan wax ogeysiina qabin taasoo dhaqankeena iyo milgaha maamul meel-ka-dhac ku ah.
Markii ugu horeysay taariikhada Somaliland ayaa imtixaanka (half GC iyo shahaadiga) ee dugsiyada sare  fashilmeen oo sida badeecada loo kala iibsaday,sidoo kale waa markii u horeysay ee diyaarad rakaab sidaa ku hungowdo inay ku degto madaarka Hargeysa markii wasaarada duulista oo dakhli badani ka soo galo madaarka ku fashilantay xalinta cilad ku timi adeegii laydhka dhacdadanina waxay dhaawac weyn u geysatey sumcadii madaaradka Hargeysa oo laga yaabo in diyaaraduhu ka maagaan iney isticmaalaan habeenkii.
Markii ugu horeysay taariikhda Somaliland ayaa la arkay baabuur baabur kale jiidaya isagaan wax cilada qabin magaalada Hargeysa  dhexdeeda shidaal la’aan ba’an oo soo wajahday dalka awgeed markii xukumada Silanyo eriday shirkadii Total ee maamuli jirtay haamaha shidaalka Berbera iyadaan diyaarin bedelkeedii ama wax daboola baahida shidaal ee dalka ka jirta taasina waxay keliftay inay qaaliyoobaan daruuriyaadkii nolosha sida caanaha,dhuxusha,hilibka,khudaarta,biyaha iyo kirada gaadiidka soo qaadi jirayba.
Hadal murti buu ku go’aaye waxa dalka ka istaadhmay shirbeeleedyo ay intooda badan hagayaan wasiiro iyo hawl wadeeno ka tirsan xukumada Silanyo,waxa fagaarayaasha siyaasada lagu hadal hayaa in xukumada lafteedu maalgeliso shirbeeleyada waxay doonto ha uga jeedee waayo waxa si joogto ah looga baahiyaa warbaahinta xukumadu gacanta ku hayso iyagoo qaarkood sedbuursiimo manaasib sheegtaan halka kuwa kalena manaasiib kordhin dalbadaan weliba ku darsoo qoloba qolo ayey xajiimaysaa iyagoo xukumada is xejinaya kuna tilmaama qolyaha kale kuwo irdhoobey,yeelkeede shirbeeleedyadan oo xukumadu door weyn ku leedahay dhaqaale ahaan iyo maamul ahaanba ayaa loo nisbaynayaa in lagu wiiqi karo laguna xagal daacin karo midnimada iyo jiritaanka qaranimada somaliland.
Wa bilaahi tawfiiq
ENG: MAXAMED JAAMAC AXMED (MASKAX)